Ergeyga QM oo xuska Maalinta Haweenka Adduunka ku boogaadiyay haweenka Soomaaliyeed

9 Mar 2018

Ergeyga QM oo xuska Maalinta Haweenka Adduunka ku boogaadiyay haweenka Soomaaliyeed

Muqdisho  - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ee Soomaaliya, Michael Keating, ayaa xaflad maanta lagu qabtay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee lagu xusayay Maalinta Haweenka Adduunka ku ammaanay kaalinta muhiimka ah ay haweenka Soomaaliyeed ka qaataan horumarinta nabadda iyo dowrka ay ka ciyaaraan qoysaska.

“Haddii uu jiro qof uu shaki kaga jiro muhiimadda dowrka ay ciyaaraan haweenka, bal kaliya waxaad eegtaa kaalinta ay dumarka, iyo hooyooyinkiinna iyo gabdhaha walaalahiinna ah iyo ayeeyayaashiinna ay ka ciyaareen in ay isku hayaan qoysaska, in ay isku hayaan bulshada, in ay u halgamaan nabadda, iyo in ay ka qayb qaataan in Soomaalida ay awood u yeeshaan in ay u dhabar adeygaan 20 sano, 30 sano oo dagaallo ah,” ayuu Mudane Keating ka yiri xaflad ay isugu yimaadeen arday iyo xubnaha kulliyadda.

Mudane Keating ayaa soo dhaweeyay sare u kaca tirada haweenka ka qayb qaadanayo siyaasadda Soomaaliya iyo waxbarashada heer jaamacadeed. Balse, waxaa uu xusay in haweenka Soomaaliyeed ay weli la tacaalayaan caqabado ka hor taagan in ay ku guuleystaan sinnaan jinsi oo buuxda.

“In kasta oo horumar la sameynayo, dowrka haweenkana la aqoonsanayo, wax badan ayaa u dhiman Soomaaliya,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Maxamed Axmed Jimcaale, ayaa ku raacay hadalka wakiilka QM, waxaa uuna boogaadiyay waxqabadaka dumarka Soomaaliyeed sanadihii ka dambeeyay burburka dowladda Soomaaliya ee 1991.

“Waan ogeyn markii uu dalka ka qarxay dagaal sokeeye,” ayuu yiri Mudane Jimcaale. “Haweenka Soomaaliyeed waa sida dayax buuxa, cidina ma gacantiisa ugama gabban karo dayax buuxa.”

Guddoomiyaha kulliyadda waxbarashada ee jaamacadda, Fowsiya Warsame, ayaa sheegtay in dumarka Soomaaliya laga yaaba in ay ku kala fikir duwan yihiin arrimo kala duwan, balse waxaa ay isku mid ku yihiin dareenka waddaninimada.

“Haweenka Soomaaliyeed waxaa ay ku kala duwanaan karaan maskax, waxbarasho, horumar, waayo aragnimo, iyo dabeecad. Balse, waxaa ay ka mideysan yihiin in ay horumariyaan Soomaaliya, in ay u istaagaan qaranka, iyo in ay u adeegaan,” ayay raacisay Marwo Fowsiya Warsame.

Suleekha Muxidiin Ibraahim, oo barata dhaqaalaha, ayaa ka hadashay kaalinta haweenka Soomaaliyeed ay ka ciyaaraan dib u dhiska dalkooda.

“Waxaan rabaa in aan xoogga saaro dowrka haweenka ay ka ciyaaraan dhinac kasto. Waxaa ay kaalin wanaagsan ka ciyaaraan horumarinta. Waxaan rabaa adduunka in uu ogaado in gabdhaha ay yihiin udub dhexaadka horumarka iyo nabadda,” ayay tiri Suleekha.

Mowduuca Maalinta Haweenka Adduunka ee sanadkan waa “Waa la jooga xilligii: halgamayaasha miyiga iyo kuwa magaalooyinka oo horumarinayo nolosha haweenka.” Maalinta Haweenka Adduunka waxaa loo ansixiyay in ay noqoto maalin rasmi ah ee Qaramada Midoobay sanadkii 1975.