Ergeyga QM ee Soomaaliya oo amaanay dhalinyaradda maalinta caalamiga ah ee dhalinyaradda

12 Aug 2015

Ergeyga QM ee Soomaaliya oo amaanay dhalinyaradda maalinta caalamiga ah ee dhalinyaradda

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, SRSG Nicholas Kay ayaa salaan aad u diiran u diray dhalinyarada Soomaaliyeed, taas oo ku beganayd Maalinta Dhalinyarada Aduunka.

Egreyga Gaarka ah, Kay ayaa sheegay in dhalinyaradu ay ka cayaari karaan dowr aad muhiim u ah oo firfircoon dib-u-dhiska Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah. “Dhalinyaradu waxay la imaan karaan tamar iyo firfircooni cusub, waxqabad iyo hal-abuur ku saabsan dhaqaale unkid si ay u sameeyaan nolol iyo is-bedel waxtar leh maadaama ay yihiin dad keeni kara is-bedel ahna dad leh hal abuur ganacsi.

Wuxuu soo dhoweeyay qorshihi ay dhowaan isla ansixiyeen Dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobay kuna saabsanaa shaqaalaynta dhalinyarada, sidoo kalena wuxuu hoosta ka xarriiqay baahida adage ee loo qabo in wax laga qabto shaqo la’aanta aadka u baahsan ee haysata dhalinyarada. 
“Waxaan ugu baaqayaa deeq bixiyeyaasha iyo dowladdaba inay mudnaan siiyaan shaqaalaynta dhalinyarada si loo adkeeyo arrimaha nabadda iyo geedi-socodka siyaasadeed ee sida isasoo taraysa uga jira dalka.”

Wuxuu ku amaanay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga (dejinta) siyaasadda heer qaran ee khusaysa arrimaha dhalinyarada. Sidoo kalena wuxuu Ergeygu kusoo celiyay go’aanka Qaramada Midoobay ee ah inay taageerto wiilasha iyo haweenka dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo inay si macno leh uga qayb qaataan geedi-socodka nabadda iyo qaran-dhisidda.

DHAMMAAD