Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud oo soo dhoweeyay heshiiski lagu gaaray magaalada Abu Dhabi si loo damiyo xiisadda ka aloosan Gaalkacyo

3 Nov 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud oo soo dhoweeyay heshiiski lagu gaaray magaalada Abu Dhabi si loo damiyo xiisadda ka aloosan Gaalkacyo

 

WAR-SAXAAFADEED 26/2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa maanta soo dhoweeyay heshiiski xabad joojinta magaalada Gaalkacyo ee ay Abu Dhabi ku wada gaareen Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” iyo Madaxweynaha Galmudug, Cabdikarim Xuseen Guuleed.

Heshiisku wuxuu ku waajibinayaa labada madaxweyne inay ka fogaadaan waxyaabaha hurinaya colaadda ee la isku amriyo hawada, inay taageeraan dib usoo laabashada dadki ku barakacay colaadda Gaalkacyo oo ay dib ugusoo laabtaan guryohooda, iyo inay magacaabaan guddiyo iskudhaf ah si xal waara looga gaaro colaadda. Heshiiskan ayaa daba socda heshiis horay ay u gaareen labada madaxweyne maamul goboleed ku dhowaad hal sano kahor bishii Disembar 2015, heshiiskaas oo aan la dhaqan gelin.

Mudane Keating ayaa bogaadiyay dowrka Imaaraadka Carabtu ku fududaysay heshiiskan cusub. Wuxuu ku boorriyay labada madaxweyne maamul goboleed inay qaadaan tallaab degdeg ah oo lagu xaqiijinayo dhaqangelinta heshiiskaas.

Ergeyga Gaarka ah wuxuu iftiimiyay dowrka lagama maarmaanka ah ee hogaamiye beeleedyada iyo ganacsatada Gaalkacyo ee ku aaddan sidi xal nabadeed looga gaari lahaa colaadda. Wuxuu amaanay dowrka ay sida joogtada ah uga cayaareen qaboojinta xiisadaha iyo sidi isdhex-galka bulshada iyo ganacsiga u dhexeeya woqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo caadi loogusoo celin lahaa.

“Tani waa tallaab wanaagsan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Kubbaddu waxay hadda hoos taal Madaxweynayaasha Gaas iyo Guuleed si ay ugasoo baxaan ballamihi aan la fulin iyo inay u hawlgalaan dannaha ugu wanaagsan ee dadka Galmudug iyo Puntland.”