Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud oo cambaayeeray colaadda Baydhabo

31 Mar 2014

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud oo cambaayeeray colaadda Baydhabo

Muqdisho/Addis Ababa – 24 Maarso 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay dilka arxan darrada ah ee loo geystay siddeed ka mid ah odayaasha dhaqanka oo shalay lagu dilay Gobolka Baay ee Soomaaliya iyo weliba colaadda ka dhalay magaalada Baydhabo una dhexeya taageerayaasha hindiseyaasha kala duwan ee dhisidda maamul-goboleedyada.