Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha samafalka ee Soomaaliya oo ka hadlayo dadaallada gargaarka abaaraha: ‘weli dhibaatada kama aanan bixin’

18 Feb 2018

Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha samafalka ee Soomaaliya oo ka hadlayo dadaallada gargaarka abaaraha: ‘weli dhibaatada kama aanan bixin’

Garowe – Madaxaa Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aaddinimada ayaa mas’uuliyiinta maamul goboleedka Puntland ku boogaadiyay dadaalladooda ku aaddan abaaraha iyo dib u soo kabsashada, isaga oo ka digay in ay dhibaatada hadda jirta aysan dhammaan.

“Waxaanu annaga iyo hoggaanka Puntland isla eegnay jawaab-celinta abaaraha ilaa iyo hadda, innagoo dib u milicsi ku sameynay sannadkii wanaagsanaa marka la eego iskaashiga dhow iyo dadaalka gargaarka abaaraha oo si weyn loogu guulaystay,” Iskuduwaha howlaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay  ee Soomaaliya, Peter de Clercq ayaa sidaas ka sheegay Caasimadda Puntland ee Garoowe sabtidii kaddib kulamo dhowr ah uu la yeeshay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali.

“Isla markaana waxaan ka hadalnay caqabadaha weli na horyaalla maxaa yeelay khatarta weli ma aan ka bixin dhinac kasta oo loo eego,” ayuu raaciyay.

Mudane de Clerq – oo sidoo kale ah Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya ahna Iskuduwaha Howlaha Qaramada Midoobay – ayaa booqasho ku tagay Puntland si uu ula kulmo mas’uuliyiinta amniga, qorshaynta iyo arrimaha bani’aadamnimada ee dowladda hoose, iyo sidoo kale wakiilada ururada bulshada rayidka ah, si looga wadahadlo jawaab-celinta abaaraha hadda taagan iyo caqabadaha kale ee gobolka ka jira.

Isaga oo ka hadlayay jawaab-celinta wadajirka ah ee ilaa iyo hadda lagu bixiyay abaarta saameysay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya kaddib roob yar la soo darsay dalka muddo shan sano, Mudane de Clercq ayaa sheegay in iyada oo 2017-kii uu ahaa sanad wanaagsan markii loo eego wada-shaqeynta dhow ee looga gol lahaa in laga hortago saameynta ugu daran ee abaarta, waxaa loo baahanaya dadaal dheeraad ah.

Waxaa uu intaasi raaciyay in dhulalka sida Sool iyoanaag ay weli ka jiraan baahi aad culus ayna macquul tahay in laga dareemo xaalado la mid ah macluul. 

“Xaaladda waa mid aad u culus, gaar ahaan dhanka Sool iyo Sanaag. Waxaana ka wada hadalnay sida ugu wanaagsan ee aan ku gaari karno dadka ku nool Sool iyo Sanaag aana u gaarsiin karno caawimaadda ay u mudan yihiin ee ka ilaalin doono in ay saameyn ku yeelato abaartan ayna ku dhacaan xaalad macluul ah. Waxaana ku rajo weynahay in aan xal u heli doonno arrintan,” ayuu yiri Mudane de Clercq.

Yareynta saameynta abaarta iyo caawinta dadka ay barakicisay abaaraha ayaa ka mid ahaa mowduucyada ugu waaweyn ee lagu soo qaaday kulanka rasmiga ah ay Qaramada Midoobay la yeelatay Madaxweyne Maxamed Cali. “Kulankeenna waxaa uu ahaa mid furan oo daacad ah oo waxgal ah,” ayuu Madaxweynaha yiri kulanka kaddib.

Gabogabadii booqashada oo ay ka mid ahayd wada hadallo  lala yeeshay wasaaradaha amniga iyo qorshaynta iyo hay’adda maareynta musiibooyinka ee Puntland ayaa Mudane Clercq waxaa uu sheegay in ay muhiim ahayd in la helo dhaqaale sax ah oo loo helo meesha mudan, lalana shaqeeyo howlwadeennada saxda ah, sida hay’adaha dowliga ah ee Puntland iyo in la tixgeliyo xal waara.

“Waxaa aan isku daynaa in aan wax ka qabanno arrimaha waaweyn ee dhibaatada horseeda sida sugnaansho la’aanta cunnada, dabargo’a xoolaha iyo in laga fikiro qaabab kale oo dadka ay nolol maalmeedkooda ku soo dhacsan karaa ayna dib u dhisi karaan noloshooda.

2017-ka waxaa laga hortagay xaalad macluul ah oo la xidhiidha abaarta iyada oo loo marayo dadaallada ka timid Soomaalida iyo saaxibbada caalamka. Hase yeeshee, khatartaasi weli lagama gudbin maadaama ay jiraan ilaa iyo 5.4 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya oo u baahan gargaar bani’aadamnimo oo nolol badbaadin ah. Waxaa dadaallo laga wadaa guud ahaan gobollada dalka oo ay ka mid tahay Puntland, si loo dhisi dhiso loona xoojiyo adkeysiga dhammaan bulshada khaasatan dadka ay si weyn u saameeyeen abaaraha iyo macluusha soo noqnoqda sida dadka xoola dhaqatada ah, barakacayaasha iyo kalluumeysada. 

Soomaaliya waxaa ay leedahay hab-dhismeed adkeysi iyo dib u kabsasho ah oo ka caawinaya in ay ka gudubto in ay ku tiirsanaato gargaar bani'aaddinimo ayna gaarto dib u kabsasho waarta iyo u diyaargarowga musiibooyinka. Hab-dhismeedkan oo ay hoggaanka u hayaan mas'uuliyiinta ayna taageerayaan Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, waxaa si weyn lala xiriirinaya qorshaha horumarinta qaranka. Waxaa uu ka caawinaya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada in ay hormuud ka noqdaan xalka horumarineed ee muddada dhow iyo kuwa muddada fog, in la ogaado waxyaabaha horseeda u nuglaanshaha abaaraha ee bulshada, iyo in laga caawiyo in ay ka gudbaan dhibaatooyinka soo noqnoqda.