Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud SRSG Swan oo mar kale xaqiijiyay taageerada QM ka dib weerarkii argagaxisada ahaa ee Kismaayo

15 Jul 2019

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud SRSG Swan oo mar kale xaqiijiyay taageerada QM ka dib weerarkii argagaxisada ahaa ee Kismaayo

WAR SAXAAFADEED 11/2019

Kismaayo – Ergeyga Garka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta booqday magaalada Kismaayo, caasimadda ku meelgaarka ah ee Jubaland, ka dib weerarkii argagaxisada ahaa ee la sheegay inuu galaaftay nolosha ugu yaraan 26 qof dhaawacayna 56 qof oo kale.

“Weerarkii dhacay 12kii Luulyo waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, oo ka mid yihiin laba wariye Soomaaliyeed oo caan ahaa. Ma jiraan sabab siyaasadeed ama fikir oo loogu marmarsiyoon karo gumaadkan oo kale. Qaramada Midoobay waxay taageeraysaa oo isgarabtaageysaa dadka iyo maamulka Jubaland iyagoo la tacaalaya musiibadan foosha xun,” ayuu yiri Md. Swan.

Isagoo ku hadlaya magaca bahda QM ee Soomaaliya, Md. Swan wuxuu tacsiyo u diray qoysaska dadkii ku naftooda ku waayay weerarka kuwii ku dhaawacmayna wuxuu u rajeeyay caafimaad degdeg ah.

Intii uu ku jiray booqashadiisa hal maalin ahayd ee uu ku tagay magaalada Kismaayo, Ergeyga Garka ah Swan wuxuu la kulmay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ‘Madoabe’ iyo xubnaha golihiisa wasaaradda.

Socdaalka Md. Swan uu ku tagay Jubaland wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Dowlad Goboleedku isu diyaarinayso inay qabato doorasho madaxweyne iyo mid baarlamaan goboleed oo dadban.

“Maanta waxaan dood aad u furan la yeeshay Madaxweyne Madoobe,” ayuu yiri Md. Swan. “Waxaa muhim ah in soo xulidda xubnaha cusub ee baarlamaanka Jubaland iyo madaxweynaha ay ku dhacdo rabshad la’aan, waqtigeeda iyo faragelin la’aan, loona raaco hanaan xaq/caddaalad ah oo hufan oo ay dadkoo dhan aqbali karaan.”

“Falalkan argagaxisada oo kale ee waxashnimada ah ma weecin karaan horumarka ay Jubaland ka gaarayso dibuheshiisiinta iyo xasilloonida siyaasadeed, iyadoo ah dowlad goboleed federaal ah oo ka mid ah Soomaaliya,” ayuu adkeeyay ergeyga QM.

QM si xoog leh ay u joogtaa Jubaland, inkastoo ay jirto xaalad amni oo aan sugnayn. Laba iyo toban hawlgal, hay’ad, sanduuq iyo barnaamij QM ah ayaa taageera dadaallada hay’adaha maamul goboleedka ay wax kaga qabanayaan baahiyaha bani’aadanimada, kuna fududeynayaan dibuheshiisiinta, ku hormarinayaan tayada hay’adaha, ku xoojinayaan amniga iyo sharciga iyo kala dambaynta, sare ugu qaadayaan nolosha dadka iyagoo u maraya horumarinta dhaqaalaha, uguna ololeynayaan xuquuqda aadanaha.

Md. Swan waxaa socdaalka ku weheliyay Ku Simaha Wakiilka Ergeyga Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, Takeshi Moriyama, iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadanimada, Justin Brady.