Faarax Cumar Nuur: Suxufi ruug-caddaa ah, macallin iyo ololeeye horseed u ah horumarinta warbaahinta Soomaaliya
Muqdisho – Suxufiyiinta Soomaaliyeed shaqadoodu ma fududa.
Shaqadoodu waxaa ay muhiim u tahay xaqiijinta horumar waara, ilaalinta xuquuqaha aadanaha iyo xoojinta dimuqraadiyadda, laakiin waxaa ay noqon kartaa xirfad halis ah oo mararka qaarna sababsata nolosha qofka.
Sida ay qabto Indho-indheynta Hay’adda Qaramada Midoobey ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee UNESCO Observatory ee diiwaangelisa Suxufiyiinta La Diley, in ka badan 1,600 suxufi ayaa guud ahaan dunida lagu diley tan iyo 1993dii – dersinno ka mid ah dilalkaas waxaa ay ka dhaceen Soomaaliya.
Dilka waxaa u sii dheer culeysyo kale. Booqashadeedii saddexaad ee ay ku tagtey Soomaaliya horraantii sanadka, ayaa Khabiirka Madaxa Bannaan ee Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, Isha Dyfan, waxay kaga hedashey arrinta xoriyadda saxaafadda ee dalkan ku yaalla Geeska Afrika.
“Waxaan si aad ah uga xumaaday xayiraadaha joogtada ah ee lagu hayo goobaha madaniga ah, oo ay ku jiraan dhibaataynta, xarigga sharci-darrada ah iyo xiridda suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta oo horseedaya is-xakameyn,” ayaa ay tiri Marwo Dyfan.
Laakiin iyada oo ay jiraan dhammaan culeysyadaas, waxaa haddana jira suxufi maqaam gaar ah sameystey oo noqdey mid ka mid ah xirfadlayaasha saxaafadda ee ugu caansan: Faarax Cumar Nuur, oo sidoo kale loo yaqaanno ‘Macallin Faarax.
40kii sano ee la soo dhaafey, Mudane Faarax waxaa uu noqdey qof caan ah oo laga ixtiraamo gudaha iyo dibadda waaxda saxaafadda ee Soomaaliya maaddaama uu iskumar yahay suxufi, macallin iyo ololeeye.
Hadal badnaantii hore
Markii uu aad u da’ yaraa, ma jirin wax muujinayey in Mudane Faarax ay hawshiisu noqon doonto ereyo iyo hadal. Laakiin jacaylkii uu u qabey wax akhrinta ayaa taas beddeshey.
Waxaa uu 1dii Luuliyo 1960kii ku dhashey degmada Tiyeeglow, oo 90 kilomitir bari kaga beegan Xuddur, magaala-madaxda gobolka Bakool ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed. Maalinta uu dhashey waxay ku beegan tahay maalintii ay Soomaaliya ka xorrowdey xukunkii gumeysigii Talyaaniga.
Waxaa uu waxbarashadiisa ka bilaabey Tiyeeglow, halkaas oo uu wax ka dhigtey dugsiga hoose/dhexe ee keliya ee ku yaalley degmada min 1968 ilaa 1971. Sanadkii 1972, qoyskiisa ayaa u soo guurey Muqdisho, halkaas oo isaga oo markaas ahaa 12-sano-jir uu waxbarashadiisa ka sii watey Dugsigii Hoose/Dhexe ee Hawl-wadaag.
Waqtigii uu dugsiga dhiganayey wuxuu ku soo aadey xilligii ololihii horumarinta reer miyiga ee dhacay 1974-75. Waqtigaasi, dugsiyada sare waa la xirey, waxaana ardaydii iyo mutadawiciin kale loo direy miyiga si ay dadka u baraan sida wax loo akhriyo.
Markii uu ku jirey fasalka lixaad, ayaa Mudane Faarax waxaa ay Wasaaradda Waxbarashada u soo xushey in uu ku biiro Ololihii Horumarinta Reer Miyiga. Waxaa loo direy in uu wax ka dhigo tuulada Saabuun, ee u dhow magaalada Jowhar ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.
“Waxaan muddo ka badan toddoba bilood wax barayey dad ku dhow boqol qof, oo isugu jira carruur iyo dad waaweyn, si ay u akhriyaan ayna u qoraan farta Soomaaliga. Waxaa ay ahayd bilowgii safarkeyga aan kula dagaallamayo jahliga oo aan ugu qareemeynayo ilaalinta iyo kobcinta Af-Soomaaliga, oo ah mid leh hidde iyo dhaqan qiimo leh,” ayuu yiri, isaga oo dib u milicsanaya waayo-aragnimadii soo martey xilligii uu barbaarayey.
