Fariinta Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-guud ee Qaramada Midoway u qabilsan Soomaalia ee maalinta caalamiga ah ee la-dagaalanka xadgudubyada lagu sameeyo Hawenka

25 Nov 2015

Fariinta Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-guud ee Qaramada Midoway u qabilsan Soomaalia ee maalinta caalamiga ah ee la-dagaalanka xadgudubyada lagu sameeyo Hawenka

Xadgudubyada lagu sameeyo haweenka iyo gabdhaha ayaa aad u badan Soomalia, arintaas oo kadhigayso wadanka meelaha ugu xun ee ay haweeni jogto. Kufsiga joogtada aah iyo dhaqanada kale ee xunxun, sida naaga badan qabidda, gabdhaha oo ayaga oo yar la guursado, ama lagu khasbo guurka, gabdaha oo lagudo, hawenka oo la’iska-dhaxlo, ayaa si joogta aah wax ugu dhimaya dadalka lawado ee laguradinayo sinnaashaha ragga iyo hawenka. Ila iyo inta ay jiraan xadgudubyada loo geysanayo hawenka iyo gabdhaha, lama joogtenkaro nabad iyo horumar. 

Dowlada Federalka Soomlaiyeed ayaa mujisay sida aya uga go’antahay ciribtirida xadgudubyada loo gaysanayo hawenka iyo gabdaha.  (Waxaana tusaale u ah):  balanqadyo  ayey samaysay markii la saxiixayay Qorshaha Hiigsiga Cusub, waxay  dejisay shuruuc, waxay samaysayna siyasad haboon iyo jawi kudhisan  sharci. (Sidoo kale), waxay  dowladu aburtay strategiyad qoto dheer oo  lagula dagalamayo xadgudubyada loo geysanayo hawenka iyo gabdhaha. Xaqa ay u leeyihin haweenka iyo gabdhaha in ay ku nooladaan xuriyad aan xadgudub lahayn, waxay ka midtahay xuquqaha ay ladhasheen, waxeyna kuqoronhiyin Dastuurka ku-meelgaarka ee Federaalka Soomaaliyeed.

Sharciga la dagalanka galmada xooga kudhisaan, Qorsha Qaranka ee lugu ciribtirayo qalmada xooga kudisan ee kajirta meelaha ay colaada ka jirto, siyaasadda ku aadan la dagaalanka gudniinka fircooniga ah, iyo hirgelinta qorshaha gudiga la dagaalanka xad-gudubyadda lagu samaynayo haweenka ee ku qoran shurucda xuququl insaanka- ayaa dhamantood ka markhatikacaya rabitanka siyasadeed ee ay doonayso dowladu in ay dhamayso xad-qudubyadaan. Hase ahata ee, dawalada hada socda iyo shurucda ladajiyay ba kuma filna in ay wax kaqabtaan baaxada dibatada jirta. Waxaa loo bahanyahay in dhamaan bulshada Soomaliyeed gaar ahaan ubadka yaryar iyo dhalinyarada ay iskudubmaan si looga guleysto dagalkan. Meelkasto oo kamid ah Soomaliya waa in ay garta farintaan oo ah in an loo dulqadaneynin xadgudubyada (zero tolerance). 

Malintan calamiga aah, sidoo kalena ah bilowga 16 cisho oo sannadwalba loo doodi doono wax-ka qabashada xadgudubyada lagu samaynayo haweenka, sannadwalba, ayaan oogu baqaya dhamaan dowladaha- hadii ay yihin heer fadaral, iyo heer dowlad goboleedba, heyadaha kale ee an dowliga aheyn, heyadaha xuququl insanka, bulshada rayidka ah, xirfadleeyda Soomaliyeed, siyaasiyiinta, culumaa-u diinka, dhalinyarada iyo ardaydaba in ay gacmaha isu qabsadaan sidii ay u ciribtiri-lahaayeen xadguduyadan. Waxaan si gaar ah ugu baqaya dowlada in ay mamnucdo nockasta oo xadgudub ah ee lagu sameynayo haweenka iyo gabdhaha- waxaana xadgudubyadaas ka mid ah gudniinka fircowniga ah.