Intii uu ku guda jiray booqashada Isbitaalka loogu talagalay Covid-19, oo ay ku wehlisay Wasiiradda Caafimaadka, ayaa Ergeyga QM wuxuu ka dhawaajiyay baahida loo qabo sii-socoshada taageerada, wuxuuna bogaadiyay hawl-wadeennada caafimaadka

21 Jun 2020

Intii uu ku guda jiray booqashada Isbitaalka loogu talagalay Covid-19, oo ay ku wehlisay Wasiiradda Caafimaadka, ayaa Ergeyga QM wuxuu ka dhawaajiyay baahida loo qabo sii-socoshada taageerada, wuxuuna bogaadiyay hawl-wadeennada caafimaadka

Muqdisho – Maanta, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, oo ay wehliso Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka, Dr. Fawziya Abikar Nur, ayaa booqday isbitaal hormuud ka ah Soomaaliya oo dowr muhiim ah ka cayaara maareynta daryeelka bukaanada qaba COVID-19.

Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la sii wado taageerada caalamiga ah ee fal-celinta dowladdu kula tacaalayso afadada cudurka, wuxuuna amaanay dadaalka shaqaalaha daryeelka caafimaadka.

“Lagasoo billaabo markii ay billaabatay aafadan, bahda Qaramada Midoobay waxaay taageero noocyo badan oo isku dhafan u fidiyeen dadaallada fal-celinta ah ee  dowlada Soomaaliya kula tacaalaysay  cudurkan. Isbitaalka De Martino wuxuu udub-dhexaad u ahaa baaritaanada, ka-daba-tagga kiisaska iyo taageerada daryeelka xaaladaha daran ee Soomaaliya,” ayuu yiri Md. Swan.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan fursad u helo in aan indhahayga kusoo arko hawsha ay hayaan shaqaalaha caafimaadka ee Soomaaliyeed iyagoo ka jawaabaya baahida loo qabo daryeelka bukaanka iyo taageerada daryeelka xaaladaha daran. Waxay ii ahayd fursad soo dhaweyn ah oo aan ku muujiyay garab-istaagga Qaramada Midoobay ay garab-taagantahay shaqsiyaadkan geesiyaasha ah ee safka hore uga jira dadaalada Soomaaliya ay kula dagaallamayso  dillaaca cudurka, ”ayuu raaciyay. "Waxaan ku amaanayaa shaqaalaha caafimadka iyo dowladdaba dadaalkooda aan kala-go’a lahayn."

Isbitaalku wuxuu leeyahay 71 sariiro oo loogu talagalay gooni-yeelidda bukaanada uu soo rito cudurka COVID-19 iyo 16 hawo-siiyeyaal, iyadoo agabyada isbitaalkana ay ku jirto xarun gaar-yeelid.  Iyadoo ay weheliyaan la-hawlgalayaasha kale ee nidaamka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa Hay'adda Qaramada Midoobay ee Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay sii waddaa bixinta taageero farsamo, saad iyo mid hawlgal oo ay siiso isbitaalka, waxaana qayb ka ah taageeradaas maareynta iyo daryeelka bukaanka.

Taageerada bahda Qaramada Midoobay ee ku aaddan ka-falcelinta COVID-19 ee Soomaaliya waxay iskugu jirtaa qorsheyn, iskuduwid, iyo taageerada horumarinta siyaasadda; tayo-dhisidda xirfadleyaasha caafimaad ee ka hawlgala sheybaarada iyo isbitaalada; hirgelinta iyo hawlgelinta sheybaarada lagu baaro dhacaaka Hidde-Sidaha, loona yaqaan (Polymerase Chain Reaction) oo laga hirgeliyay Muqdisho, Garoowe iyo Hargeysa; kaalmada saadka ee keenista Qalabka Is-ilaalinta Shaqsiga (PPE), hawo-siiyeyaal iyo qalab kale; iyo bixinta taageero hawlgal oo la siiyo isbitaalada, xarumaha gooni-yeelidda iyo sheybaarada.

Sida ay sheegayaan Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka, ilaa 20- kii Juun, waxaa jiray in kabadan 2,755 kiisas oo cudurka COVID-19 ah oo laga xaqiijiyey gudaha Soomaaliya, iyo 88 dhimasho. Kiisaskas waxaa ku jira 133 xirfadlayaal caafimaad ah, iyadoo mid ka mid ah lasoo sheegay inuu u dhintey.