Ololahaas oo ka dhacay guud ahaan dalka, in ka badan 500,000 Soomaali ah ayaa ku bartey sida wax loo akhriyo loona qoro.
Qiso jacayl
Ka dib markii uu ku soo noqdey Muqdisho, ayaa Mudane Faarax waxaa uu waxbarashadiisii ka sii watey Dugsiga Sare ee Banaadir, isaga oo ka qalinjebiyey sanadkii 1979kii. Ka dib waxaa uu Kuliyadda Saxaafadda iyo Culuunta War-isgaarsiinta ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed (JUS) sanadkii 1982kii, isaga oo ka mid ahaa kooxdii saddexaad ee ardayda gasha kuliyadda ka dib markii la furey sanadkii 1980kii.
“Waqtigaas, saxaafadda waxaan u doortey jacayl aan u qabey daraaddii. Waxaan si dhow wararka ugala socon jirey idaacadda iyo wargeysyada waxaana aan ka fekeri jirey in aan qaato koorso cilmiga saxaafadda ah,” ayaa uu yiri Mudane Faarax.
“Intii aan ku jirey dugsiga sare, waxaan badanaa maqli jirey in jaamacadda umadda la hirgelin doono 1980-yada,” ayaa uu hadalkiisa raaciyey. “Waxaan aad uga dhur-sugayey aasaasidda kuliyadda saxaafadda waxaana aniga oo aad ugu faraxsan nasiib u yeeshey in aan kuliyadd ku biiro laba sano ka dib markii la aasaasey!”
Mudane Faarax waxaa uu qalinjebiyey sanadkii 1984 waxaana, sanad ka dib, uu ku biirey Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) isaga oo noqdey wariye iyo barnaamij-soo-saare.
“Intii aan ka shaqeynayey warbaahinta dowladdu leedahay, waxaa soo saarey barnaamijyo gaar ah waxaana waxqabadyada dowladda uga soo warramey si waafaqsan amarradii la i farey. Waqtigaas, ma jirin xarumo telefishan ama idaacadeed oo madax-bannaan (gaar loo leeyahay). Inteenna jecleyd warbaahinta waxaan keliya ka shaqeyn karney warbaahintii ay dowladdu gacanta ku haysay,” ayuu yiri.
Dagaal ayaa qarxay
Shaqadii uu Mudane Faarax ka hayey SNTV waxaa ay dhammaatey sanadkii 1991 markii uu dalku ku dhacay godkii dagaalkii sokeeye ee tobannaanka sano socdey. Maalmihii hore ee dagaalka, ayaa kooxo hubeysan waxaa ay jabsadeen dhismayaashii xirnaa ee dhismaha warbaahinta qaranka waxaana ay bililiqeysteen ama burburiyeen qalabkii halkaa yaalley badidiisa.
Inkasta oo ay xaaladdu sidaas ahayd, haddana Mudane Faarax waxaa uu go’aansadey in uu ku negaado Muqdisho oo uu sii wato wargleinta dadka Soomaaliyeed.
“Qaar badan oo aan annigu ka mid ahaa ayaa rajo qabey oo aaminsanaa in dalku uu dhaqso mar kale u nabdoobi doono. Waxaan rabey in aan gacan ka geysto dadaalladii nabadeed ee ay sameynayeen Soomaalida iyo beesha caalamka,” ayuu yiri suxufiga ruug-caddaaga ah.
“Inkasta oo xaaladdu ay muddaba xumayd,” hadalkiisa ayuu sii watey, “Waxaa iga go’an ilaalinta iyo xoojinta nabadda aan dhalinney. Waxaa muhiim ah in la fahmo in nabadda aan maanta haysanno ay jilicsan tahay ayna u baahan tahay in aan si joogto ah u sii wadno ballanqaadka iyo dadaallka aan ku joogteyneyno oo aan ku sii wanaajineyno.”
Iyada oo uu xirmey SNTV oo ay dowladdii dhexena meesha ka baxdey, ayaa Mudane Faarax waxaa uu aasaasey wargeys magaciisu ahaa ‘Isha’ oo qori jirey wararka dalka .
