Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Maarso 2021

4 Apr 2021

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Maarso 2021

 

Ka fal-celinta COVID-19 | UNICEF oo taageertay imaanshaha tallaalka COVID-19 ee Soomaaliya

Bartamihii bishii Maarso, Soomaaliya waxay heshay shixnaddii ugu horreysay ee tallaallada COVID-19. Iyada oo qayb ka ah taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNICEF waxay Dowladda ka caawisey helista iyo bixinta tallaalka iyo qalabka duritaanka iyada oo loo marayo xarunta COVAX. Soomaaliya waxay ka mid ahayd waddammadii ugu horreeyay ee Afrika ee hela tallaalka COVID-19, taasoo hubineysa in si caddaalad ah loogu qaybiyo tallaallada adduunka oo dhan.

Toddobaadyada iyo bilaha soo socda, UNICEF iyo saaxiibbadeeda waxa ay si dhow ula socon doonaan sida uu ay socoto sahayda tallaallada, iyadoo la hubinayo awoodda hannaanka qaboojinta in uu yahay mid habboon oo la jaan qaadi kara tallaallada, iyagoo bixinaya taageero farsamo si loo xoojiyo nidaamyada silsiladda qabowga. UNICEF ayaa sidoo kale ka taageeri doonta Soomaaliya la socodka isticmaalka tallaalka iyo la xisaabtanka iyada oo loo marayo maareynta saamiyada iyo ka warbixinta.

Wada shaqeynta dhow ee ay la leeyihiin Dowlada, WHO iyo UNICEF waxay sidoo kale dhiseysaa khibrad sanado ah, taas oo bixineysa macluumaad fudud, wax ku ool ah, oo sax ah si loo dhiso aqoonta dadweynaha, ka warqabka, iyo kalsoonida tallaalada. Abaabulayaasha bulshada ayaa la howlgaliyey si loo hubiyo in bulshooyinka maxalliga ahi ay ku hawlan yihiin geedi socodka tallaalka guud. Waxa ay sidoo kale xoojin doonaan muhiimadda ay leedahay sii socoshada tallaabooyinka ka hortagga COVID-19.

https://www.unicef.org/somalia/stories/covid-19-vaccines-arrive-somalia

 

Diiwaangelinta Hantida | UN-Habitat oo taageereysa kordhinta dakhliga iyo bixinta adeeg wanaagsan iyadoo loo marayo diiwaangelinta guryaha ee magaalada Baydhabo

Diiwaangelinta in ka badan 21,400 oo guri ayaa dhowaan lagu soo gabagabeeyey degmada Baydhabo, iyadoo loo marayo Barnaamijka Wadajirka ah ee Maareynta Deegaanka (JPLG) iyadoo lala kaashanayo isku xirnaanta lala yeelanayo dhiggooda dowladda iyo daneeyayaasha kale ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Soomaaliya.

Howshani waxaa kale oo ay horseeday kala-xadaynta xuduudaha xaafadaha, cusboonaysiinta khariidadaha maamulka degmada, kala-saaridda waddooyinka, magac-bixinta waddooyinka iyo rakibaadda calaamadaha waddooyinka. shaqadan kadib, waxaa la saadaalinayaa in degmada baydhabo ay soo saari doonto qiyaastii nus malyuun doolar sanadkii gaar ahaan dakhligan curdunka ah.

Howshan diiwaan galinta hantida ah ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo awoodda dowladda hoose ee ay ku soo uruurin karto dakhliga isla markaana kor loogu qaado bixinta adeegyada.

https://unhabitat.org/un-habitat-in-property-registration-drive-aimed-at-increasing-revenue-and-better-service-delivery
 

 

Barakaca | IOM Soomaaliya oo dib u dajisay ku dhawaad 7,000 oo barakacayaal ah oo wajahayey in xoog lagu saaro

Ku dhowaad 7,000 oo barakacayaal ah oo ku nool Soomaaliya oo ay soo food saartay in guryahoodii xoog looga saaro ayaa waxaa maalintii Axadda dib u dejin u sameysay Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) oo la geeyay Barwaaqo, oo ah goob cusub oo loogu talagalay barakacayaasha magaalada Baydhabo. Barakacayaashu waxa ay ku noolaayeen dhul gaar loo leeyahay oo ka kooban 17 degsiimooyin oo aan rasmi ahayn oo ku yaal magaalada Baydhabo. Waxa ay ku biireen 6,116 qof oo kale oo horey ugu soo guurey Barwaaqo horraantii 2019, iyadoo lala kaashanayey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

https://www.iom.int/news/iom-somalia-relocates-nearly-7000-internally-displaced-persons-facing-eviction

 

Bani'aadamnimada | OCHA oo la shaqeyneysa saaxiibbadeeda samafalka iyo mas'uuliyiin sidii kor loogu qaadi lahaa jawaabaha degdegga ah ee naf-badbaadinta

In ka badan 34 degmo oo ku kala yaalla Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubaland ayaa waxaa soo food saartay biyo la’aan daran. Tan iyo bishii Nofeembar 2020, in ka badan 83,000 qof ayaa u barakacay biyo la’aan darteed.

