Ergeyga QM ayaa cambaareeyay weerarkii ka dhacay Shabeellaha Hoose

4 Apr 2021

Ergeyga QM ayaa cambaareeyay weerarkii ka dhacay Shabeellaha Hoose

Muqdisho – Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weeraradii shalay lagu qaaday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin magaalooyinka Bariire iyo Awdhegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan lagu bartilmaameedsaday ciidamada Soomaaliya. Tani waa mid si cad inoo xusuusinaysa naf-hurnimada maalin kasta ay sameyaan askarta Soomaaliyeed ee sida geesiminada leh u dagaallama si ay u badbaadiyaan Soomaaliya iyo dadkeedaba,” ayuu yiri Md. Swan. "Waxaan ka tacsiyeynaynaa dadkii ku dhintay, waxaana caafimaad deg deg ah u rajeynaynaa dadkii ku dhaawacmay."

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarada, waxaana lagu soo waramayaa in qasaaro lixaad leh uu ka soo gaaray talaabada adag ee ay qaadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.