Nasiib-darro, keliya hal sano ka dib, burcad hubeysan ayaa soo galey dhismihii wargeyska oo xadey qalabkiisii daabacaadda – sidaana waxaa ay ku burburiyeen rajadii uu Mudane Faarax uu u hayey abuurista xarun warbaahin madax-bannaan oo ka soo warranta siyaasadda iyo arrimaha bulshada.
Mudane Faarax shaqo ayuu meelo kale ka doontey. Waxaa uu u shaqeeyey xarumo wareygeyso degaanka ka jirey sida Gorgor, Kulan, Qalam – kuwaas oo iyagana loo xirey raadkii ay ku yeelatey colaaddii dalka ka jirtey daraaddii – ilaa laga soo gaarey sanadkii 2005, markaas oo uu ku biirey BBC World Service Trust, oo markii dambe loo bixiyey magaca BBC Media Action sanadkii 2011. Waxaa uu ka soo warrami jirey arrimaha bulshada sida dhaqaalaha, dhaqanka, abaaraha iyo isbooritiga ilaa sanadkii 2014, laakiin waxaa uu sidoo kale dhex muquuran jirey oo uu sameyn jirey barmaaijyo noocyo kale ah.
“Waxaan qorey riwaayado sida ‘Dareemo’ iyo ‘Maalmo Dhaama Maanta’. Riwaayadahaas waxaa ay ahaayeen kuwo lagu madadaasho laakiin waxaa ay sidoo kale hiigsan jireen in ay wax ka beddelaan hab-dhaqanka dadka oo ayna dhallinyaradeena ku hami geliyaan inay ku riyoodaan mustaqbal ka fiican kan hadda,” ayaa uu yiri.
Doorar badan oo kala duwan
Xiriirka uu Mudane Faarax la leeyahay BBC waa mid ilaa hadda socda – waxaa hadda BBC Media Action u yahay khabiir qora riwaayadaha.
Hawshan waxaa weheliya kaalimo kale oo uu hadda qaato: macallin culuunta warbaahinta ka dhiga jaamacaddiisii hore, iyo Xoghayaha Guud ee ururka suxufiyiinta ee Federation of Somali Journalists (FESOJ), oo ah dalladda ugu weyn ee xirfadalayaasha warbaahinta iyo xarumaha warbaahinta ee dalka.
Si ahaan, doorarkan dhammaantoodu waa ay isla xiriiraan.
“Jaamacaddii aan ka gelinjebiyey 1984 ayaa dib iila soo xiriirtey sanadkii 2019 markaa oo madaxii Kuliyadda Culuunta Bulshada uu iigu yimid FESOJ isaga oo wata codsi ah in aan wax ka dhigo waaxda saxaafadda ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Kuliyaddan ayaa mar walba meel gaar ah ku lahayd qalbigeyga, sidaa daraaddeedna waan aqbaley codsiga,” ayuu yiri Mudane Faarax.
“Waxaan waqti-dhimmaan (part-time) ahaan ugu shaqeynayey jaamacadda,” ayaa uu yiri waxaana uu raaciyey, “waxaana fursad u heley in maaddooyinka ka-soo-warramidda colaadaha, maareynta warbaahinta, iyo mabaa’diida war-isgaarsiinta u dhigo saddexdii fasal ee u dambeeyey ee qalin jebiyey.”
Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa waaxdeeda Saxaafadda iyo Culuunta War-isgaarsiinta dib-u-furtey bishii Sebtembar 2017 iyada oo lagu bilaabey fasal ka kooban 60 arday. Saddex kooxood oo ardayda saxaafadda ah ayaa tan iyo waqtigaas qalin-jebiyey.
U qareemidda warbaahinta
Mudane Faarax ayaa muddo dheer xubin ka ahaa FESOJ, wejigii hore ee ururka oo magac kale ku shaqeynayey, waxaana sanadkii 2019 uu noqdey xoghayaha tababarrada. Sanadkii 2020, waxaa loo doortey Xoghayaha Guud ee ururka, ee mas’uulka ka ah u-qareemeynta danaha suxufiyiinta iyo warbaahinta ee Soomaaliya.
“Waxaan aaminsanahay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan nabadda iyo amniga haddii la sii wanaajiyo xirfadahooda, oo culeysyada hadda jirana wax laga qabto. Suxufiyiin mas’uul ah oo ku qalabeysan runta ayaa muhiim u ah horumarka dalka,” ayaa uu yiri Mudane Faarax.
