Ergeyga Gaarka ah ayaa soo dhoweeyay wadahadallada nabadeed ee Cadaado

31 May 2017

Ergeyga Gaarka ah ayaa soo dhoweeyay wadahadallada nabadeed ee Cadaado

WAR-SAXAAFADEED 08/2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhoweeyay wadahadallada nabadeed ee 29ki May 2017 dhexmaray Madaxweynayaasha Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ee Puntland iyo Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ee Dowlad Goboleedka Galmudug, wadahadalladaas oo nabad iyo kalsooni loogu abuurayo gobollada dhexe, iyadoo diiradda lagu saaray magaalada Gaalkacyo.

“Wadahadallada dhexmaray Madaxweynayaasha Gaas iyo Xaaf aad ayey muhiim u yihiin waxayna leeyihiin yididiilo. Wax ka qabashada cabashooyinka iyo in la helo xal labada dhinacba faa’iido u leh ayaa hadda ah tallaabada horumarineed (hore-usocod) ee gobollada dhexe guud ahaan, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Qof kasta ayay faa’iido ugu jirtaa.”

Labada madaxweyne dowlad goboleed waxay ku heshiiyeen inay soo afjaraan muranka ayna xoojiyaan wadahadallada wax lagu dhisaayo ee u dhexeeya labadooda maamul. Waxay ballan-qaadeen furitaanka waddooyinka si dadka iyo badeecooyinka loogu ogolaado dhaqdhaqaaq xor ah.

Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada caalamka waxay diyaar u yihiin inay taageeraan Madaxweynayaasha Gaas iyo Xaaf oo ay kala shaqeeyaan dhamaan deegaanada sidii loo taageeri lahaa geedi-socodka nabadaynta iyo dowlad dhisidda Soomaaliya.