Ergeyga QM oo ku baaqay in lasii wado taageerada dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Covid-19, isla markaana amaanay shaqaalaha caafimaadka ee safka-hore

22 Jun 2020

Ergeyga QM oo ku baaqay in lasii wado taageerada dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Covid-19, isla markaana amaanay shaqaalaha caafimaadka ee safka-hore

Muqdisho – Taageerada ay bixiyaan saaxiibada caalamiga ah waxay u suurto gelisay Soomaaliya inay bixiso tas-hiilaadka daryeelka bukaanka ee jawaab celinta uu dalka ka bixinayo cudurka faafa ee Covid-19, laakiin taageero caalami ah oo dheeri ah ayaa loo baahan yahay si looga caawiyo Dowladda Federaalka meelaha jawaab celinta dheeriga u baahan, Wakiilka Qaramada Midoobay (QM) ee Soomaaliya ayaa sheegay intii lagu guda jiray booqashadi maanta ee Isbitaalka De Martini ee magaalada Muqdisho.

“Annagoo ah saaxiibbo iyo jaal, waxaa sharaf noo ah inaan idin caawinno, aanna idin garab istaagno taageerana aan bixinno.  Shaqada aasaasiga ah iyo hogaaminta idinkaa iska leh, laakiin waxay noo ahayd mudnaan gaar ah inaan bixino xoogaa caawimaad ah annagoo soo marsiineyna ururka Caafimaadka Adduunka, Ururka Caalamiga ee Socdaalka, iyada oo loo marayo Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Carruurta iyo hay'ado kale oo badan oo QM ka mid ah oo gacan ka geystay tan iyo bilowgii masiibadan,” Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa yiri. 
 

Wakiilka QM ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii uu booqday xarumaha isbitaalka oo kulanna la qaatay shaqaalaha daryeelka caafimadka si uu uga mahad celiyo jawaabta ay Soomaaliya ka bixisay gurmadka degdega ah ee caafimaadka bulshada.

Cusbitaalka De Martini wuxuu udub dhexaad u ahaa baaritaanka, ogaanshaha kiisaska iyo taageerada daryeelka xasaasiga ah ee Soomaaliya. Mudane Swan ayaa ku baaqay in la sii wado taageerada caalamiga ah ee waxqabadka dowladda ee masiibada wuxuuna bogaadiyay dadaalka shaqaalaha daryeelka caafimaadka.

“Waxaan rabaa inaan aad ugu mahad naqo dhamaan shaqaalaha caafimaadka ee safka hore, shaqaalaha daryeelka muhiimka ah, kuwa ku jira goobaha taageerada ee bixiyay daryeel muhiim ah, oo bixiyay adeegyo caafimaad, ee taageeray baaritaanka iyo adeegyada kale ee taageerada dabcanna daweeyay bukaannada” ayuu yiri mudane Swan. 

“Waxaad safka hore kaga jirtaan fidinta jawaabta aad siineysaan dadka uu cudurku saameeyay waxaadna leedihiin mahadnaqa iyo qadarinta ummadiinna iyo sidoo kale asaxaabtiinna iyo jaalkiinna.”

Wejiyo badan oo taageero ah

Taageerada qoyska Qaramada Midoobay ee jawaabta COVID-19 ee Soomaaliya waxaa ka mid ah qorsheynta, isku duwidda, iyo taageerada horumarinta siyaasadda; tayo dhisidda aqoonyahannada caafimaadka ee ka shaqeeya sheybaarrada iyo isbitaallada; aasaaska iyo hawlgelinta sheybaarka loo yaqaan Polymerase Chain Reaction (PCR) oo laga sameeyay Muqdisho, Garoowe iyo Hargeysa; kaalmada saadka ee sahayda qalabka ilaalinta shakhsiga (PPE), neef-siiyeyaal iyo qalab kale; iyo bixinta taageerada hawlgalka isbitaallada, xarumaha karaantiilka iyo sheybaarrada.

