Xafiiska UNSOM wuxuu qirayaa guulo waawayn oo Soomaliya ay gaartay sanadka 2015

31 Dec 2015

Xafiiska UNSOM wuxuu qirayaa guulo waawayn oo Soomaliya ay gaartay sanadka 2015

Iyadoo sanadka 2015 uu sii dhamaanayo, ayaa Xafiiska Hawlgalka Kaalmaynt Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) wuxuu dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa horumark ballaaran ee ay ka gaareen dadaalladooda ku aaddan dhismaha dalka iyo nabadda ee toban iyo labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Iyadoo bishi Janaayo 2015 ay ku biirtay Heshiiski Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Caruurta, ayaa Soomaaliya waxay sanadkan sii dhamaanaya ku billowday inay toos u abbaarto mustaqbalka; mstaqbalka muwaadiniinteeda da’da yar. Tani waxay ahayd tallaabo muhiim ah oo horay loogu qaaday dhanka difaacidda iyo kor u qaadidda xuquuqda dhamaan caruurta ku sugan dalka.

Soomaaliya waxay sii wadday xaqiijinta guulo waawayn oo ay ka gaartay hanaanka maamul dhisidda, (waxaana guulahaas kamid ah) soo dhoweynta dhismaha Maamulka Kumeelgaarka ee Koonfur Galbeed iyo Maamulka Kumeelgaarka ee Galmudug, iyo ka markhaati noqonshihii horumarki dheeraadka ahaa ee samaynta baarlamaanada Maamul Goboleedyada Kumeelgaarka ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. UNSOM waxay ku kalsoontahay in hanaankani uu horay usii socon doono bilaha soo socda, lana samayn doono maamulki shanaad oo kumeelgaar ah oo ay yeelanayaan Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, waxaa sidoo kale la caddayn doonaa maqaamka Muqdisho, Maamul Gooleedyada Kumeelgaarka ahna waxay si buuxda u noqon doonaan dowlad (goboleedyo) federal ah.

Iyadoo bishii Luulyo uu weli kasii dhex-guuxayo werarki naxdinta lahaa ee waxashnimada ahaa ee lagu qaaday Hoteel Jaziira oo ku yaal Muqdisho, ayaa haddana waxay ahayd bishii Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo UNSOM ay si wadajir ah u marti geliyeen shirkii ugu horreeyay ee Heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Heerka Sare (HLPF) laguna qabtay Muqdisho. Madasha Iskaashiga Heerka Sare waxay isku keentay 32 wufuud caalami ah iyo ka-qaybgalayaal kor u dhaafaya 120 oo ka kala soday dhamaan laamaha dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka. Iyadoo maalmo kooban ay kasoo wareegeen weerarkaas, ayaa joogitaanka tiro aad u badan oo ka socda saaxiibada caalamka, waxay caddayn u tahay, inkasta oo ay jirto khatar dhab ah, in beesha caalamka ay ka go’antahay taageeridda iyo garab istaagidda Soomaaliya oo kusii socota tubtii ay ku gaari lahayd mustaqbal ifaya.

Hanaankii wadatashi ee qabsoomay intii u dhexeysay September iyo Disember 2015, ayaa lagu caddeeyay sida Soomaaliya ay uga go’antahay qabsoomidda hanaan doorasho oo daah furan loona wada dhanyahay oo qabsooma sanadka 2016. Markii ugu horreeysay muddo ka badan labaatan sano, ayaa dadweynaha Soomaaliyeed fikir ka dhiibteen nooca doorasho ee ugu habboon dalkooda. Hanaanka wadatashiga laga yeeshay nooca doorasho ee 2016ka ayaa iyaduba waxay ka dhigantahay tallaab wayn oo dalku u qaaday dhanka (helitaanka) siyaasad laga wada qaybqaato iyo mabaadi’da demoqoraadiyadda. Heshiiski lagu gaaray Madashi Wadatashiga Qaran ee lagu qabtay Muqdisho bishii Disember ayaa tilmaan u ah horumar ballaaran, (waxaa lagu heshiiyay) hanaan doorasho oo loo dhowayn doono dadka, kana qaybqaadanayaan kumanaan Soomaaliyeed, oo heli doona ikhtiyaar (kala xulasho) doorasho oo dhab ah, iyadoo la hubinaayo in haweenku yeeshaan ka qaybgal la damaanad qaaday oo ay ka qaybgalaan baarlamaanka cusub kuna yeelanayaan xubno iyaga metela. UNSOM iyo saaxiibada caalamka waxay dhowrayaan (ka dhur sugayaan) kulanka madaxda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee ka dhici doona Kismaayo 10ka Janaayo, goortaas oo lasoo bandhigi doono nooc doorasho oo faahfaahsan, qorshihi lagu hirgelin lahaa iyo khariidad siyaasadeed oo loo maro doorashooyin leh halbeeg caalami ah oo qabsooma sanadka 2020.

Sanadka oo gebogebo ah, ayaa UNSOM waxay bogaadinaysaa hagar la’aanta iyo guulaha dhabta ah ee ay gaareen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo (ciidamada) Hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM), guulahaas oo ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Sanadka 2015, aad ayaa loo sii wiiqay Al-Shabaab waxaana laga saaray meelo badan oo gacantooda ku jiray, arrintaas oo rajo iyo nolol wanaagsan siisay kumanaan qoys. Nabadda ka jirta qaybo badan oo kamid ah Soomaaliya waxaa cadayn u ah soo noqoshada in ka badan 6,000 qoxooti oo si iskood ah ugasoo laabtay Kenya 12ki bilood ee lasoo dhaafay.

Annagoo guda geleyna sanadka cusub, ayaa Qaramada Midoobay waxaa ka go’an la-shaqaynta dadka Soomaaliyeed si loo taageero nabadda, xasiloonida iyo horumarka dalka guud ahaan.

Waxaan u rajaynaynaa dhamaan dadka Soomaaliyeed caafimaad wanaagsan, nabad waarta iyo guulo waawayn oo ay ka gaaraan dadaaladooda ku aadddan dhismaha dalka iyo nabadda, iyo weliba (dadaalada) horumarinta ah ee sanadka 2016.