“Intii aan hoggaanka hayey,” hadalkiisa ayuu sii watey, “FESOJ, oo ay iskaashanayaan bah-wadaagta caalamiga ah oo ay ka mid tahay Qaramada Midoobey, waxaa ay ku dhowaad 3,000 qof ku tababartey Soomaaliya – taas oo macnaheedu yahay ku dhowaad 3,000 suxufiyiin iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka isugu jira – saddexdii sano ee la soo dhaafey.”
Mudane Faarax waxaa uu qirey culeysyo mug leh oo haysta suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaana uu xusay in FESOJ ay hiigsaneyso in ay u abuurto deegaan ka wanaagsan kan hadda.
Yoolalka kale ee aan hiigsaneyso waxaa ka mid ah, FESOJ waxaa ay u halgameysaa in ay dhiirrigeliso, ilaaliso oo ayna difaacdo danaha xirfadeed, wanaagga iyo xaaladda ay ku shaqeynayaan suxufiyiinta; in ay dhiirrigeliso ayna joogteyso heerarka ugu sarreeya ee hab-dhaqanka xirfadeed iyo amaanada iyo in ay u halganto oo ayna difaacdo xorriyadda iyo madax-bannaanida warbaahinta; iyo, in ay la socoto oo ayna baarto xadgudubyada la halmaala xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqaha aadanaha ee suxifiyiinta.
Sida uu qabo ururka aan dowliga ahayn ee the Committee to Protect Journalists, 79 Suxufiyiin Soomaaliyeed ah ayaa la diley tan iyo sanadkii 1992.
Maaddaama uu muddo dheer ku soo dhex jirey warbaahinta, qaar badan oo ka mid ah dhibbanayaasha waxay ahaayeen kuwo uu garanayey Mudane Faarax.
“Min bilowgii dagaalka sokeeya ee Soomaaliya ilaa hadda, waxaan u soo joogey xadgudubyo ba’an iyo dilal loo geystey suxufiyiin Soomaaliyeed. Xaaladda ayaa anniga si gaar ah iiga nixisey sababta oo ah waxaan shakhsi ahaan u aqaanney qaar badan oo ka mid ah suxufiyiintan – fool-ka-fool ayaan u kalanney waxaana, mararka qaar, ay ahaayeen kuwo aan siiyey tababar iyo taageero. Mid kasta oo ka mid ahaa xadgudubyadaas foosha xun waxaa uu igu reebey saameyn qoto dheer oo murugo leh,” ayaa uu yiri.
Maaddaama ay qayb ahaan dhibaatadu shakhsi ahaan u taabaneysey ayaa waxa ay taasi wax ku biirisey habka uu u qabto hawshiisa u-qareemeynta ah.
“Waxaan mar walba ka fekeraa sida wax looga qabanayo dhibaatooyinka haysta suxufiyiinta Soomaaliyeed, haddii la xiro, la dhibaateeyo ama la dilio, ama marka ay raadinayaan keliya tababar si ay mas’uuliyaddoodu uga soo baxaan si waafaqsan xorriyatul-qowlka,” ayaa uu sii raaciyey. “Aasaasiyan, sida aan u abuuri karno deegaan ay suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu dhex shaqeyn karaan si ka bedqab badan oo ka taabogalsan sida hadda, kaas oo awood u siinaya in ay shaqadooda u gutaan si hufan iyaga oo aan cidna xuquuqdeeda ku xadgudbin.”
Waxaa uu aaminsan yahay in suxiyiin leh xirfado ku habboon iyo anshax ay muhiim u yihiin kobcinta saxaafad mas’uul ah oo ka hana qaadda Soomaaliya.
“Inkasta oo anniga iyo saaxiibadeyda shaqada aan si xooggan uga shaqeyneyno sii-wanaajinta xirfadaha suxufiyiinta Soomaaliyeed, haddana waxaan qireynaa in waddada loo marayo ay weli dheer tahay. Haseyeeshee, waxaan rajo wanaagsan ka leenahay xallinta dhibaatooyinka hadda jira ee la xiriira tababar la’aanta suxufiyiinta, gaar ahaan waqtigan oo ay suxufiyiiin dhallinyaro ah oo intii hore ka badan ay si joogto ah maalin kasta ugu soo biirayaan xirfadda,” ayaa uu yiri.
FESOJ waxaa hadda xubno ka ah 560 suxufi oo kala jooga guud ahaan Soomaaliya.
Sida ay sheegtey Kuliyadda Saxaafadda iyo Culuunta War-isgaarsiinta ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed (JUS), ilaa 75 dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa ka qalinjebiyey koorsooyinkeeda ilaa sanadkii 2023.
