Ergeyga QM oo boorriyay ixtiraamka xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya

3 May 2020

Ergeyga QM oo boorriyay ixtiraamka xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya

Muqdisho – Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka awgeed, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu maanta ugu baaqay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay awood u yeeshaan in ay shaqadooda u gutaan si xor ah.
 
“Warbaahintu dowr muhiim ah ayey ku dhex leedahay bulshada Soomaaliyeed, laga bilaabo soo tebinta jawiga siyaasadeed ilaa u-hadalka iyo cod-siinta dadka nugul iyo kuwa la faquuqo. Waxay u baahan yihiin in ay awood u yeeshaan in ay howlohooda muhimka ah u gutaan si ka madaxbanaan rabshado, kadeed, xarig, cadaadin, cabsi-gelin iyo faafreebid,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
 
“Waa in sidaas xaaladdu ahaato mar walba, gaar ahaan xilligan lagu jiro oo Soomaaliya ay isku diyaarinayso doorashooyinkeeda qaran ee ‘qof-iyo-cod’ ah. Tani waa munaasabad taariikhi ah oo u baahan waax warbaahineed oo firfircoon, xor ah oo bed-qabta, taas oo awood u leh inay wararka usoo tabiso si cabsi la’aan iyo eex la’aan ah," ayuu raaciyay. "Maadaama dalku uu la tacaalayo cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, ayaa baahida loo qabo in warbaahintu soo tebiso warar sugan oo waqtigooda kusoo beegma ayaa sidoo kale ah arrin muhiim ah oo gacan ka geysanaysa kor u-qaadista wacyiga, taas badbaadin kara nolosha dadka." 
 
Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka waxaa looga dan leeyahay in lagu xuso laguna difaaco mabaadi’da asaasiga ah ee xorriyadda saxaafadda. Waxaa la xusaa sanad kasta 3da Maajo, waxaana halkudhigga Maalinta sanadkan uu yahay "Saxaafad aan lahayn Cabsi ama Eex," iyadoo halkudigga faaf-faahsan uu yahay sidan: bed-qabka haweenka iyo ragga suxufiyiinta ah, saxaafad madaxbanaan oo xirfad leh oo ka caaggan saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyo sinnaanta jinsiga ee dhammaan dhinacyada warbaahinta.
 
Baaqa Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka, oo Soomaaliya ay saxiixday, ayaa dhigaya in xorriyadda hadalka ay tahay xuquuq aadane oo asaasi ah.