Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo soo dhoweeyay caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug

30 May 2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo soo dhoweeyay caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug

WAR-SAXAAFADEED 07/2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa soo dhoweeyay caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”, kaasoo shalay ka dhacay magaalada Cadaado.

“Waxaan u hambalyaynayaa Madaxweyne Xaaf. Xubnaha golaha sharcidejinta dowlad-goboleedku waxay kuu dhiibeen mas’uuliyad aad u weyn – oo ah inaad hogaamiso wax u qabashada dadka reer Galmudug" ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. "Taasina waxaa ka mid ah shaqo abuuridda iyo fursadaha dhaqaalaha, kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada, amniga iyo hay’adaha dowladda oo shaqeeya/hawlgala."

Ergeyga Gaarka ah wuxuu sheegay in beesha caalamku ay diyaar u tahay inay taageerto Galmudug, oo ay ka midtahay hirgelinta qaabdhismeedka amniga qaran, laakiin dibuheshiisiintu waa shardi lagama maarmaan ah. Wuxuu xusuusiyay ballanqaadkii uu Madaxweyne Xaaf ku bixiyay Shirkii London oo ahaa inuu la heshiin doono Ahlu Sunna Wal Jamaaca, iyo inuu xallin doono colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo.

“In la horumariyo dadaallada dibuheshiisiinta ayaa ah furaha xasilloonida Galmudug. Si loo dhiso maamul loo wada dhanyahay iyo shaqeynaya, waa in wadahadal dhakhso loo billaabo oo aan lala daahin,” ayuu yiri Md. Keating. Wuxuu tilmaamay in Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca ay dani ka dhexeyso ayna wadaagaan mas’uuliyad, oo ah in gogolka laga difaaco khatarta Al Shabaab. "Wadahadalku waa in sida ugu dhakhsiyaha badan u billowdaa."

Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa sidoo kale ku baaqay in tallaabo la qaado si loo xalliyo colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo, oo u baahan in tallaabo joogta ah ay qaadaan dhinacyada degaanka si loo maareeyo xaaladda ka jirta goobta, iyo weliba in Madaxweyneyaasha labada dowlad goboleed ay muujiyaan hogaan siyaasadeed si loo xalliyo khilaafka dastuuriga ah, tallaabadaasoo ay Dowladda Federaalkana taageerto.

“Maadaama Galmudug ay maanta bog cusub furaysao, waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta Galmudug, baarlamaanka dowlad goboleedka, bulshada rayidka iyo kuwo kaloo badanba inay gacmaha isqabtaan oo ku midoobaan taageerada nabadda, xasilloonida iyo horumarinta dhaqaalaha,” ayuu yiri Md. Keating.

Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka guud ahaan waxay ku hanweynyihiin inay la shaqeeyaan Madaxweyne Xaaf iyo dowladdiisa iyagoo shaqo muhim ah u qabanaya dadka reer Galmudug.