Dawladda Soomaaliyeed iyo bahwadaagteeda oo daaha ka rogey qorshe sare loogu qaadayo isku-duwidda taageerada caalamiga ah ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

30 Jun 2016

Dawladda Soomaaliyeed iyo bahwadaagteeda oo daaha ka rogey qorshe sare loogu qaadayo isku-duwidda taageerada caalamiga ah ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Mashruuc ay ka wada qaybqaadanayaan bahwadaag kala duwan islamarkaana diiradda lagu saarayo isku-duwidda kaalmada caalamiga ee loogu talogalay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa Muqdisho lagu soo bandhigey Khamiistii.
 
Unugga Isuduwidda Mashquucyada Booliiska oo ka kooban xubin mataleysa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, qaybo kala duwan oo Qaramada Midoobay ka kala socda iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM ), oo ah deeq bixiyeyaal isfahamsan iyo mashaariic, ayaa leh hab ay macluumaadka ku wadaagaan bahwadaagtu, sidoo kalena iskula jaanqaadi karaan, si looga jawaabo baahida booliiska Soomaaliyeed.
 
Soomaaliya, haba gaabisee si hufan ayay uga soo kabanaysaa 20 sano oo dagaal sokeeya ah, baahi ayay u qabtaa helidda ciidan boolis oo xooggan oo heer Federaal iyo mid maamul goboleedba leh, ciidankaas oo awood u yeesha ilaalinta nafta iyo hantida mawaadiniinta, islamarkaana xaqiijiya in dalka nabad iyo ammaan lugu soo dabbaalo.
 
Mashruucan cusub ayaa waxaa majaraha u qabanaya saraakiil ka socda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
 
Isaga oo ka hadlayey xafladda ayuu Gen Bashiir Abdi Mohamed yiri “ Guddigan hawshiisu waa inuu dhiso ciidan xirfadleh oo awood u leh inuu adeeg tayo leh u qabto dadweynaha kolka ay soo waajahaan xaaladaha adag.”
 
Gerard Smith oo ah isuduwaha sare ( ee mashaariicda booliiska) oo ka socda UNSOM,  ayaa sheegay in ay kooxdooda ka go’antahay hormarinta isuduwidda sare u qaadidda ciidanka booliiska Soomaaliyeed.
 
Gudoomiya guddiga PPCC Said Hassan ayaa tibaaxay in Soomaaliya u baahantahay ciidan booliis aamin ah, xirfadeysan islamarkaana qalab ku filan haysta si uu guto waajibaadkiisa.
 
Amadu Mannah, kuxigeenka madaxa booliiska AMISOM ayaa xustay in Madasha Hogaaminta Qaranka ay meelmarisay nooca booliis ee uu dalka yeelanayo sidaa darteed ay tahay calaamad muujinaysa aqoonsiga haybadda ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo mid maamulgoboleed ba.
 
“Meelmarinta habka booliiseynta ee dalka oo ay Baydhabo ku saxiixeen Madasha Hogaanka Qaranka ayaa ahayd horumar weyn. Taas macnaheedu waxa ay tahay in dhammaan ciidanka gobolada iyo kan qaranku ba ay awodi doonaan in a si wadajir ah uga hawlgalaan dalka si isku mid ah,” ayuu yiri Mannah.
 
Gaashaanle Dhexe Zakiya Xuseen Axmed oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa amaantay mustaqbalka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyada oo sheegtay in hadafku yahay sidii loo heli lahaa ciidan hufan oo ku dherersan heerka tayo ee ciidan oo caalamiga.
 
“Hadafka uu ciidankeenu leeyahay ayaan ku sinneyn inaan noqono ciidan xoogan oo isku filan oo Soomaaliya amaankeeda suga ee keliya, ee waxay aynu ku taameynaa dhisidda ciidan wax ka qabta amaanka gobolka oo dhan.,” ayay raacisay Zakiya.
 
Kolka uu guddigan (PPCC) shaqo billaabo wuxuu ku filnaan doonaa isku-duwidda dhammaan arrimaha mashruuca ee Booliska la xiriira,asagoo kaashanaya hay’adaha jira ee dowladda Soomaaliya.