Ergeyga Qaramada Midoobay, Kay oo cambaareeyay weerarki argagixiso ee lagu qaaday Hoteel Saxafi ee magaalada Muqdisho

1 Nov 2015

Ergeyga Qaramada Midoobay, Kay oo cambaareeyay weerarki argagixiso ee lagu qaaday Hoteel Saxafi ee magaalada Muqdisho

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee maanta lala beegsaday Hoteel Saxafi ee magaalada Muqdisho oo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Waxaan si kulul u cambaareynayaa weerarkii argagaxiso ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah, Kay. “Kuwii dilkan geystay kuma guuleysan doonaan inay carqaladeeyaan horumarka iyo dadaalka aan caadiga ahayn ee ay wadaan dadka iyo dowladda Soomaaliyeed. Waxaan ammaanayaa sida degdegga leh ee ay goobta u gaareen ciidamada amniga Soomaaliyeed iyo dadki fidiyay gurmadka degdegga ah.”

Ergeyga Gaarka ah, Kay wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo asxaabta dhammaan dadkii naftooda ku waayay weerarki ujeedo la’aanta ahaa. Sidoo kale, Ergayga wuxuu tacsi u diray Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibada beesha caalamku waxay si wadajir ah oo adag u taageerayaan dadaalka aan ugu jirno inaan dadka Soomaaliyeed gacan ka siino si ay u gaaraan himiladooda oo ah mustaqbal Amaan iyo xasilloon ku dheehantahy,” ayuu raaciyay Ergeyga Gaarka ah, Kay.

Dhamaad.