Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo Soomaaliya ugu hambalyeeyay ka qaybgalka hanaanka Dibueegidda Caalamiga ah ee Xilliyaysan ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay

29 Jan 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo Soomaaliya ugu hambalyeeyay ka qaybgalka hanaanka Dibueegidda Caalamiga ah ee Xilliyaysan ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay

WAR-SAXAAFADEED 03/2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku ammaanay sida ay uga qaybgashay hanaanka Dibueegidda Caalamiga ah ee Xilliyaysan, ee la qabtay intii uu socday kalfadhiga 24aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay 22kii iyo 26kii Janaayo 2016. 

Dibueegiddan oo ahayd tii ugu horeysay ee la qabto tan iyo dibueegiddii koowaad ee xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya ee dhacday sannadkii 2011, waxay Soomaaliya siisay fursad ay dibueegid ku sameyso waxyaabihii dhowaan dhacay ee la xiriira xuquuqul insaanka, ayna ku muujiso ilaa intee baa la hirgeliyay talooyinkii ka soo baxay dibueegiddii koowaad ee shan sanno ka hor. 

Talo soo jeedino gaaraya 228 ayaa la soo gudbiyay muddadii uu socday hanaanka dibueegiddan si loo horumariyo loona hagaajiyo xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya. Wafdiga Soomaaliyeed wuxuu aqbalay 107 talo soo jeedin wuxuuna ogolaaday inuu ka soo baarandego kuwa haray.

“Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha Soomaaliyeed inay ka fikiraan talooyinka mudnaan kowaad leh ee la soo gudbiyay ayna guda galaan hirgelintooda,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Michael Keating. “Beesha caalamka ayaa looga baahnaan doonaa taageero intii hore ka badan si Soomaaliya loogu taageero inay ka soo baxdo ballanqaadyadii la galay intii ay socotay dibueegiddan, Qaramada Midoobayna waxay Soomaaliya ku taageeri doontaa hanaankan.” 

Kalfadhiga dibueegidda sannadkan waxaa lagu qeexay horumarkii la gaaray afartii sanno ee la soo dhaafay sida tallaabooyinkii loo qaaday in la dhiso Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka ee madaxabanaan, dejinta qorshe hawleed qaran ee lagu hirgeliyo khariidad xuquuqul insaan, ansaxintii ay Soomaaliya ku ansaxisay Heshiiska Xuquuqda Carruurta, iyo hirgelinta qorshe hawleed lagu joojiyo xadgudubka galmada ee xilliga colaadda.