Sida laga soo xigtay warbixinta sugnaanta cunnada ee FEWS NET, inta badan Soomaalida waxaa soo foodsaaray qalalnaan iyo kuleel ka duwan xaaladihii caadiga ahaa tan iyo bishii Jannaayo. Xaaladahan ayaa daba socday xilliga Deyrta oo celcelis ahaan hooseeyey dabayaaqadii 2020.

Intii lagu guda jiray bilahii Oktoobar ilaa Diseembar ee 2020 Deyrtu waxa ay ka hooseeysay celceliska taariikheedka ee waqooyiga iyo koonfurta inteeda badan, iyadoo iyadoo xaaladaha ugu daranna laga diiwaangeliyey meelo ay ka mid ahaayeen Togdheer, Gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Intaas waxaa sii dheer, Sanduuqa Bani'aadamnimada ee Soomaaliya (SHF) wuxuu billaabayaa $ 13.3 milyan oo qoondeyn ah oo lagu kabi doono $ 7 milyan oo Sanduuqa Waxqabadka Degdegga ah (CERF) ee Jawaabta Degdegga ah.

https://www.unocha.org/somalia

 

Helitaanka caddaaladda | UNDP iyo MOJ oo sahmiyey badqabka bulshada iyo helitaanka adeegyada caddaaladda

UNDP iyo Wasaaradda Caddaaladda waxay sahmis ku sameeyeen 84 bulsho oo ku kala nool toddobo magaalo si ay u qiimeeyaan sida uu COVID-19 u saameyey booliska, amniga, iyo helitaanka caddaaladda, oo ay ku jirto heerka ay gaarsiisan yihiin rabshadaha ka dhanka ah haweenka iyo fikradaha bulshada ee amniga iyo bixinta adeegga. Natiijooyinkaas waxaa loo isticmaali doonaa in lagu dabbaqo siyaasadda iyo horumarinta barnaamijyo jiilka cusub ah oo kor loogu qaadayo helitaanka caddaaladda Soomaaliya.

https://www.so.undp.org

 

Dhallinyarada naafada ah | UNFPA oo taageereysa sharafta haweenka iyo gabdhaha nugul inta lagu jiro dhibaatooyinka bani'aadamnimada

UNFPA waxay taageereysaa Hindisaha Dhallinyarada Dalbile si loo dhiirrigeliyo hindisaha dhallinyarada naafada ah si ay u soo saaraan af-xir dib loo isticmaali karo si loogu qeybiyo bulshada nugul, oo ay ku jiraan dadka naafada ah iyo dadka ku barakacay gudaha Muqdisho.

https://somalia.unfpa.org/en/news

 

Ka fal-celinta COVID-19 | UNHCR oo kor u qaadeysa jawaabta COVID-19 iyadoo bixineysa deeq muhiim ah iyo qalabka ilaalinta shakhsiga.

Iyadoo ay jiraan mowjado cusub oo ah caabuqa loo yaqaan 'coronavirus virus', ayaa UNHCR ugu deeqday agab muhiim ah iyo qalab ilaalin shakhsiyeed (PPE) Wasaaradda Arrimaha Bani'aadamnimada iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.

Deeqda ayaa ka koobneyd seddex teendho oo waaweyn oo ah kuwa caafimaadka, 50,000 oo gaashaammada wajiga ah iyo 10,000 oo gacmo gashi ah. UNHCR waxay kaloo kordhisay waxqabadkeeda COVID-19 ee gobolada kale iyadoo ugu deeqday in kabadan 32,000 (PPE) oo dheeraad ah wasaaradaha caafimaadka iyo isbitaalada maxaliga ah ee Baydhabo, Dhoobley, Doolow, Hargeysa iyo Gaalkacayo. Kuwaas oo ka koobnaa dharka qalliinka, maaskarada, galoofyada, gaashaanka wajiga iyo dareeraha jeermis-dilaha.

https://www.unhcr.org/somalia.html

 

Xoolaha | FAO oo gacan ka geysatay daweynta xoolaha iyo qeybinta sahay iyadoo loo marayo barnaamijka 'Lacagta caddaanka ah ee (Cash+)

