War-saxaafadeed wadajir ah oo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya

19 Dec 2019

War-saxaafadeed wadajir ah oo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho – Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya* waxay mar kale carrabka ku adkeynayaan muhiimadda ay leedahay in waqtiga loogu talo galay si hufan loogu  diyaar garoobo  doorashooyin heer federaal ah oo dhaca sanadka 2020/21.

Kulankii Masha Iskaashiga Soomaaliya ee la qabtay 2dii Oktoobar, ayaa Dowladda Federaalka ah waxay ballan-qaadday in marka la gaaro bisha Disembar ee 2019ka, la meel marin doono Sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed ee wax-ka-bedelka lagu sameeyay. Dowladda ayaa sidoo kale ballan-qaadday in saamiga ugu yar ee 30 boqolbiiba matalaadda haweenka ay ku soo dari doonto baarlamaanka, ballan-qaadyadaas oo waafaqsan ballan-qaadyadii la sameeyay ka-hor wareegii doorasho ee lasoo dhaafay; in la dejiyo qorsheyaal amni oo oggolaanaya in si ballaaran, hadba intii suurto gal ah, ay dadka codbixiyeyaasha ah ee Soomaaliyeed uga qaybqaataan; iyo in lasoo gabagabeeyo geedi-socodka doorashooyinka iyadoo lagu salaynayo doorashooyin “qof-iyo-cod” ah, oo lagu kalsoonaan karo, nabdoon, xor iyo xalaal ah oo dhaca dabayaaqada 2020ka iyo horraanta 2021ka. Hawlahaan waxay ku salaysanyihiin ballamihii muddada dheer ay madaxda Soomaaliyeed sameynayeen ee ahaa in la qabto doorashooyin toos ah oo “qof-iyo-cod” ah marka la gaaro 2020/21. Saaxiibada beesha caalamku waxay ku boorrinayaan fulinta ballan-qaadyadaas.  

Maalmihii u dambeeyay, saaxiibada beesha caalamku waxay kulamo wadatashi ah la qaateen Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah, Taliyaha Booliska ee Dowladda Federaalka ah oo isagu ah Guddoomiyaha Guddi-Hawleedka Amniga Doorashooyinka iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.  Saaxiibadu waxay isla qiimeeyeen horumarka la gaaray waxayna ku amaaneen madaxda Soomaaliyeed hawlaha ilaa iyo hadda qabsoomay ee la xiriira doorashooyinka.

Iyadoo la tixraacayo ballanqaadyadii ay sameeyeen Dowladda Federaalka ah iyo daneeyeyaasha kale ee Soomaaliyeed ee hawshu khusayso, saaxiibadu waxay ku boorrinayaan in hanaanka doorasho ee mustaqbalka uu:

  • Ixtiraamo Dastuurka;
  • Xaqiijiyo in doorashooyin heer federaal ah la qabanayo waqtigi loogu talagalay ee ah dabayaaqada 2020/horraanta 2021iyadoo aan muddo xileedka loo kordhin hay’adda Fulinta ama Baarlamaanka;
  • Xaqiijiyo matalaad cadaalad ku dhisan oo ay helaan dhamaan bulshooyinka Soomaaliyeed;
  • Fursad u siiyo dadka Soomaaliyeed inay si toos ah usoo doortaan wakiiladooda iyagoo adeegsanaya [hanaan] qof-iyo-cod ah;
  • Xisbiyada siyaasadeed dowr ka siiyo doorashooyinka;
  • Damaanad-qaado matalaadda ugu yar ee 30 boqolkiiba haweenku ku yeelanayaan Baarlamaanka Federaalka ah;
  • Suurto geliyo ka-qaybgalka ugu ballaaran ee suurtagalka ah ayna ku jiraan dadka barakacayaasha ah;
  • Taageero ballaaran ka heysto dhamaan daneeyeyaasha Soomaaliyeed ee hawshu khusayso;
  • Noqdo mid si hufan oo amaan ah loo hirgelin karo, soona jiidan karo maalgelin ku filan iyadoo loo marayo ku dhaqanka mabaadi’daan;
  • Horseedo doorashooyin nabdoon oo lagusoo doorto madax heysata sharciyad ballaaran; iyo
  • Ixtiraamo waajibaadka shaqo ee Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Saaxiibadu waxay ugu baaqayaan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah in dabayaaqada 2019ka ay soo dhameystiraan ansixinta Hindise-Sharciyeedka Doorashooyinka iyo Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed ee dib-u-eegista lagu sameeyay. Sidoo kale, waxay ugu baaqayaan daneeyeyaasha Soomaaliyeed ee hawshu khusayso iyo hay’adohooduba inay dhinac iska dhigaan kala-duwanaanshohooda oo ay yeeshaan wadahadalo wax lagu dhiso.

Saaxiibbada caalamka ee Soomaaliya waxay u heellanyihiin taageerada horumarka Soomaaliya ee ku aaddan u-heellanaanteeda dowlad wanaagga.  Saaxiibadu weysii wadi doonaan taageerada ay u fidiyaan geedi-socodka doorashada waxayna diyaar u yihiin inay khibrad farsamo ku taageeraan hay’adaha Soomaaliyeed ee hawshu khusayso ee ku hawlan diyaarinta hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgellin karo,

* Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska,  Jarmalka, Urur-gobaleedka IGAD, Talyaaniga, Kenya, Norway, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka.