Farriinta Xoghayaha Guud António Guterres ee Maalinta Qaramada Midoobay 2023

24 Oct 2023

Farriinta Xoghayaha Guud António Guterres ee Maalinta Qaramada Midoobay 2023

Qaramada Midoobay waxay ka tarjumaysaa adduunka sida uu yahay - waana yididiilo uu adduunku leeyahay ee aynu ognahay inay dhici karto.  

Waa mas'uuliyadda naga saaran inaan gacan ka geysanno dhisidda adduunkaas nabadda, horumarka waara iyo xuquuqda aadanaha ee dadkoo dhan. 

Waan ogahay inaan sameyn karno. Axdiga Qaramada Midoobay - oo dhaqangalay 78 sanno ka hor maanta – ayaa tilmaamaya waddada.

Waxaa intaa dheer, waxay salka ku haysaa niyad adag oo go'aan leh ee lagu bogsiinayo kala qaybsanaanta, lagu hagaajinayo xiriirrada, laguna dhisayo nabadda. 

Si loo ballaariyo fursadaha, oo aan cidna looga tagin.  

Si loo xaqiijiyo caddaaladda, sinnaanta iyo awoodsiinta haweenka iyo gabdhaha. 

Si gargaar naf-badbaadin ah loo siiyo kuwa u baahan. 

Iyo in la muujiyo dabacsanaan ku filan si wax looga qabto caqabadaha aan xitaa jirin markii ay Qaramada Midoobay dhalatay – laga billaabo xasaradda jiritaanka cimilada ilaa khataraha iyo mustaqbalka garaadka macmalka ah.  

Qaramada Midoobay waxaa haga qiyam iyo mabaadi’ aan waqti lahayn, laakiin waa inaan waligeed waqti lagu xaddidin. Taasi waa sababta ay waajib u tahay inaan had iyo jeer u sii wadno xoojinta hababka shaqada oo aan muraayadda qarniga 21aad u adeegsanno wax kasta oo aan sameyno.

Maalintan xuska Qaramada Midoobay, aan u heellanaanno rajo iyo go'aan aan ku dhisno adduunka sidan ka wanaagsan ee yididiiladeena. 

Aynu u heellanaanno mustaqbal u qalma magaca ururkeenna aan laga maarmi karin.  

Waxaan nahay adduun kala qaybsan. Waxaan noqon karnaa, waana inaan noqonnaa qaramo midoobay.