Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo Soomaaliya u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda sanad-guuradii 56aad ee kasoo wareegtay madaxbanaanida

1 Jul 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo Soomaaliya u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda sanad-guuradii 56aad ee kasoo wareegtay madaxbanaanida

WAR-SAXAAFADEED 17/2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa hambalyo u diray dadka Soomaaliyeed iyo dowladdoodaba, hambalyadaas oo ku aaddan munaasabadda madaxbanaanida dalka. Mudane Keating ayaa amaanay firfircoonida iyo adkaysiga ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed iyadoo dalku kasoo kabanayo tobaneeyo sano oo isbarbaryaac iyo colaado ah.

 

"56ki sano ee u dambeeyay waxay dadka Soomaaliyeed u ahaayeen sanado qasan" ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. "Geeddigooda siyaasadeed ee dhaxalgalka ah wuu sii socdaa. Nasiib darro, arrimaha amaanka ayaa weli ah dhibaatada ugu weyn. Laakiin Soomaaliya ayaa kusii tallaabsanaysa horumar la taaban karo oo dhinacyo badan leh, siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, horumarkaas oo weliba ka sarreeya inti ay filanayeen dad badan oo Soomaaliyeed".

 

Sanadkan waxaa qabsoomaya geedi-socod doorasho oo leh mudnaan xaddidan. Todobaadki lasoo dhaafay, madaxda Madasha Hogaanka Qaran (MHQ) waxay kulan ku yeesheen Baydhaba si ay iskula meel dhigaan geedi-socod si dhab ah loogu diyaar-garoobayo doorashooyinka, iyadoo doorashooyinkaasi ay noqon doona horumar wayn oo loogu sii gudbayo doorashooyin Qof iyo Cod ah oo dhaca sanadka 2020.

 

“Sanadkani waa sanad muhiim u ah Soomaaliya,” ayuu yiri Mudane Keating. “Abaabulka iyo qabsoomidda doorashooyin loo aqoonsado kuwo cadaalad ah kana madaxbanaan saamayn gaar ah iyo cabsi-gelin, waa arrin culayskeeda leh. Waxaan madaxda Soomaaliyeed ku amaanayaa ballanqaadkooda ku aaddan xaqiijinta geedi-socod loo arki doono mid sharciyad ku qotoma loona wada dhanyahay marka loo eego kii qabsoomay sanadki 2012".

 

Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa hay’adaha amniga Soomaaliyeed iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ku amaanay hawsha ay hayaan ee ay uga hortegayaan khatarta xagjirnimada gacan ka-hadalka ku dhisan, wuxuuna hoosta ka xarriiqay dowrka muhiimka ah ee ay ka cayaarayaan hawshaas.  "In la xoojiyo awoodda Hay’adaha Amniga Qaran ee Soomaaliya waa arrin lagama maarmaan ah, iskaashiga lala leeyahay AMISOM kuma koobna sidaas oo kaliya ee wuxuu qayb ka yahay ujeedooyinka qaran-dhisidda ee Soomaaliya", ayuu yiri. Madaxda Madasha Hogaanka Qaran waxay dhowaan meel mariyeen Siyaasadda Qaran ee Amniga iyo Qaab-dhismeedka Cusub ee Ciidanka Booliska.

 

“Sanadki lasoo dhaafay waxaa si tartiib tartiib ah usoo dhismayay awoodda hay’adaha dowlad goboleedyada federaalka ah, kuwa heer qaran iyo weliba kuwa heer gobol, waxaa sidoo kale soo dhismayay hay’adaha sharciga iyo kuwa qorsheynta, kuwaas oo kaabaya sidi Soomaaliya ku gaari lahayd himilooyinkeeda. Horumarku waa mid la taaban karo, kalsooniduna waa mid soo kobcaysa. Laakiin weli waa mid nugul", ayuu yiri Mudane Keating. Wuxuu garowsaday in dadka Soomaaliyeed badankood ay diidanyihiin in colaad lagu xalliyo khilaafaadka, al-Shabaabna ay weli tahay khatar jirta, oo si gaar ah khatar ugu ah dadka rayidka ah.

 

"Qaramada Midoobay iyo guud ahaan beesha caalamku waxay doonayaan inay dadka Soomaaliyeed ku taageeraan qorshayntooda mustaqbalka ee ku aaddan helitaanka dowlad laga wada qaybqaato oo loo wada dhanyahay, helidda dhaqaale sii xoogaysta oo shaqooyin badan u abuura dadka da’da yar, iyo sidoo kale helidda hay’ado amni oo awood leh kuna dhisan sila-xisaabtan".