Ergeyga Qaramada Midoobay Kay oo Soomaalida ugu hambalyeeyay wadatashiyada ay ku yeesheen Soomaaliya

17 Nov 2015

Ergeyga Qaramada Midoobay Kay oo Soomaalida ugu hambalyeeyay wadatashiyada ay ku yeesheen Soomaaliya

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa Soomaalida ugu hambalyeeyay wadatashiyada heerka gobol ee noocyada doorasho ee dhici kara sanadka 2016, wadatashiyadaas oo maanta ku soo gebageboobay dalka oo dhan.

“Soomaaliya way hadashay labadii maalmood ee la soo dhaafay. Soomaali ka socota dalka oo dhan ayaa isu timid, waxayna ka wada hadleen afarta nooc ee doorasho ee dalka ka dhici kara sanadka 2016 kuwaas oo ahaa kuwii la soo jeediyay. Marka ay sidaasi sameynayeen, waxay raaceen mabda’ asaasi u ah bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasadda, taasoo ah wadahadal furan oo dhex mara dhammaan inta taladu khusayso, sidii wada-xaajoodka lagu yeelan jiray geedka Quraca hoostiisa,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Laakiin Soomaalidu sidoo kale tallaabo wayn ayay hore u qaadeen: iyadoo laga yaabo in aanay suurtageli karin inay dhacdo doorasho ku dhisan qof iyo codkiis sanadka 2016, ayaa hanaankan wadatashigu wuxuu fududeynayaa in qaybo ballaaran oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ay ka-qaybgalaan go’aanka laga gaarayo waxa uu noqon karo habka ugu habboon uguna macquulsan ee loo qaban karo doorashada 2016ka.”

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu sheegay inuu aad ugu qanacsanyahay ka-qaybgelinta iyo ka-qaybgalka wax ku oolka ah ee dhammaan qaybaha ay ka koobanyihiin dadka Soomaaliyeed ee ka kala yimid dalka dacalladiisa. “Soomaaliya oo dhan waxay u baahantahay in la dhageysto. Dhalinyarada, haweenka, dadka da’da ah, dadka laga tira badanyahay, culimaa’uddiinka, iyo dadka laxaadkooda dhimanyahay – dhamaantoodu waxay u baahanyihiin inay aragtidooda dhiibtaan. Arrintan nafteeda ayaa ah arrin muhim ah oo ku qotonta qiyamta demuqoraadiyada.”

“Maalmaha soo socda waxaa jiri doona wadatashiyo ay yeelanayaan qaybaha kale ee bulshada ee weli harsan, oo ilaa iyo hadda aan ka qaybqaadan wadatashiyada. Waxaana taa xigi doonta shirweynaha labaad ee Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu qaban doono magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu wada gorfeyn doono fikradihii lagu soo bandhigay wadatashiyadan heerka gobol si heshiis looga gaaro nooca doorasho ee ugu habboon sanadka 2016. Qaramada Midoobay oo ay la socdaan saaxiibada caalamka ayaa sii wadi doona taageerada ay u hayaan geedi-socodkan muhiimka ah”, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.