Bishii Sebtembar iyo Oktoobar 2020, FAO, oo u sii mareysa hay’adda ay bahwadaagta yihiin ee hirgalineysa barnaamijkan ee AHIO, ayaa gacan ka geysatay daweynta xoolaha, iyadoo la qeybiyey baloogyo quudin oo dheeri ah iyo bacaha loo yaqaano ('Mazzicans') oo ay u adeegsadaan xoolo-dhaqatada kaydinta caanaha iyo nadaafaddooda) qoysaskan ayaa ku nool shan degmo oo ka tirsan Somaliland (Baki, Berbera, Boorama, Hargeysa iyo Luqhaya) 

FAO waxa ay ku qeexday lacagta caddaan ah ee (Cash+) in ay tahay qaab iskudaraya lacag bixinta iyo hantida wax-soo-saarka, ee beeraha /ama tababaro farsamo iyo adeegyada kor loogu qaadayo habnololeedka iyo awooda wax soo saar ee qoysaska saboolka ah iyo kuwa nugul.

Lacagta kaashka ah oo lagu daray taageerada xoolaha waxa ay caawimaad bini'aadanimo oo deg deg ah u tahay wax soo  saarka xoolaha iyadoo loo marayo wareejinta lacagta oo aan shuruud lahayn, oo ay ku jiraan kaash lacageed oo bille ah (muddo lix bilood ah), wax-soo-saarka hab-nololeedka xoolaha (baloogyada xoolaha, daaweynta xoolaha iyo bacaha caanaha) iyo tababar si looga faa'iideysto wax-soo-saarka la taageeray.

http://www.fao.org/emergencies/resources/photos/photo-detail/en/c/1373213/ 
 

 

Horumarinta Dhaqaalaha | UNIDO iyo MOCI oo ka shaqeeynaya qorshe lagu horumarinayo Aagagga Dhaqaalaha Gaarka ah ee Soomaaliya

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya (MoCI), oo taageero ka heleysa UNIDO, ayaa bilowday hirgelinta istiraatiijiyad lagu horumarinayo Aagagga Dhaqaalaha Gaarka ah (SEZs) ee Soomaaliya. Hindisahan ayaa qayb ka ah barnaamijka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay e Soomaaliya oo ay hogaaminayaan UNIDO iyo MoCI, ujeedkiisuna yahay in lagu taageero Horumarinta Qaybaha Wax-soo -saarka Soomaaliya (PSDP). Barnaamijka waxaa maalgeliyey Talyaanigu iyadoo loo sii marayo Sanduuqa wadajirka ah ee Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya (UN-MPTF).

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya waxay ku tala-jirtaa inay dhiirrigeliso hirgelinta aagagga dhaqaalaha ee gobollada kala duwan ee Soomaaliya, si loo abuuro dhaqdhaqaaqyo ganacsi oo adag, abuurista fursado shaqo iyo dhiirrigelinta horumarka ganacsi ee dalka oo dhan. Hay'addu waxay ugu horreyn ujeedadeedu tahay bartilmaameedka ganacsiga gudaha inta badan SMEs. Hadafku waa in la kordhiyo "fursadaha shaqo, horumarinta silsiladaha qiimaha gudaha ee badeecooyinka beeraha, kordhinta ka-qaybgalka iyo helitaanka tikniyoolajiyadda iyo adeegyada ganacsiga ee dhallinyarada, haweenka iyo kuwa nugul".

Waxaa xooga la saaray sidii loo horumarin lahaa tayada kaabayaasha dhaqaalaha sida dekedaha, gaadiidka ama adeegyada tamarta, iyo kor u qaadista maalgashiga dhaqaalaha Soomaaliya, gudaha iyo waliba qurbajoogta Soomaaliyeed iyo ilo kale oo shisheeye ”. Wasaaraddu waxay la shaqeyn doontaa UNIDO, la-hawlgalayaasha horumarinta caalamiga ah ee muhiimka ah iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si ay si buuxda u hirgeliyaan qorshahan.

https://twitter.com/UNIDOSomalia

 

Maareynta Socdaalka | UNODC oo Somaliland ka taageereysa ka hortaga tahriibka iyo muhaajiriinta la tahriibiyo

11-kii Maarso, UNODC waxa ay qabanqaabisay aqoon isweydaarsi wacyigelin ah iyo dood wadaag ah oo loogu talagalay baarlamaanka si looga hortago tahriibka iyo gaar ahaan tahriibinta muhaajiriinta. Aqoon-isweydaarsiga ayaa loo qabtay qayb ka mid ah barnaamijka Maareynta Socdaalka ee Fiican, oo ay maalgelisay Sanduuqa Midowga Yurub ee Amaanada Degdegga ah ee Afrika iyo Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka.

