Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya oo ballanqaaday taageero, kuna baaqay in ay Soomaalida midoobaan

3 Jun 2014

Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya oo ballanqaaday taageero, kuna baaqay in ay Soomaalida midoobaan

Muqdisho – Isagoo ka hadlaya xaflad loo qabtay dabbaaldegga sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay tan iyo markii la furay Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay Soomaalida inay dardargeliyaan horumarka laga gaarayo nabadda iyo dowlad dhisidda. []