Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka oo soo dhoweeyay wareegtada madaxweyne ee hanaanka doorashada 2016

22 May 2016

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka oo soo dhoweeyay wareegtada madaxweyne ee hanaanka doorashada 2016

 

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika (AU), Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Ethiopia, Italy, Sweden, Dowladda Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweeyay wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan qaabka loo maro hanaanka doorashada sannadka 2016. 

Beesha caalamku waxay garowsatay in wareegtadu ay suurtagelin doonto diyaargarowga farsamo iyo hirgelinta hanaanka doorashada iyadoo ayna dhicin wax dib u dhac oo dheeraad ah. Wareegtadu waxay waafaqsantahay ballanqaadyadii ay marar badan ku celceliyeen Dowladda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka, Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran iyo dhinacyada iyo hay’adaha kale ee muhimka ah oo ahaa inaysan dhici doonin kordhin lagu sameeyo dhammaadka xilliga dastuurku u gooyay hay’adaha sharcidejinta iyo fulinta. 

“Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay soo dhoweynayaan oo si buuxdana u taageerayaan tallaabada ay qaadeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda Federaalka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.  “Dhammaanteena waxaan jeclaan lahayn xaalad sidan ka duwan oo lagu ansaxiyo hanaanka doorashada. Laakiin dood iyo muran xoog badan oo dhexmartay siyaasiyiinta, siiba toddobaadyadii la soo dhaafay, ayaa waxaa ka caddaatay in Baarlamaanka Federaalku uu dhibaato weyn kala kulmay inuu isku raaco hanaanka uuna sharciyeeyo.” 

“Madaxweynaha iyo dowladdiisa waxay tallaabadan u qaadeen si ay u dhowraan waqtiga saamixi doona diyaargarowga farsamo iyo hirgelinta hanaanka doorashada, oo khatar ku sugnaa. Caqabadda hadda hartay waa in loo diyaargaroobo lana hirgeliyo doorashooyinka. Waxaan dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay hadda si dhab ah arrintan ugu hawlgalaan.”

Saaxiibada beesha caalamku waxay aqoonsanyihiin in qaabka hanaanka doorashadu ay yihiin kuwo ka dhashay wadaxaajood socday ku dhowaad toban bilood. Wadaxaajoodkaas waxay billowdeen 28kii bishii Luulyo 2015 markii ay Dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka Federaalku si wadajir ah ugu dhawaaqeen in doorasho qof iyo codkiisa ah ayna suurtagal ahayn iny Soomaaliya ka dhacaan sannadka 2016. Wadatashiyo loo wada dhanyahay oo laga wada qaybgalay ayaa dalkoo dhan lagu qabtay oo laga dooday nidaamka doorasho. Beesha caalamku waxay garowsatay in madaxda Soomaaliyeed ay si adag uga soo shaqeeyeen si ay u gaaraan heshiiska hanaanka doorashada.

Waxaa weli jira arrimo farsamo iyo kuwo habraac oo badan oo u baahan in xal loo helo, oo ay ka mid yihiin ballanqaadka Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran oo ah in boqolkiiba 30 kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka loo qoondeeyo haweenka iyo sameynta hay’ad qaabilsan xallinta khilaafaadka doorashada. Saaxiibada beesha caalamku waxay carrabka ku adkeeyeen inay ka go’antahay inay taageeraan hanaan doorasho oo waqtigiisa ku dhaca, daahfuran oo loo wada dhanyahay.

“Wareegtadan waa tallaabo go’aan adag ah oo loo qaaday dhanka saxda ah. Horumar siyaasadeed waa arrin aad muhim ugu ah malaayiinta Soomaalida ah ee doonaya xasillooni iyo isla xisaabtan ballaaran. Waxay sidoo kale lagama maarmaan u tahay nabadda iyo amniga gobolka iyo caalamkaba,” ayuu carrabka ku adkeeyay Ergeyga Gaarka ah Michael Keating.