Ergeyga Gaarka ah Michael Keating oo cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday hotel ee magaalada Muqdisho

2 Jun 2016

Ergeyga Gaarka ah Michael Keating oo cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday hotel ee magaalada Muqdisho

 

WAR-SAXAAFADEED 12/2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa sida ugu kulul u cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho ee la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 15 qof laguna dhaawacay tiro intaa ka badan.

Dadka dhintay waxaa ku jiray laba ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo kala ahaa Cabdullaahi Jaamac iyo Maxamuud Maxamed Guure, iyo weliba shakhsiyaad kale oo caan ah.

Qof ismiidaamiyay ayaa baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku qarxiyay irridda hotelka laga soo galo waqti dambe shalay galabtii. Afar ilaa lix mintidiin ah ayaa markaa ka dib gudaha u gashay dhismaha, waxay xabbad isweydaarsadeen ilaalada hoteelka iyo ciidamada amniga Soomaaliyeed ilaa xaaladda gacanta lagu dhigay aroortii hore maanta. 

Weerarkan wuxuu dhacay ayaamo yar ka hor billowga bisha barakaysan ee Ramadaanka. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lala beegsaday hoteelkan ay in badan tagaan siyaasiyiin Soomaaliyeed. Dadka geeriyooday waxaa ku jiray dad waddada marayay oo joogay hoteelka agagaarihiisa markii uu qaraxu dhacayay.

Ergeyga Gaarka ah Michael Keating wuxuu yiri dhacdadan waxay si cad noo xusuusinaysaa xeeladaha naxariis darrada ah ee ay adeegsadaan mintidiinta xagjirka ah. Aqlabiyadda ballaaran ee dadka Soomaaliyeed oo soo maray labaatameeyo sanno oo dagaal ah, waxay diideen in khilaafka lagu xalliyo colaad, dil iyo bururin. Weerarku wuxuu dhacay xilli uu dalku isu diyaarinayo hanaan doorasho oo qorsheysan in la qabto dhammaadka sannadkan. 

“Falkan waa mid foolxun oo laga yaqyaqsado,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Waxaa laga yaabaa in kuwii ku kacay ay ula jeedeen inay ku muujiyaan xooggooda. Laakiin saameyntiisu sidaa way ka duwantahay. In la laayo dad rayid ah waxay muujinaysaa in kuwa geysta ay yihiin kuwo fal naflacaari ah, aan lahayn karti siyaasadeed, ahna kuwo ay akhlaaqdii ka dhammaatay.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibada dadkii geeriyooday. Soomaaliya waxaa mar kale ku dhacay khasaare aad u xun. Waxaan u rajeynaynaa dadka weerarka ku dhaawacmay inay si degdeg ah uga bogsadaan.”