Faadumo Cabdisalaan: Hal-abuur ganacsi oo ka qeyb-qaadanaya dib u dhiska Soomaaliya
Faadumo Cabdisalaan waxa ay leedahay hal-abuur ganacsi oo ay aad ugu dhiiran tahay, waxa ay ku ganacsataa magaalada dekedda leh ee Kismaayo.
Faadumo oo ka warbixineysa hal-abuurkeeda ganacsi ayaa tiri “Waxaan iibiyaa alaabo kala duwan sida alaabta guryaha, fadhiga, miisaska cuntada, iyo qalabka xafiisyada iyo waliba alaaba yar yar oo badan oo tayo sare leh.”
In aad guul ka gaarto ganacsi adigoo haween ah oo ku nool dal burbur kasoo kabanaya sida Soomaaliya ma ahan mid sahlan.
Halka ay kasoo bilowday Faadumo, waxa ay tiri “Markii aan ganacsigeyga bilaabayay sideed iyo toban sano ka hor, waxaan heystay kaliya $ 35, ujeedkeygana waxa uu ahaa in aan helo xoogaa lacag ah si aan u aado Yurub oo aan isaga baxsado dagaallada sokeeye ee waddanka ka dhacayay xiligaas. Weligeey kama fikirin in maalin uun aan noqon doona ganacsade caan ka ah magaalada xeebta ah ee Kismaayo, ”
Ma aysan aheyn qof qibrad u lahaa ganacsi, da’deeduna xiligaas waxa ay aheyd 21 sano marka ay timid Kismaayo. Ujeeddadeeda ugu weyna markaas waxa ay ahayd in ay aaddo Kenya si ay u hesho fiiso ama dal ku galka Yurub.
Maankeeda xiligaas kuma aysan soo dhicin in ay wax ganacsi ah ay ka bilaawdo Kismaayo, iskadaa ganacsi ee inay waqti kusii qaadato magaalada marna ma aysan rabin.
Inta badan xiligaas gobolada waxa heysaty hoggaamiyo kooxeedyo hubeysan oo ay dhexmarayeen iskahorimaadyo joogto ah, magaalooyinkaas waxa kamid ahaa Magaalada Guriceel ee bartamaha Soomaaliya oo ay ku dhalatay Faatumo. Mana jirin wax nidaam iyo kala danbeyn ah oo halkaasi ka jiray. Laakiinsa qof ehel dhaw u ah Faadumo ayaa uga shekeeyay kana dhaadhiciyay inay fursad ka jirto Kismaayo ayna mudan tahay in ay kafaa’ideysato.
Faadumo oo ka hadleysay sidii ay qofka kula taliyey in ay Ganacsi ka sameyso Kismaayo ayaa tiri “ Habaryartey ayaa igula talisay in aan u bareerin halista ba’an ee ka dhalan karta safarka dheer ee lagu aado Yurub oo halis badan leh, waxa ay sidoo kale ii sheegtay in aan joogo Kismaayo oo aan raadsado fursado kale - noloshayda ayay badbaadisay runtii”.
Rajo sii kordheysay
Dhaqaalaha ay heysatay oo aad u yaraa Faadumo waxa ay ogaatay in ganacsiga kaliya ee ay awoodi karto in ay ku bilawdo uu yahay in haweenka xafadeeda ay ka iibiso uunsiga iyo catarka. Si la yaab leh, waxa ay faa'iido yar ka heshay bilooyinkeedii ugu horreeyay ee ganacsigeeda. In kastoo mararka qaarna ayba jirtay in u shaki ka galo mustaqbalka ganacgsigeeda oo u dhaxeeyay rajo iyo rajo beel, waayo ma jirin ilo dhaqaale oo kufilan.
Maalinba maalinta kasii dambeysa, waxay awood u yeelaneysay inay ballaariso ganacsigeeda. Kaddib Waxay bilawday inay dharka ku iibiso amaah, waxaana loo yaqaanaa ganacsigaa “ha I wareerin”, haba la kulanto caqabado badan, waxa ay kudhiiratay in aysan marnaba ka niyad jabin ganacsigeeda waxa ayna ku sii dhiiratay in ay kordhiso ganacsigeeda.
Sidaas buu ahaa dareenkeeda Faadumo xiligaas "Waxaan dareemayey mar uun in aan ka gudbi doono caqabadahaas, in kasta oo xasillooni-darrada dalka oo ay si dheereed dhaqaala la'aan ay wax waliba sii adkeyneysay," ayay tiri Faatumo. Waqtigaas ma jirin xarumo maaliyadeed oo xitaa lacag yar amaahiya ganacsiyada yaryar.
Si kastaba ha noqotee, ganacsigeedu wuu sii kordhayay - xitaa inta lagu jiray xilliyadii adkaa. Tusaale ahaan, Faadumo waxa ay sheegtay in sanadkii 2006, markii Midowga Maxaakiimta Islaamiga ay maamuleysay Kismaayo iyo qaybo kale oo dalka ka mid ah, in darsan saraawiil ah oo ay kusoo iibsatay $ 100, ka dibna ay kagasii iibisay xubno kooxdaasi kamid ahaa lacag dhan $ 200, oo ay markaas u aragtay Faa’idada ugu badan oo ay ay heshay.
Riyadeedii aheyd in ay aaddo Yurub hoos ayay u dhacday, kororka dakhliga iyo macaashka ganacsigeeda darteed. Maantana Faadumo waa Hooya Afar carruur ah leh, waxa ayna leedahay seddex dukaan oo kuyaala bartamaha magaalada Kismaayo, waxeyna kusii kordhisay ganacsigeeda alaabo kale sida elektoriniga iyo alaabaha qurxinta haweenka.
