Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud oo booqday magaalo madaxda Puntland

8 Jul 2019

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud oo booqday magaalo madaxda Puntland

Garowe – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta booqday magaalo madaxda Puntland ee Garowe wuxuuna la kulmay Madaxweynaha Dowlad Goboleedkaasi, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada.

Booqashadan ayaa ka dhigan socdaaalkii ugu horeeyay ee Md. Swan uu ku tago meel ka baxsan Muqdisho lagasoo billaabo markii uu soo gaaray Muqdisho 25kii Juun si uu ula wareego xilkiisa ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Hawlagalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).  

Wuxuu doortay in Garowe ay noqoto halka ugu horreyso ee uu booqdo ee ka baxsan magaalo madaxda qaranka sababtoo ah Puntland waxaa dhidibada loo aasay 1998-kii, taas oo ka dhigeysa dowlad goboleedka ugu faca weyn Soomaaliya ee federal ah. Madaxdeedu waxay dowr muhiim ah ka cayaareen oo ay gacan ka geysteen horumarka socdo ee hanaanka federaalka Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan soo booqdo Puntland oo aan kulan waxtar leh la qaato Madaxweyne Deni iyo xubnaha maamulkiisa,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah. “Waxaan rajeynaynaa in aan si dhow ula shaqayno dadka Puntland iyo maamulka dowlad goboleedka federaalka ah si qaab waxtar badan leh loogu fuliyo waajibaadka shaqo ee UNSOM iyo hawlaha ay qabtaan dhamaan bahda QM, oo ay ku jiraan dadaalada lagu taageerayo wada-hadalo loo dhanyahay oo dhex mara Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboeedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalk ah”.

Md. Swan ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda iyo ku-haboonaanta ay leedahay shaqada bahda QM ay hawlo kala-duwan oo ballaaran uga hayaan Puntland, hawlahaas oo iskugu jira kaalmada bani’aadanimo ee xaaladaha degdega ah ilaa mashaariicda horumarineed ee muddada dhexe iyo muddada fog. Hawlgallada QM iyo hay’adeheeda, sanduuqyadeeda maal-gelinta, iyo barnaamijyadeeda waxay gacan ga geysteen dadaallada ay hay’adaha Puntland ku horumarinayaan tayada hay’adaha, ku xoojinayaan sarreynta sharciga, ku hagaajinayaan horumarinta waaxda hab-nololeedka (livelihood sector), ku fududaynayaan dib-u-heshiisiinta siyaasadeed, iyo hawlaha kaleba.   

Ergeyga Gaarka ah iyo Madaxweyne Deni waxay sidoo kale ka wada hadleen xiisadda ka dhex oogan “Somaliland” iyo Puntland ee ku saabsan gobollada Sool iyo Sanaag.

“Waxaan ka walaacsannahay dhibaatadan sii socota iyo  dagaallada goos-gooska ah ee ka dhacayay degaanada Sool iyo Sanaag bilihii lasoo dhaafay,” ayuu yiri Md. Swan. “Taasi waxay sare usii qaaday xiisadii ka taagnayd deegaanka, waxaana ku boorinaynaa madaxda Puntland iyo “Somaliland” inay xal nabadeed u raadiyaan khilaafkan.”  

Md. Swan waxaa safarka ku wehliyay Agaasimaha Dalka u qaabilsan Barnaamijka Cuntada Aduunka (WFP) Laurent Bukera iyo Madaxa Xafiiska QM ee Isku-duwidda Arrimaha Gargaarka Bani’aadanimo, Justin Brady. Wuxuu soo kormeeray goob ay WFP ka waday mashruuc, halkaas oo beeralayda deegaanku ku waraabinayeen dalagooda iyagoo adeegsanaya nidaamka waraabka ee ku dhisan tamarta laga dhaliyo cadceedda wuxuuna la kulmay shaqaalaha QM ee fadhigoodu yahay Garowe.