Farriinta Ciidul Adxaha ee Wakiilka Gaarka ah ee QM James Swan

11 Aug 2019

Farriinta Ciidul Adxaha ee Wakiilka Gaarka ah ee QM James Swan

Muqdisho – Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hanbalyeeyey munaasabadda Ciidul-Adxaha.

‘’Soomaalidu waxa ay dhammaan u dabbaaldagayaan munaasanaddan gaarka ah ee Ciidul-Adxa, waana wakhti gacan iyo caawimaad la siiyo dadka tabaaleysan,’’ ayuu yiri mudane Swan. “Farxadda ayaan la wadaagayaa aniga oo ku hadlaya magaca dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Waxaan idiin rajeynayaa dhammaantiin Ciid Mubaarak! Barakada Ciidda darteed Soomaaliya ha u noqoto mid nabad iyo gacaltooyo u horseedda. Ciid Wanaagsan!"