Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo cambaareeyay dilka wariyaha Idaacadda Shabelle

Cabdicaziiz Maxamed Cali

28 Sep 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo cambaareeyay dilka wariyaha Idaacadda Shabelle

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa si kulul u cambaareeyay dillkii ay laba nin oo dablay ah oo aan la garaneyn shalay caasimadda Soomaaliya ugu geysteen wariyihii Idaacadda Radio Shabeelle, Cabdicaziiz Maxamed Cali.

Dadka dila ka dambeeyay weli lama aqoonsanin. Md. Cabdicaziiz Maxamed Cali oo ahaa wariye aad loo qadariyo, wuxuu noqonayaa wariyihii Soomaaliyeed ee labaad ee si xun loo dilo sannadkan. Wariyeyaal tiradoodu gaarayso 31 ayaa la dilay tan iyo bishii Agoosto 2012, sida ay sheegtay Kooxda Xuquuqul Insaanka iyo Badbaadinta ee UNSOM.

“Md. Cabdicaziiz Maxamed Cali wuxuu ahaa wariye wax baara, waaya arag leh, oo karti badan oo si joogta ah u tebin jiray shirarka jaraa’id ee ay beesha caalamku ku qabtaan magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Md. Keating. “Geeridiisu waxay khasaare aad u weyn ku tahay bahda saxaafadda dalka, waxaana murugo iyo tacsi tiiraanyo leh u diraynaa saaxiibada iyo qoyska Md. Cabdicaziiz Maxamed Cali.”   

UNSOM iyo Xafiiska Ergeyga Sare ee Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Horaantii bishan soo saaray warbixin ku saabsan xaqa xorriyadda hadalka oo Soomaaliya ku tilmaantay inay tahay “deegaan khatar ah in lagu hawlgalo” oo si gaar ah u saameeyay wariyeyaasha iyo shaqaalaha warbaahinta. Sannadkii 2015, Soomaaliya waxay lambarka ugu hooseeya ama dalka ugu xun ka gashay liiska Isla Xisaabtan La’aanta Adduunka ee uu soo saaray Guddiga Badbaadinta Wariyeyaasha, oo lagu diiwaangeliyo xisaabtan la’aanta dembiyada ka dhanka ah wariyeyaasha iyo shaqaalaha warbaahinta adduunka oo dhan.

UNSOM waxay ugu baaqaysaa hay’adaha Soomaaliyeed inaysan ka hagran wixii karaankooda ah ayna dadaal kasta ku bixiyaan si loo soo qabto kuwii geystay dembigan foosha xun loona hor geeyo caddaaladda.