Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating oo Koonfur Galbeed kala hadlay diyaar garowga hannaanka doorashada

5 Oct 2016

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating oo Koonfur Galbeed kala hadlay diyaar garowga hannaanka doorashada

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating, ayaa soo dhaweeyay horumarka uu sameeyey Maamulka Koonfur Galbeed ee diyaar garowga hannaanka doorashada.

Mr Keating ayaa waxaa weheliyay Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, Safiirka Sweden ee Soomaaliya, Mikael Lindvall iyo wakiillo ka socda Itoobiya iyo Midowga Yurub.

"Diyaar garowga wuxuu u muuqdaa in uu si wanaagsan u socdo. Waxaa naloo sheegay in 69ka kursi ee koonfur galbeed leedahay, taas oo ah tirada ugu badan ee kuraasta marka loo fiiriyo gobolada kale, ergooyinka ayaa la doortay saddex meelood laba meel ee kuraasta. Weli waxaa la heystaa waqti lagu doorto qeybta hartay, "ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah.

Sida laga soo xigtay jadwalka cusub ee uu sii daayay Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (FIEIT), doorashada madaxweynenimo waxay ka dhici doontaa labada aqal ee baarlamaanka federaalka 30ka Nofeebar 2016ka. U codaynta kuraasta aqalka sare wuxuu dhici doonaa 10ka Oktoobar, halka codbixinta kuraasta aqalka hoose uu dhici doono laga bilaabo Oktoobar 23 ilaa iyo Nofeebar 10keeda.

Wafdiga ayaa wadahadal la yeeshay madaxda sare ee Maamulka Koonfur Galbeed oo uu hogaaminayo Madaxweyne Sharif Hassan Sheikh Adan iyo sidoo kale xubno ka tirsan Guddiga Dowlad Goboleedka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban

Isagoo la hadlaaya saxaafadda, Madaxweyne Maamulka Koonfur Galbeed Sharif Hassan Sheikh Adan ayaa shaaca ka qaaday in liiska murashaxiinta golaha Aqalka Sare la soo gudbin doono maalmaha soo socda.

“Wafdiga xaaladda iyo meesha ay wax noo marayaan runti wan u sheegnay. Aqalka sare ayaa maanta ku ekayd in la gudbiyo liiskiisa ayaa la isku ogaa. Inkastoo aan maanta liiska siinin, inuu agteena ka dhameysanyahay, uu diyaar uu yahay, labadaan maalmood gudahoodana aan u soo gudbin doono Guddiga Dowlad Goboleedka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban waan u sheegnay,” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in diyaar garowga hannaanka doorashada ee aqalka hoose ay sidoo kale sidii la rabay u socoto isagoo ku daray in inta badan ergooyinka kooxda doorashada, kuwaas oo xuli doona xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka, in la aqoonsaday

Mr Keating ayaa rajo ka muujiyay in qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 kuraasta baarlamaanka la balan qaaday.

Ergeyga Gaarka ah, si kastaba ha ahaatee, ayaa sheegay in ay jiri doonaan caqabado farsamo iyo ammaanka ee hirgelinta hannaanka doorashada, isaga oo intaa raaciyay in Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ka taageeri doonaan madaxda maamulka koonfur galbeed wax ka qabashada caqabdooyinkaas.

"Ammaanka waa mid ka mid ah iyo keenidda musharaxiinta aqalka hoose Baydhaba waa mid kale, laakiin AMISOM iyo ciidamada ammaanka koonfur galbeed ah ayaa si adag uga shaqaynaya arrinta ammaanka," ayuu yiri Keating.