Wakiilo Heer-sare ah oo ka kala socday Modowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD iyo QM oo la kulmay daneeyayaasha geedi-socodka doorashada Jubaland

16 Aug 2019

Wakiilo Heer-sare ah oo ka kala socday Modowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD iyo QM oo la kulmay daneeyayaasha geedi-socodka doorashada Jubaland

 
Muqdishu – Wakiilo sare oo ka kala socday Midowga Afrika (AU), Urur-Gobaleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay (QM) ayaa maanta socdaal ku tegay Kismaayo si ay ula kulmaan dadka ku hawlan geedi-socodka doorasho ee ka socda Jubaland, ee filayo in lagusoo gunaanado dooraho uu Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka ku dooran doono Madaxweynaha Dowlad Goboleedka.
 
Wafdigu wuxuu kulamo is-dabajoog ah la yeeshay madaxda sare ee dawladda iyo daneeyeyaal muhiim ah, oo ay ku jiraan Madaxweyne Axmed Maxamed Islam, Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland (GMBXD), qaar kamid ah musharaxiinta madaxtinimo, odayaal dhaqameedyo iyo xubno ka socday ururada bulshada ee haweenka.
 
Weftigu wuxuu ka mahad celiyay sida dhamaan dadka hawshu khusayso ay ugu diyaarsanyihiin wada-shaqayn, waxayna si taxaddar leh u dhageysteen aragtiyada ka duwan kuwooda ee la xiriirta geedi-socodka doorashada. 
 
Iyagoo garwaaqsan in geedi-socodku noqdo mid si weyn loogu tartamo, ayaa wafdigu waxay walaac ka muujiyeen in xaaladdan, haddii aan la xallin, ay saameyn xasilooni darri leh ku yeelan karto Jubaland, xilli ay aad muhiim u tahay in la ilaaliyo midnimada iyo xasiloonida.
 
Wakiilada ka kala socday Midowga Afrika, IGAD iyo QM ayaa mar kale ku celiyay baahida loo qabo in la helo geedi-socod mid ah oo la isku raacsanyahay, sida uu qabo Dastuurka Jubaland, waafaqsanna Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah. 
 
Waxay carrabka ku adkeeyeen in lasii hagaajiyo geedi-socodka uu hadda hormuudka u yahay GMBXD si loo xaqiijiyo in uu noqdo mid la isku hallayn karo, loo wada-dhanyahay oo Jubaland gudeheeda ka kasban karo wada-ogol. Waxay ku boorriyeen dhamaan dhinacyada inay ka fogaadaan fal kasta oo keeni kara rabshad iyo cabsi-gelin. Waxay sidoo kale ku boorriyeen dhammaan dadka ay hawshu khusayso in ay khilaafaadkooda ku xalliyaan wadahadal, si loo kasbado kalsoonida shacabka iyadoo la raadinayo geedi-socod loo aqbalo in uu noqdo mid lagu kalsoonaan karo oo cadaalad ah.
 
Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD iyo QM way sii wadi doonaan in dadka muhiimka ah ee danta Jubaland ay khusayso kalasii shaqeeyaan hawlahan muhiimadda leh.