Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo cambaadeeyay weerarkii qaraxyada Muqdisho, kuna deeqay in Qaramada Midoobay ay taageerayso gurmadka hay’adaha Soomaaliyeed

15 Oct 2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo cambaadeeyay weerarkii qaraxyada Muqdisho, kuna deeqay in Qaramada Midoobay ay taageerayso gurmadka hay’adaha Soomaaliyeed

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa cambaareeyay weerarradii qaraxyada ahaa ee shalay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee ay ku dhinteen tiro ballaaran oo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

“Waxaan la fajacay oo aan ka naxay tirada dadka ku dhintay qaraxa iyo baaxadda burburka uu qaraxyadu geysteen,” ayuu yiri. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska iyo asxaabta inii dhimatay, waxaana caafimaad iyo soo kabasho u rajeynaynaa inta dhaawaca ah iyo inta kale ee waxyeelladu soo gaartay.”

Qaramada Midoobay iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxay si dhow iskula shaqeynayaan sidii ay u taageeri lahaayeen hawlaha gurmadka ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha dowladda hoose ee magaalada Muqdisho, taasoo ay ka midtahay in taageero saad, qalab caadimaad iyo farsamo loogu deeqo gurmadka socda qaraxyada ka dib. 

“Kuwii geystay falkan waxay weerareen xaafad aad u dad badan ee magaalada Muqdisho. Waxay dileen tiro aan horey loo arag oo ah dad rayid ah. They have killed an unprecedented number of civilians. Waa weerar laga naxo marka laga eego dhanka ujeeddadiisa iyo saameyntiisaba” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Dhammaan Soomaalidu waa inay u midowdaa cambaareynta iyo ka hortagga colaaddan xagjirnimada caynkan oo kale ah.”

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ayaa sheegay in arrinta mudnaanta koowaad ee ugu horeysa leh ay tahay in la teegeero dadaalka ay wadaan hay’adaha Soomaaliyeed si ay dadka weerarka uga samata bixiyaan una caawiyaan dadkii waxyeelladu soo gaartay, gaar ahaan kuwa dhaawaca ah iyo kuwa hadda gurya la’aan noqday. “Beesha caalamku waxay sameyn doontaa wax kasta oo suurtagal ah si ay u kaalmeyso dadka iyo dowladda Soomaaliyeed si ay uga gudbaan ugana soo kabtaan musiibadan.”