Hal-abuurayaal da’yar ah oo isugu yimid in ay Soomaaliya u helaan xal ku saabsan arrimaha bulshada iyo dhaaalaha

10 Oct 2017

Hal-abuurayaal da’yar ah oo isugu yimid in ay Soomaaliya u helaan xal ku saabsan arrimaha bulshada iyo dhaaalaha

Mogadishu - Kulan Hal-abuur Bulshadeed oo socday toddoba maalmood ayaa la soo gabogabeeyay toddobaadkan, iyada oo ay Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ballan qaadeen in ay garab siinayaan ganacsatada dhallinyarada ah si ay ganacsiga la xiriira caanaha ee Soomaaliya ay u sameeyaan xal sal ku leh tiknoloojiyadda.

Kulanka Hal-abuurka Bulshadeed, oo mowduuciisu ahaa “Hal-abuur u samee Soomaaliya’, waxaa qabanqaabisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyagoo la kaashanaya Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaliya.

Kulanka Hal-abuurka waxaa ka qayb-galay in ka badan 40 dhallinyaro oo isugu jira gabdho iyo wiilal oo da’doodu u dhaxeysa 19 ilaa iyo 30. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xog-Hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, Peter de Clercq, iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jamaal Xasan.

Kulanka Hal-abuurka oo ah kulan aan noociisa horay lagu qaban Soomaaliya waxaa diiradda lagu saarayay ganacsiga la xiriira caanaha – oo ah ganacsi muhiim u ah koboca dhaqaalaha ee dalka, laakin wali la halgamayo caqabado badan, sida meelaha lagu kaydiyo oo liita, dilaaca cudurrada, la’aanta daaqa xoolaha kuwaas oo ragaadiyay ganacsiga in uu gaaro halka laga rabay.

Mudane de Clercq oo ka hadlay xafladda xiritaanka ayaa ku boorriyay dhallinyarada in ay xal wax ku ool ah u la yimaadaan arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha oo dalka ka jira.

Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xog-Hayaha Guud ee QM ayaa farxad ka muujiyay fikradaha la soo bandhigay, asaga oo sheegay in ay taasi calaamad u tahay in fikrado yaryar loo adeegsan karo in wax looga qabto dhibaatooyin dhab ee dalka ka jira.

“Waa in aan eegno sida aan ku taageeri karno dadka idinka oo kale oo leh fikradahan cajiibka ah oo aan fiirinno sida aan horay ugu wadi karno oo aan ka dhigi karno kuwo ka gacan ka geysanaya dhaqaalaha dalkani,” ayuu yiri Mudane de Clercq, asaga oo ballan-qaaday taageerrada Qaramada Midoobay.

Dhankiisa, Mudane Jamaal Xasan ayaa ku boogaadiyay ka qayb-galayaasha fikradahooda hal-abuurka ah, asaga oo ballan-qaaday taageerro dheeraad ah si loo xaqiijiyo in waxyaabaha ay soo bandhigeen in laga dhabeeyo.

“Waxa aan kala shaqeyneyney Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si aan u xaqiijinno in aan idin siinno fursado aad kula timaaddaan xal iyo fikrado wax ku ool ah kuwaas oo faa’iido u noqon kara dalka iyo guud ahaan anaga oo dhan. Waan iskula jirna arrintan waana idin siin doonnaa taageerrada aad u baahan tihiin,” ayuu yiri Mudane Jamaal Xasan.

Seddaxda bilood ee soo socda ka qayb-galayaasha waxaa ay hay’adda UNDP ka heli doonaan taageerro isugu jira hagid ah iyo horumarin si ay fikradahooda ganacsi ay u xoojiyaan.

“Muddada seddaxda bilood ee soo socda waxa aan ku jiri doonnaa qaybta bilowga, oo aan u beddeli doonno fikradahan ganacsiyo aana horumarinno qaababkooda ganacsi. Waxaa ku xigi doonnaa in aan fikradahooda u bandhigno maal-gashadayaasha,” ayuu yiri Sherif El Tokali oo ka socday UNDP.

Dhankiisa, Cawil Cusmaan Cabdi, oo ah Madaxa Maamulka Sare ee Xarunta iRise, oo ah mid ka mid ah qaban-qaabiyayaasha, ayaa ku ammaanay kulanka hal-abuurka in uu yahay fursad qaali u ah dhallinyarada in ay kaalin ka ciyaaraan horumarinta dhaqaalaha dalka wuxuuna ballan-qaaday in uu mustaqbalka qabanqaabin doono kulammo kan la mid ah.

Fikradaha ganacsi ee la soo bandhigay waa la sii qurxin doonaa iyada oo la adeegsanayo khabiirro ka hor inta aan la hirgelin. Xirfadaha laga bartay Kulanka, sida u fikridda qaab hal-abuurnimo, xalinta dhibaatooyinka si fariidnimo ah, sameynta iyo tijaabinta, waa xirfado wax ku ool ah ee la sii gudbin karo kuwaas oo loo adeegsan karo horumarinta warshada caanaha, iyo ganacsiyada kale ee ka jira Soomaaliya. Hindisaha noocani ah waxaa ay ka caawinayaan dhallinyarada Soomaaliyeed in ay diiradda saaraan xal maxalli ah, waxaa ayna ka caawinayaan in ay abuuraan shaqo ayna gacan ka geystaan koboca dhaqaalaha.

Kulanka Hal-abuurka Bulshadeed waxaa uu ka caawin doonaa in maskaxda dhallinyarada lagu abuuro hal-abuurnimo, waxaana uu gacan ka geysan doonaa in uu dhiso jawi wanaagsan ee dhiirrigeliya in lala yimaado xal hal-abuur ah oo ay hormuud ka yihiin dhallinyarada.