Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Kay oo cambaareeyay dilki qandaraaslaha Qaramada Midoobay ee ka dhacay Beledweyne, Soomaaliya

15 Nov 2015

Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Kay oo cambaareeyay dilki qandaraaslaha Qaramada Midoobay ee ka dhacay Beledweyne, Soomaaliya

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa cambaareeyay dilki shalay lagu dilay magaalada Beledweyne Mahdi Xuseen Mocow oo ahaa qof qandaraas ka haystay Qaramada Midoobay, ahaana muwaadin Soomaaliyeed. Waxaa dilay koox hubaysan.

“Waxaan si aad ah u cambaaraynayaa weerarkan mecno darrada leh ee lagusoo qaaday qandaraaslahan Qaramada Midoobay ee ka dhacay magaalada Beledweyne. Waxaan ku guubaabinayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya inay baaritaan ballaaran oo degdeg ah ku samayso dhacdadaan, sidoo kalena ay xaqiijiso sidi dambiilayaasha lugu hor-keeni lahaa cadaaladda”

Ergeyga gaarka ah ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyski iyo asaxaabti Mahdi Xuseen Mocow, sidoo kalena wuxuu uga mahad-celiyay marxuumka shaqadi aadka u wanaagsanayd ee uu hayay, shaqadaas oo lagu taageerayay Xafiiska/Ergada Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya.

“Qaramada Midoobay waxay si aan leex-leexad lahay usii wadi doontaa taageerada ay u fidiso dadka Soomaaliyeed si ay u xaqiijiyaan inay gaaraan hamigooda ku dhisan mustaqbal amaan iyo xasilooni ku dheehantahay.” Ayuu raaciyay Kay.