“Dhammaan shuraakada caalamiga ah: Waxaan rabaa inaan aad idiinkugu mahad celiyo. Dhamaan wakaaladaha QM; IOM, WHO, UNICEF iyo hey’adaha an dowliga ahayn ee caalamiga ah. 

Waxay ahayd dadaal aysan dowladda kaliya la imaanin, laakiin dhammaan intii ka qayb qaadatay caawinta siyaabo yar iyo siyaabo weynba anaguna aad ayaan ugu mahad celineynaa taas.

"Haa, caqabadaha aad ayay u weyn yihiin sidii caadiga ahayd waaxda caafimaadka,” ayay tiri Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka ah, Dr. Fawziya Abiikar Nuur, oo booqashada Mr. Swan ku wehelineysay.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa taageeraya bukaanka iyo maaraynta kiisaska ku jira dhammaan xarumaha karaantiilka, iyaga oo siinaya mushaarka shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee mar dhow la shaqaaleysiiyay iyo xoojinta abaabulka iyo hawlgelinta bulshada, gaar ahaan baaritaanka iyo raadinta bukaannada kale.

Horumarka muuqda

“Waxaan aragnay hadda, in ay kiisasku hoos u dheceen, sidoo kalena dhimashadiina way sii yaraanaysaa. Hase yeeshee, dillaaca xanuunka ayaa ka fog dhammaad. Waa hardan dheer sidaa darteed waxaan sidoo kale xasuusinnay shaqaalaheenna caafimaadka in faafitaanku uu ka fog yahay dhammaad. Waxaan u baahan bahay inaan isha ku hayno, waxaan u baahan nahay inaan ilaalinno feejignaanteenna waxaanna u baahan nahay inaan sii wadno howlaha aan ku qabano isbitaalkii De Martini si aan ugu adeegno bani'aadamka. Qaar ka mid ah hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa ka caawiyay cusbitaalkan sidii loo wanaajin lahaa maaraynta kiisaska iyo in la wanaajiyo tas-hiilaadka daryeelka bukaanka. Waxaan rabaa inaan u mahad celiyo dhammaan asxaabteenna QM iyo hay'adaha Qaramada Midoobay oo ka jawaabaya baaqii dowladda, ”ayuu yiri Wakiilka WHO ee Soomaaliya, Dr. Mamunur Rahman Malik.

Cusbitaalku wuxuu leeyahay 71 sariirood karaantiil oo loogu tala galay bukaannada COVID-19 iyo 16 neef-siiye, sidoo kale waxyaabo kale oo ay ku jiraan agabyo ay ka mid yihiin xarun karaantiil ah. Iyada oo ay wehliso shuraako kale ee nidaamka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, WHO waxa ay sii wadaysaa in ay siiso taageero farsamo, saadka iyo hawlgalka cisbitaalka iyada oo la adeegsanayo maaraynta bukaanka iyo daryeelka.
 
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka iyo WHO, ilaa iyo iminka 20-kii Juun waxaa jira in ka badan 2 755 kiis oo la xaqiijiyey oo ah COVID-19 ee gudaha Soomaaliya, oo 88 ay u dhinteen. Kiisaska waxaa ka mid ah 133 xirfadlayaal caafimaad, iyada oo mid ka mid ah uu u dhintey xanuunkan.
 
“Waxaan daaweynaa bukaannada qaba cudurka COVID-19, oo in badan oo ka mid ah ay qabeen cudurro kale sida sokorowga, dhiig karka, neefta iyo kansarka. Bukaannadan waxay noo yimaadeen iyagoo ku jira xaalado aad u culus waana daaweynaa oo aana taageernaa iyaga oo adeegsanayna tilmaamaha WHO,” ayuu yiri Dr. Cabdilatif Maxamed Xuseen, oo ka shaqeeya Qeybta Daryeelka Deg degga ah ee Cisbitaalka.