https://twitter.com/UNODC_EA/status/1370010274053255173

 

Ka fal-celinta COVID-19 | Qaramada Midoobay oo gacan ka geysatay imaanshaha iyo hirgalinta tallaalka COVID-19 ee Soomaaliya

Bartamihii bishii Maarso, 300,000 oo ah tallaalka COVID-19 ayaa yimid Soomaaliya, kaas oo 195,000 oo ka mid ah la keenay Muqdisho, 40,000na la gaarsiiyey Garoowe iyo 65,000 oo la geeyey Hargeysa. Shixnaddan koowaad ee tallaal ah ayaa loo isticmaali doonaa in lagu tallaalo shaqaalaha safka hore, dadka waayeelka ah, iyo dadka qaba xaaladaha caafimaad ee daba dheeraada. Iyadoo mudnaanta la siinayo shaqaalaha lagama maarmaanka ah iyo dadka halista ugu badan ugu jira dhibaatooyinka COVID-19, Soomaaliya waxay hubin kartaa caafimaadka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah inay sii socdaan isla markaana iyo in la yareeyo dadka halista ugu jira, cudurkan gaar ahaan waayeelka.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa ku ammaanay mas'uuliyiinta Soomaaliyeed dadaallada joogtada ah ee ay kula dagaallamayaan COVID-19 wuxuuna ballan-qaaday Qaramada Midoobay inay sii wadi doonto taageerada si loo billaabo olole tallaal oo dalka oo dhan ah si loo xakameeyo faafidda cudurka.

Qaramada Midoobay waxa ay sii waddaa in ay si dhow ula shaqeeyso Dowlada Soomaaliya si loo hubiyo in si dhaqso leh, nabdoon, oo caddaalad ah loogu qaybiyo talaalada COVID-19 guud ahaan dalka. Waxay sidoo kale sii wadi doontaa taageerida waxqabadyada si loo helo qalab caafimaad, loo qaybiyo qalabka ilaalinta shakhsi ahaaneed, loo tababaro shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa aan caafimaadka aheyn, loo wargeliyo bulshada tallaabooyinka ka hortagga ee kala duwan, iyo in la qabto howlo kale oo muhiim ah si looga adkaado fayraska.

https://unsom.unmissions.org/arrival-and-rollout-covid-19-vaccines-somalia-0

 

Ka fal-celinta COVID-19 | Duulimaadyada WFP UNHAS waxa ay gaarsiiyeen tallaalka COVID-19 meelo badan

Meelo muhiim ah ayey gaareen duulimaadyo siday tallaalka COVID-19, iyadoo dowladda Somaaliya ay hormuudka ka aheyd, WFP - oo la shaqeyneysa UNICEF, WHO iyo bahda kale ee Qaramada Midoobay - ayaa gaarsiiyey qeybtii ugu horreysay ee tallaal iyadoo loo marayo xarunta COVAX. Diyaarad ka tirsan Adeegga Cirka ee Bani'aadamnimada ee Qaramada Midoobay (UNHAS), oo ay maamusho WFP, ayaa geeysay shixnadihii ugu horreeyay meelo badan. Tani ayaa qeyb ka ah shaqadii ay qabateen tan iyo bishii Maarso 2020 ee WFP iyo UNHAS si ay u taageeraan maamulada Soomaaliya iyo bulshada samafalka iyadoo wax laga qabanayo faafitaanka COVID-19, sidoo kalana la daabulayo shaqaalaha caafimaadka, qalabka, iyo shaybaarada.

https://twitter.com/WFPSomalia/status/1371501712251424772?s=20

 

Doorashooyinka | Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada caalamiga ah waxa ay ku baaqayaan in madaxda Soomaalida ay heshiis gaaraan

U diyaar-garowga shirkii Muqdisho ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, saaxiibbada Soomaaliya ee caalamiga ah waxay ku boorrinayeen ka qaybgalayaasha in ay si dhakhso leh u shiraan una muujiyaan hoggaan iyagoo ku dhisaya soo jeedinta Guddiga Farsamada ee Baydhabo ee 16-ka Febraayo 2021 si loo hirgeliyo qaabka doorashada ee 17-ka Sebteembar 2020, iyo in la qabto doorashooyin nabad ah, loo wada dhan yahay, xor ah, xalaal ah, laguna kalsoonaan karo dib u dhac la'aan.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen, saaxiibbadu waxay ku xuseen inaysan taageeri doonin geedi socodka doorasho hal dhinac ah ama isbarbar yaac ah ama dadaal kasta oo horseedaya kordhinta muddo xileedkii hore.

https://unsom.unmissions.org/international-partners-call-somali-leaders-reach-agreement