Waxaan la kulmay Ayaan Maxamed, oo kamid ah macmiisha ka dukaameysta mid ka mid ah maheradaha Faadumo waxa ay ii shegtay in marwaliba ay carwo city center oo ay ka iibsato alaabta ay uga baahantahay gurigeeda, sababta oo ah waxa ay xustay in ay ka heleyso carwadan alaabo badan oo tayo fiican leh.
In kastoo guulaha ay ka gaartay ganacsigeeda ay aad usoo dhaweeyen bulshada reer Kismaayo, Marwo Faadumo waxay sidoo kale ku faraxsantahy saameynta ganacsigeedu ku yeeshay bulshada maxalliga ah.
“Kow iyo toban qof oo shaqaale ah oo isugu jira todobo rag ah iyo afar haween ah ayaa igala shaqeeya ganacsigan. Waxay iga caawiyaan sidii aan si sifcan ugu adeegi laheyn macaamiisha imaanaya seddexda xarun oo isugu jira dhar, waxyaabaha la isku qurxiya iyo alaabta guriga. Waxaan ku raja weynyahay in aan kor u sii qaado dakhliyada ganacsigan iyo in aan dalalka Imaaraadka, Turkey iyo China, ka keeno alaaba kala duwan.
Faadumo waxa ay rajeyneysaa in sida ganacsigeeda guuleystay uu kuso biliawday inuu tusaale fiican u noqon karo haweenka Soomaaliyeed ee leh hamiga ganacsi. Waxa ayna kudhiiri galineysaa dumarka in ay laba laaban dadaalkooda si ay uga mira dhaliyaan himilooyinkooda ganacsi iyaga oo muujinaya dulqaad iyo in aysan isdihin waad ku khasaareysaan ganacsiga.
Bal sida ay isgu keento hawsha guriga iyo midda shaqo “Inta badan waxan ku noolahay meel u dhaw ganacsigeyga si ay iigu fududaato in aan canugeyga soo nuujiya. Subixii shaqada waxa aan soo galaa seddex saac oo subaxnimo waxaana ka rawaxaa tabanka saac xitaa kow iyo tobanka mararka qaar ayaan gaaraa. Haddii aad naftaada iyo mida qoyska anfacdo waxa aad wax ku tari kartaa dadka kale iyo waliba wadankaaga. Waxa aan isku wadaa hawsha guriga iyo mida shaqada, haddii an intaas aan ka soo bixi karo, waxa ay ilatahay in qof walibana sidaas oo kale uga soo bixi karo,” ayay tiri.
Caqabadaha iyo Fursadaha ay la kulantay
Guud ahan Haweenka somaaliyeed ee leh hamiga xirfada hal-abuurka ganacsi waxa ay wali wajahayaan caqabado ay kamid yihin in aysan helin dhaqaale ayku bilaaban ganacsiya yar yar, xaga dhaqanka Ayaana mararka qaar muhiimad siinin ganacsiga haweenka iyo in aysan heysan aqoon ama xirfado ku filan, intaas oo waliba ay si dheertahay weerarada argagixisada.
Si kastaba Marwo Faadumo waxa ay u aragtaa in xaladuhu ay soo hagaagayaan maalmahan dambe, sababta oo ah waxa dalka ka jira xogaa xasillooni ah tirada bangiyada maxalliga ah ee magaalada Kismaayana wa ay si kordhayaan.
Waxa ay hoosta ka xariiqday in maalgashiga qurbo-joogta ee Soomaaliya in ay tahay astaan kale oo muujineysa in lagu kalsoonaan karo mustaqbalka dalka.
Mar aan weydiinay waxa ay higsaneyso Faadumo mustaqalka dhaw waxa ay tiri “Qorshaheyga muddada fog, "Waa in aan balaariyo ganacsigeyga si shan ilaa tobanka sano ee soo socda oo aan badeecadaheyga uga dhigo kuwo tayo fiican leh iyo in magaalooyinka kale ee dalka aan gaarsiiyo ganacsigeyga, weyna iga go'an tahay ina ka mira dhaliyo hamigaas ganacsi”.
Sida ay qabto hay'adda Qaramada Midoobay ee sinnaanta jinsiga iyo tayeynta xirfadaha haweenka, UN women, xoojinta dhaqaalaha haweenka iyo horumarinta xirfadahooda ayaa ah kuwa ugu muhimsan uguna waxtarka badan ee lagu hormarin karo arrimaha ku saabsan sinnaanta jinsiga, ciribtirka saboolnimada, iyo kobocinta dhaqaalaha loo wada dhan yahay.
In kasta oo ay sii kordhayaan caddaymaha natiijooyinka fiican ee awood-siinta haweenka da’ yarta ah, waxa ay weli u muuqdaan kuwa aan helin sinnaanta xagga waxbarashada iyo kobcinta xirfadaha, kuwaas oo ay la kala kulmaan caqabado ka kahor istaaga in ay helaan shaqooyin wanaagsan ama in ay helaan fursado u sahla kobaca ganacsigooda.
Sidoo kale waxaa cirriri gala in ay helaan lacag ay kubilawdaan ganacsi iyo in ay helaan goobo ay ku ganacsadan, kuwaas oo ay saldhig u yihiin sharciyo aan garabsiineynin haweenka. Haweenkuna waxa weli yihiin kuwo ka ciyaaraya door muhiim ah hawsha daryeelka qoyska, iyagoo walibana aan wax abaal marin ah ku helin inta badan, sababtuna waxa ay tahay in dhaqankaasi uu yahay mid soo jireen ah.