Helista iyo baahinta adeegyada loo baahan yahay ayaa ah muhimadda koowaad ee Soomaaliya

28 Jul 2015

Helista iyo baahinta adeegyada loo baahan yahay ayaa ah muhimadda koowaad ee Soomaaliya

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Nicholas Kay, ayaa beri si wadajir ah u guddoomin doona shirkii ugu horeeyay ee heer wasiir ah ee Madasha Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ah kii labaad ee heer wasiir ee barnaamijka loo yaqaano(High Level Partners Forum) , ayaa waxaa ka soo qeybgeli doona wufuud shisheeye oo 30 gaaraya , iyo in ka badan 120 ergo oo Soomaaliya ka socda, kuwaas oo ay ku jiraan Baarlamaanka, maamullada KMG ah iyo beesha caalamka.

Madashan ayaa waxaa dib loogu eegi doona guud ahaan horumarka laga gaarey barnaamijka Cahdiga cusub, ee diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda iyo amniga lixdii bilood ee la soo dhaafey. Waxaa shirkan dib loogu eegayaa waxyaabaha qabsoomey, sida loo wajahayo caqabadaha jira, in la aqoonsado meelaha ay dulduleelooyinka ka jiraan iyo in si wadajir ah loo go’aansado waxa qabsoomi kara dhammaadka sannadkan 2015.

Iyadoo laga shidaal qaadanayo qaraarka Golaha Ammaanka ee QaramadaMidoobay ee nambarkiisa yahay 2232 (2015) oo maanta la meel mariyey, Madaxweynaha iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa shirkan diiradda ku saari doona muhimadda ay leedahay in wax la taaban karo loo qabto shacabka Soomaaliyeed: sida in adeegyada bulshada si hufan loo baahiyo, soo celinta sharciga iyo kala dambeynta, ciribtirka kooxda Al Shabaab iyo xaqiijinta dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo shirkan la soo hordhigi doona mabaadi’ hagaya iyo qorshe hawleed lagu gaarayo heshiis shaqeyn kara oo ku saabsan nidaamka doorasho ee sannadka 2016. Sidoo kale waxaa la soo bandhigi doonaa barnaamijka fullinta qorshaha Ciidammada Xoogga Dalka ee Guulwade iyo dhaqangelinta barnaamijka Heegan ee la doonayo in lagu dhiso ciidan boolis oo tayo leh oo Soomaaliya ay yeelato.