“Mudane Faarax waa laf-dhabarta kobcinta ardaydeenna, si weyn ayaana ay ugu tiirsan yihiin. Waxaa uu u yahay tusaale ay ku daydaan. Aad bey dalka ugu yar yihiin shakhsiyaad ay waayo-aragnimadoodu gaarsiisan tahay heerkiisa oo kale. Waa mid faa’iido weyn u leh oo wax badan ku biiriyey waaxda saxaafadda ee jaamacadda umadda,” ayaa uu yiri Madaxa Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Barafasoor Cabdulqaaddir Dhicisow, isaga oo hadalkiisa ku sii darey, “Aad bey u muhiim u tahay in la helo dad sida Mudane Faarax oo kale ah oo wax ku biiriya waxbarashada.”
Taageerada QM
Qaramada Midoobey waxaa ay u qareemeysaa doorka muhiimka ah ee warbaahinta, saxaafadda, helidda iyo baahinta macluumaadku ay ka ciyaaraan hubinta in la helo mustaqbal waara.
Sida ay qabto Hay’adda Qaramada Midoobey ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO), xoriyadda warbaahinta iyo helidda macluumaadka waxaa ay wax ku biiriyaan hadafka ballaaran ee horumarinta awoodsiinta dadka, awoodsiintuna waa geesi-socod siyaasadeed iyo bulsho oo geeso badan oo dadka gacan ku siiya in ay gacantooda soo gasho talada naftooda. UNESCO waxaa ay intaa raacisey oo ay xustey in tan lagu xaqiijin karo keliya iyada oo loo maro helidda macluumaad sax ah, miisaaman oo aan cid u xaglin, oo muujinaya fikir kala duwanaansho, iyo in awood loo yeesho in si firfircoon loo wargaarsiin karo cidda kaa sarreysa iyo cidda kula heerka ahba, sidaana looga qaybqaato nolosha dhabta ah ee bulshada.
Soomaaliya gudaheeda, Qaramada Midoobey waxaa ay taageertaa horumarinta warbaahinta iyada oo u mareysa hawsha kala dhexeysa ururrada warbaahinta ee kala duwan ee ka jira guud ahaan dalka. Marka la eego Hawlgalka Qaramada Midoobey ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM), taageeraas waxaa ka mid ah mid ay heleyso FESOJ.
“Warbaahintu waxaa ay kaalin muhiim ah ku dhex leedahay bulshada Soomaaliyeed iyada oo dalku dib-u-dhismayo oo uuna ku sii socdo waddada xasiloonida iyo barwaaqada, iyo in la helo ruugcaddaa waayo-arag oo la ixitraamo sida Macallin Faarax oo kale oo si karti ay ka muuqato ugu qareemeeya xirfadda isaga oo madax ka ah FESOJ, oo sidoo kalena waxbara jiilalka cusub isaga oo islamarkaana ah suxufi shaqada ku jira, ayaa wax weyn u ah saxaafadda Soomaaliya,” ayaa uu yiri Ari Gaitanis, oo ah Madaxa Kooxda War-isgaarsiinta Istiraatiijiga ah iyo Xiriirka Dadweynaha ee UNSOM Chief of the Strategic Communications and Public Affairs Group (SCPAG).
“Shakhsi ahaan haddii aan u hadlo, meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah oo aan tegey, min waqooyi ilaa koonfur, waxaa cajiib ah sida suxufi kasta oo Soomaali ah oo aan la kulmey uu u garanayo Macalin Faarax, uuna u qirayo oo uuna uga mahadcelinayo doorka uu ku leeyahay iyo waxa uu ku biiriyey horumarka warbaahinta ee dalkooda,” ayuu raaciyey. “Tani wax badan ayaa ay inaga bareysaa naftiisa iyo waxa uu la soo shir-tegayo.”
Taageerada ay UNSOM siiso FESOJ waxaa xuddun ahayd tababarro suxufiyiinta kala jooga degaannada kala duwan ee dalka laga siinayey arrimo kala duwan min xirfado gacan-ka-qabasho ah sida qorista wararka iyo ka-shaqeysiinta kaamaradda fiidiyowga lagu duubo, ilaa mowduucyada waaweyn ee war-tebinta sida geeddi-socodyada doorashooyinka, ka-qaybgalka siyaasadda ee haweenka, xoriyatul-qowlka, is-beddelka cimilada, iyo arrimo saameyn ku leh dhallinyarada, haweenka iyo kooxaha la fogeeyo.