Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay Ku-dhawaaqista Madasha Wadatashiga Qaranka ee Hanaanka Doorashooyinka 2016

22 Sep 2015

Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay Ku-dhawaaqista Madasha Wadatashiga Qaranka ee Hanaanka Doorashooyinka 2016

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, SRSG Kay ayaa soo dhoweeyay ku dhowaaqista rasmiga ah ee lagu dhowaaqay Madasha Wadatashiga Qaranka ee Hanaanka Doorashooyinka 2016.
 

“Waxaan soo dhoweynayaa heshiiska maanta la gaaray ee lagu unkay Madasha Wadatashiga Qaranka taas oo khusaysa hanaanka doorashooyinka sanadka 2016” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah, Mudane Kay. “Madashu waxay aad muhiim ugu tahay dadaallada ku aaddan nabadda iyo qaran dhisidda Soomaaliya, waxayna horseedaysaa inay dhacaan isbedello siyaasadeed marka ay dhamaato muddada Golaha Fulinta iyo kan Sharci Dejinta Soomaaliya sanadka soo socda.”

“Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay in horumarkaan la gaaray maata oo ku beegan Maalinta Nabadda Adduunka. Waxaan xushmeynayaa dadaallada ay sameeyeen Dowladda Federaalka ah, Baarlamaanka Federaalka ah, Madaxda Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo maanta u midoobay nabadda” ayuu raaciyay.

Ergeyga Gaarka ah wuxuu hoosta ka xariiqay dhowr arrin oo muhiim ah oo ku jira hanaanka wadatashiga, waxaana kamid ah in Soomaalidu garwadeen ka noqdaan geedi-socodka, ahaado mid daah-furan, hufan, waafaqsanna mabaadi’da guud ee dadka hagta ee lagu heshiiyay Madashi Wadatashiga Heerka Sare ee la qabtay bishi July 2015.
 

Ergeyga Gaarka ah Kay wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in loo dhamaado Baarlamaanka soo socdo ee la dhisaayo 2016ka maadaama dadka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin inay arkaan Baarlamaan matala kala duwanaanshaha dadka Soomaaliyeed. Haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tiro badanyahay waa inay helaan mumatiliin/wakiillo u dhigama oo metela si loo xaqiijiyo helitaanka Soomaali aad uga midaysan ugana firfircoon sidii hore.

“Waxaa na horyaalla jadwal shaqo oo u baahan in waxbadan la qabto. Wixii maanta ka dambeeya, Madasha Wadatashigu waxay kulankeeda qabsanaysaa 14ka Oktoobar waxaana ka dambayn doona shirar kale oo is xigxiga oo heer gobol ah loona qaban doono dadka. Talooyinka qurba joogta Soomaaliyeed ayaa iyaguna muhiim ah” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah, Mudane Kay.

“Qaramada Midoobay waxay taageeri doonta geedi socodka hanaanka wadatashiga ayadoo la kaashanaysa Dowladda Federaalka iyo saaxiibada kaleba.”“Waxaa aad foolxumo u ah in maanta oo ah Maalinti Nabadda Aduunka oo hadana la qaaday tallaabooinkan muhiimka ah ee lagu dhisaayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya in argagixiso ku qarxiso bam waddo aad mashquul u ah kuna taalo bartamaha Muqdisho, dilaanna dhowr qofood” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah SRSG. “Waxaan cambaareynayaa falkaan argagixiso ee waxashnimada leh iyo isku dayga ay doonayaan inay wax u dhimaan horumarka geedi-socodka siyaasadda. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan dadki wax ku noqday.”

Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay sii waddo taageeradeeda ku aaddan nabadda iyo qaran dhisidda Soomaaliya.

Dhamaad.