Ergeyga QM Kay oo cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho

26 Jul 2015

Ergeyga QM Kay oo cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee maanta lala beegsaday Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho oo sababay khasaare dhowr ah oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagaxiso ee Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Kuwii dilkan geystay kuma guuleysan doonaan inay carqaladeeyaan horumarka iyo dadaalka aan caadiga ahayn ee ay wadaan dadka iyo dowladda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Waxaan ammaanayaa sida degdegga ah ee ay goobta u soo gaareen ciidamada amniga Soomaaliyeed iyo gurmadka degdegga ah. Kuwii falkan geystay waa in si degdeg ah caddaaladda loo horkeeno.”

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo asxaabta dhammaan dadkii waxyeelladu soo gaartay, iyo weliba Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale tacsi u diray qoyska iyo saaxiibada Cabdullahi Xuseen Mohamud, oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo Saciid Cali Saalah, oo ahaa mas’uul ka tirsan xukuumadda, oo meelo kala duwan lagu kala toogtay laguna dilay shalay.
“Qaramada Midoobay iyo saaxiibada beesha caalamku waxay si wadajir ah oo adag u taageerayaan dadaalka aan ugu jirno inaan dadka Soomaaliyeed gacan ka siino si ay u gaaraan himiladooda oo ah mustaqbal aamin ah oo xasilloon,” ayuu raaciyay Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

DHAMMAAD