Ergayga Qaramada Midooby u qaabilsan Soomaaliya oo dareen ka muujiyay falaka burcad- badeed nimo ee dhowaan isa soo taraya

26 Nov 2015

Ergayga Qaramada Midooby u qaabilsan Soomaaliya oo dareen ka muujiyay falaka burcad- badeed nimo ee dhowaan isa soo taraya

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa cambaareeyay afduubka Markabka kaluumaysi ah ee lagu afduubay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya 22 Nofember 2015.

“Waxaan si aad ah u cambaaraynayaa noc kastoo afduub hubaysan ah ama burcadbadeednimo ah ee kana dhaca Badda”, ayuu caddeeyay Ergayga Gaarka ah Kay. “In kasta oo Soomaaliya ay hadda samaynayso horumar siyaasadeed oo mug-leh, Amaankeeduna uu soo wanaagsanaanayo, sidoo kalena samaynayso soo kabasho  dhaqaale, haddana waxaa I walaac gelinaya in haddii uu kordho falaka burcad badeed nimo uu dib u tirtiri karo wixii horumar ah ee la gaaray ilaa iyo hadda”.

Markab kaluumaysi oo ay leedahay Dowladda Bakistaan, watana  calanka Dowladda Iiraan, ayna saarnaayeey rakaab gaaraya 15 qof, ayey afduubteen burcad-badeed Soomaaliyeed oo joogtat  meel ka-baxsan xeebaha Soomaaliyeed oo ku aadan Gobaladda dhexe iyo Koonfurta Soomaaliya. Doonta la afduubtay ayaa lagu khasbay in ay u gooshto meel ay xukunto burcadbadeeda kuna abaaran Ceel-huur. In kastoo  afduubkan ka dhacay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya uu yahay kii seddexaad ee dhaca  bilihii oogu dambeeyay, hadana, waxaa jiray isku day afduubyo farabadan oo dhicisoobay  labadii  usbuuc ee la soo dhaafay.  

Burcadbadeednimada waa layareeyay seddexdii sanno ee oogu dambaysay, waxaana oogu wacnaa dadaalka ay sameeyeen maraakiibta ciidamadda badda ee ka socday caalamka, ilaalada hubaysan ee saaran maraakiibta ganacsiga, iyo badmareenada oo ka dhowrsanayay meela badda ah ee ay khatarteedu sarreyso kana tirsan xeebaaha Soomaaliya.

“Maadaama uu ka jiro xeebaha/ ama marin biyoodyadda Soomaaliya kaluumaysi sharcidarro ah ee an la soo sheegin, amba aan habaysanayn, waxaan si aad ah ooga cabsanayaa in ay burcad- badeed nimadda markale ku soo xoogaysato Soomaaliya. Aniga oo cambaaraynayo dhamman faldembiyeedyadan oo dhan, hadana waxaan oogu baaqayaa dhamman  maraakiibta kaluumaysata in ay u hogaansanaadaan  sharciga kaluumaysiga Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Si dookalena, waa in ay si buuxda u ixtiraamaan Aaga Ganacsiga (EEZka) Soomaaliyeed.”, ayuu yiri  Ergaygga Gaarka ah, Kay.