War-saxaafadeed ku aaddan sanad guuradii labaad ee kasoo wareegtay qarixii 14kii Oktoobar ee Muqdisho

14 Oct 2019

War-saxaafadeed ku aaddan sanad guuradii labaad ee kasoo wareegtay qarixii 14kii Oktoobar ee Muqdisho

Muqdisho – Iyadoo sanad guuradii labaad ay kasoo wareegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu baaba’ay ee 14kii Oktoobar 2017 ka dhacay Soomaaliya, ayaa ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka wuxuu maanta xusay dhibanayaashii weerarkaas wuxuuna mar kale xaqiijiyay garab-istaagga iyo taageerada ay hay’addan caalamiga ah la garab taagantahay dadka Soomaaliyeed.

“Laba sano ayaa kasoo wareegtay dhacdooyinkii musiibada ahaa ee 14kii Oktoobar 2017, ee ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad aad u tiro badan oo rayid ahaa, weerarkaas oo si damiir la’aan ah ay u fuliyeen xagjiriinta arxan-laawayaasha ah. Xusuusta dhacdadaas waa mid aan weli ka bixin maskaxdeena. Waxaan murugada la wadaageynaa qoysaska dadkii ku geeriyooday weerarkaas, iyo weliba kuwii kasoo badbaaday. Adkeysigooda iyo giigsigooda ku aaddan dhibaatadaas ayaa caddeyn u ah mowqifka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. 

“Ka-sokow falalkaas macno darrada ah ee argagixiso, Muqdisho iyo qaybaha kale ee dalka waxay kusii tallaabsadeen waddada nabadda iyo rayn-raynta. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay dhamaan dadka Soomaaliyeed ku garab istaagto socdaalka ay ugu jiraan xaqiijinta arrimahaas” ayuu raaciyay.

Qaraxa waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof, wuxuuna ahaa qarax argagaxiso kii ugu dhimashada badnaa abid ee ka dhaca Afrika oo loo adeegsado walxaha qarxa (IEDs). Boqolaal qofood oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxa.