UNSOM oo warfidiyeenka Puntland u tababartay bedbaadada, anshaxa, dhismaha dowladnimada iyo hannaanka siyaasadda

8 Jan 2016

UNSOM oo warfidiyeenka Puntland u tababartay bedbaadada, anshaxa, dhismaha dowladnimada iyo hannaanka siyaasadda

Wasaaradda Warfaafinta Puntland iyo Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo gacan ka helaya Hawlgalka Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey (QM), ayaa si wadajir ah suxufiyiinta gobolka ugu qabtay tababar muddo labo maalmood ah soday oo lugu baranayey bed-qabka wariyaha, anshaxa saxaafadda, Xirmada Heshiiska Cusub ee Soomaaliya, dhismaha dowladnimada iyo hannaanka siyaasadda .

Howard Bell, oo ah Madaxa Xafiiska UNSOM ee Garoowe, oo tababarka furay ayaa kulanka warfidiyeenka xasuusiyey kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin faro-kuhaynta xorriyadda hadalka, asagoo sidoo kale ku boorriyey in ay noqdaan xirfadyahan xilkas ah. 

“Ujeeddada la idiin tababarayo waa in la idinka caawiyo sidii aad sutida ugu qaban lahaydeen jidkaan muhiimka ah, hadana dhibkiisa leh ee u dhaxeeya aragtida dadweynaha iyo runta aad saxaafadda ku ifisaan,” ayuu yiri Bell.

Mudane Bell wuxuu xusay in tababarkani suxufiyiinta Puntland uga dhigan yahay fursad weyn oo karaankooda lugu dhisi karo, si ay dadweynaha daneeya uga haqabtiraan arrimo badan oo aragti khaldan laga haysto, sida Xirmada Heshiiska Cusub ee Soomaaliya (Somali New Deal Compact).

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamud Soocadde ayaa wariyeyaasha ku boorriiyey in inta ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo, haddana ay mudnaan gaar ah siiyaan bedbaadadooda. “Amniga iyo bedbaadada qofeed ee wariyuhu aad ayuu muhiim u yahay, sidaas darteed waxaana idin kula talinayaa in aad taas xil gaar ah iska saartaa”, ayuu yiri Wasiir Soocadde.

Faisal Khalif Barre, oo ah Guddomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP, ayaa hadal uu ka jeediyey maalintii labaad ee tababarka, wuxuu UNSOM ku ammaanay taageerada ay ka geysteen horumarinta xirfadda suxufiyiinta Soomaaliyeed.

“Waxaan aaminsanahay in tababarkaan aad loogu baahnaa. Waxaan sidoo kal ku qanacsannahay agabka waxbarasho ee tababarka loo soo diyaariyey. UNSOM waxaan abaal weyn uga haynaa sida ay isugu taxaluujisay taageeridda dadaallada lugu hormarinayo xirfahada suxufiyiinta”, ayuu yiri guddomiyuhu.   

Hodan Maxamed Jaamac oo ka mid ahayd ka qaybgalayaashii tababarka, ayaa tababarka bogaadisey. “Waxyaabo badan ayaan ka kororsannay tababarkaan, waxaana nala baray aqoon la xiriirta sidii aan sugi lahayn ammaankeenna qofeed inta aan shaqada ku jirno”, ayey tiri Hodan.