Soomaaliya waxay u baahantahay kaalmo si loo horumariyo xuquuqul insaanka - ASG Šimonović

17 Nov 2015

Soomaaliya waxay u baahantahay kaalmo si loo horumariyo xuquuqul insaanka - ASG Šimonović

Gebagebada booqashadii uu Soomalaiya ku joogay shanta maalmood kadib, Ivan Šimonović, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqul insaanka ayaa ugu baaqay saaxiibada Soomaaliya ee ka tirsan bulshada caalamka inay kordhiyaan taageerada ay u fidiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed si loo horumariyo xuquuql insaanka. “Haddii aan kaalmo isa-soo taraysa laga helin saaxiibada caalamka, waxaa khatar gelaya guulaha ay gaareen dadka Soomaaliyeed, kuna aaddan horumarinta iyo badbaadinta xuquuqul insaanka,” Mr. Šimonović ayaa arrintaas ka sheegay kulan saxaafadeed lagu qabtay caasimadda Soomaaliya, wax yar kahor intii uusan ka dhoofin dalka.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud wuxuu arkay in Dowladda Soomaaliyeed ay horumar macno leh ka sameysay wax ka qabashada maleeshiyada Alshabaab, hirgelinta  Barnaamijka Xuquuqul Insaanka, xoojinta arrimaha cadaaladda iyo amniga, geedi-socodka qaran-dhisidda iyo wadahadallada hadda loogu jiro nooca doorasho ee dalka ka dhici kara 2016. “Inkasta oo ay caqabado jiraan, haddana horumar weyn ayaa laga sameeyay xaaladda amniga Soomaaliya” ayuu Šimonović  ku sheegay war-saxaafadeedka.
 
Soomaaliya waxaa kale oo ay horumar ka samaynaysaa dhismaha iyo dib-u-qaabaynta hay’adeheeda (dowliga ah), kuwaas oo ay kamid yihiin hay’adaha amniga. Waxaa kale oo uu sii sheegay in muddadii uu shirarka kula jiray saraakiisha Soomaaliyeed, inuu soo dhoweeyay tallaabada loo qaaday ansixinti la ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, wuxuuna ugu baaqay Baarlamaanka in la xaqiijiyo madaxbanaanida Guddiga iyo u-hogaansanaanta Guddigu u hogaansanaanayo Mabaadi’di lagu gaaray Paris. 
 
Asagoo cambaaraynaya xadgudubyada faraha badan ee ay geysteen Alshabaab, Šimonović wuxuu yiri, Soomaaliya weli waxaa horyaalla caqabado dhab ah oo la xiriira xuquuqul insaanka. Asagoo kasii shidaal qaadanaya eedeymaha aadka u culus ee lasoo jeediyay marki ciidamadu ay hawlgalka ku jireen, ayuu ugu baaqay Dowladda iyo dhamaan ciidamada qalabka sida ee ka hawlgala Soomaaliya, sida Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, AMISOM iyo ciidamada kale ee ajaanibta ah inay qaadaan tallaabo waxtar leh oo looga hortegayo xadgudubyada xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo sharciga caalamiga ah ee waqtiyada dagaalka. “Xadgudubyada lagu xadgudbayo sharciga xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo sharciga caalamiga ah ee waqtiyada dagaalka waxay wax u dhimayaan sharafta iyo sumcadda hay’adaha amniga.

Xadgudubyadan waxaa kale oo ay takoorayaan dadweynihi la rabay in la badbaadiyo, taas oo marka ugu dambeysana wax u dhimaysa dagaalki lagula jiray argagixisada” ayuu yiri Šimonović. Sidaas darteed, wuxuu mar labaad sheegay in hay’adaha Qaramada Midoobay ay dhowrayaan dhamaan shuruucda ilaalisa xuquuqul insaanka, sidaas darteed, kaalma kasta oo hay’adaha Qaramada Midoobay ay siinayaan ciidamada qaranka iyo kuwa caalamiga ah waxaa shuruud looga dhigi doonaa inay u hogaansameen Sharciga Caalamiga ah ee Waqtiyada Dagaalada, Sharciga Caalamiga ee Xuquuqul Insaanka iyo Sharciga Qoxootiga. Šimonović waxaa kale oo uu booqday xarun lagu xanaaneeyo dadka kasoo noqday Alshabaab, xaruntaas oo ku taal Baydhaba.

 
Asagoo carrabka ku adkeynaya in argagixisada Soomaaliya aan looga hortegi karin oo kaliya dagaal ciidan, ayuu Šimonović sheegay baahida loo qabo in wax laga qabto waxyaabaha sababay in qofku noqdo argagixiso, waxaana sababahaas kamid ah faqriga, musuqmaasuqa, maqnaanshaha maamul wanaagga, shaqo la’aanta, faquuqidda iyo ka-saarista bulshada. “Waxaa muhiim ah in la xoojiyo mabaadi’da ku dhisan demoqoraadiyadda, sidoo kalena la xoojiyo bulshada rayidka ah, sinnaanta ragga iyo haweenka iyo xuquuqda asaasiga ah, sida xuriyatul-qowlka, banaanbaxa, iyo in loo dhanyahay wadatashiyada qaran ee hadda socda, iyo in xuquuqul insaanka lagu dhex wado geedi-socodka qaran-dhisidda” ayuu yiri Šimonović.

Asagoo ka jawaab celinaya dilki shalay la dilay dadki rayidka ahaa ee raadsanayay kaalmada bani’aadanimo, ayuu Kaaliyaha Xoghayaha Guud yiri “Aad baan u carooday!”  Wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dambiilayaasha lasoo qabto, kadibna sharciga lala tiigsado. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in dadka kaalmada raadsanaya ay yihiin dad nugul. Waa in ilaalo dheeraad ah la siiyaa habka mucaawinada dadka lagu gaarsiinaayo. Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta qaranka inay qaadaan tallaabooyin lagu horumarinayo amniga si loo xaqiijiyo in mucaawinadu ay gaarto dadka.