UNSOM oo taageertay wadatashiyada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud ku yeeshay Baydhabo

1 Apr 2014

UNSOM oo taageertay wadatashiyada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud ku yeeshay Baydhabo

Muqdisho – 31 Maarso 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Mahmuud ku tagay magaalada Baydhabo si uu ula kulmo taageerayaasha shirarka iska soo horjeeda ee lagu dhisayo maamul-goboleedyada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku baaqday in wadatashi degdeg ah lala yeesho siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedyada magaalada Baydhabo si loo dejiyo xasaradda u dhexeysa taageerayaasha shirrarka kala duwan ee maamul-goboleed loogu sameynayo gobolladaas.

“Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) wuxuu sii wadi doonaa taageerada la siiyo wadatashiyada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kula jirto siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedyada jooga magaalada Baydhabo. Booqashadan muhimka ah waxay hoosta ka xarriiqaysaa sida ay Dowladda Federaalka uga go’antahay inay ilaaliso nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

“Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada dhammaantooda inay si dhab ah Dowladda ula shaqeeyaan si loo helo xal nabad ah oo loo wada dhanyahay, lagana hortago falalka khatar ku keeni kara amaanka ama wax u dhimi kara xasilloonida. Waxaan sii wadi doonaa inaan si dhow ula shaqeyno saaxiibada bulshada caalamka, gaar ahaan Hawlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Urur-Goboleedka IGAD si loo taageero geeddi-socodyada dibuheshiisiinta iyo dhisidda maamul-goboleedyada ee ay hogaamiso Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu ku soo gunaanaday Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.