Cabdiraxmaan Yuusuf Xasan: Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo laga dhigo kuwo la jaanqaadi kara culeysyada iyo agabyada loo adeegsado saxaafadda casriga ah

14 Oct 2023

Cabdiraxmaan Yuusuf Xasan: Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo laga dhigo kuwo la jaanqaadi kara culeysyada iyo agabyada loo adeegsado saxaafadda casriga ah

Muqdisho – Saxaafad firfircoon oo ay ka shaqeeyaan suxufiyiin si wanaagsan ugu tababaran culuunta iyo farsamada war-soo-ururinta ayaa si ballaaran loo aaminsan yahay in ay muhiim u tahay koboca iyo horumarka dal.

Marka dhinacaa laga eego, waaxda saxaafadda wararka ee Soomaaliya ayaa horumar wanaagsan ku tallaabsatey tan iyo dhammaadkii colaaddii socotey tobanka sano ee 1990-yadii iyo dhisiddii Dowladdii Qaran ee Ku-meelgaarka ahayd ee sanadkii 2000. Waxaa korodhey tirada, kala-duwanaanta, iyo xirfadlenimada saxaafadda inkasta oo ay jireen culeysyo la xiriirey amniga, cadaadis-siyaasadeed, iyo xaddidnaanta kheyraadka ay haystato.

Laakiin marka laga eego dhinaca xirfadlayaasha saxaafadda, wax dhammaanaya ma aha kobcinta xirfadahooda la xiriira war-soo-tebinta, tifaftiridda iyo maareynta xafiisyada wararka, iyo sidoo kale kobcinta xirfadaha la xiriira farsamada digital-ka ah ee lagu isticmaalo noocyada cusub ee warbaahinta iyo hubinta bedqabka amni ee digital-ka ah ee saaxada warbaahinta ee is-beddelka joogtada ah sameyneysa.

Taasina waa arrin uu Cabdiraxmaan Yuusuf Xasan ‘Bukhaari’ uu gacan ka siinayey suxufiyiinta Soomaaliyeed sidii ay uga baahi-bixi lahaayeen.

Mudane Cabdiraxmaan sidoo kale waa asaasaasaha akadeemiyada faa’iido-doonka aan ahayn ee the Somali Digital Media Academy (SODMA), oo hadafkeedu yahay in ay soo saarto kaadiriin warbaahineed oo leh xirfadaha aasaasiga ah ee ugu dambeeyey ee digital-ka iyo tiknolojiyada ugu dambeysa ee saameynta ku leh saxaafadda caalamka.

Safarku wuu dheeraa

Safarka dheer ee mudane Cabdiraxmaan uu soo galey si uu u noqdo qof bara saxaafadda goor hore ayuu bilowdey, taasna waxaa gacan ka siiyey xirfadaha uu u leeyahay luuqadaha, gaar ahaan luuqadda Carabiga.

“Safarkeyga waxaa saameyn ku lahaa dagaalkii sokeeye ee xoogganaa ee dhacay 1991,” ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan. “Waxaan goobjoog u soo ahaa adkeysigii joogtada ahaa ee ay muujiyeen dadka Soomaaliyeed, taasi ayaana igu dhiirrigelisey in aan ka-faa’iideysto jacaylkii aan u qabey warbaahinta iyo saxaafadda si aan wax uga beddelo dalkeyga.”

Macallinkan warbaahinta bara waxaa uu 1981 ku dhashey magaalada Belet Weyne, ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ee Soomaaliya. Qoyskiisa ayaa u soo guurey caasimadda dalka ee Muqdisho 1994 isaga oo markaa jirey 13 sano maaddaama ay dareemeen in aaney fursado waxbarasho oo wanaagsan aaney ka jirin halkii uu ku noolaa.

Markii uu yimid caasimadda waxaa uu galey Dugsiga Hoose/Dhexe ee Al-Nahdah Primary School min 1994tii ilaa 1998dii. Ka dibna, waxaa uu waxbarashada dugsiga sare ku dhammeeyey Dugsiga Sare ee Usama Bin Zeid sanadkii 2004tii, isaga oo si adag u go’aansadey in uu barto uuna ka shaqeeyo warbaahinta. 

Waqti badan kuma qaadan. Hibadii uu u lahaa luuqadda Carabiga ayaa gacan ka siisey in uu helo shaqo la xiriirta tarjumidda iyo qorista wararka. Shaqadaasi waxaa ka mid ahaa waqtiyo gaagaaban oo uu soo-saare ahaan ugu shaqeeyey Telefishanka Somali Television Network, ama STNT, isaga oo jooga caasimadda Soomaaliya, min 2001 ilaa 2002, iyo Raadiye Muqdisho sanadkii 2003dii.

Sanadkii 2006dii, haddana isaga oo ka faa’iideysanaya xirfadihii luuqadda Carabiga, waxaa uu bilaabey in uu la xiriiro warbaahintii caalamiga ahayd ee aan xafiisyo joogto ah ku lahayn Soomaaliya. Tani waxaa ugu dambeyntii ay u keentey in uu noqdo wariye uga soo warrama laba kanaal wareed oo caan ahaa oo Carabiga ku baxa, oo kala ahaa Al Carabiya iyo Al Xadath.

Ka dib markii uu dhammeeyey dugsiga sare, Mudane Cabdiraxmaan waxaa uu iska qorey kambaska Muqdisho ee Jaamacadda the University of Science and Technology, Yaman. Waxaa uu shahaaddada koowaad ee jaamacadda ku qaatey Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha sanadkii 2007dii. Waxaa uu Shahaaddada Koowaad ee Bachelor of Arts ee Culuunta Luuqadda Carabiga ka qaatey isla jaamacaddaas sanadkii 2016dii.

Aasaasidda Akadeemiyada SODMA

Sanadihii uu ka shaqeynayey waaxda warbaahinta ee Soomaaliya, ayaa Mudane Cabdiraxmaan waxaa uu arkey in saaxiibbo badan oo ay isla shaqeeyaan uu hooseeyey heerkooda xirfadeed taas oo ay sabab u ahayd jiritaan la’aanta fursado waxbarasho iyo tababar. Tani waxay ku dhalisey in uu abuuro SODMA sanadkii 2017kii.

Mase fududeyn.

“SODMA waxaan ku bilaabey maaliyad jeebkeyga ah iyo xoogaa taageero dhaqaale ah oo aan ka heley saaxiibadey,” ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan. “Markii ay akadeemiyadu shaqo bilowdey, qaar ka mid ah ardaydii qoysaskoodu ladnaayeen ayaa bixinayey lacag ujuuro ah oo ay ku kaabayeen shaqadeeda. Waxaan sidoo kale lahayn tababarayaal mudatawacnimo ku shaqeynayey kuwaas oo aqoontooda iyo xirfadahooda la wadaagayey ardayda ka dhashey qoysaska saboolka ah iyo shakhsiyaadka naafada ah ee bulshada ka tirsan.

Hawsha aasaasiga ah ee SODMA waa in ay abuurto xarun takhasuskeedu uu yahay bixinta tababarrada tiknolojiyada iyo warbaahinta digital-ka ah. Waqtigan waxa ay bixisaa koorsooyin gaagaaban oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin graphic design, tifaftiridda fiidiyowyada (video editing), duubista fiidiyowyada (videography), sawirrada dhaqdhaqaaqa (motion graphics), suuqgeynta digital-ka ah iyo war-isgaarsiinta macluumaadka.

Si la mid ah sida hal-abuuraheeda, ayaa SODMA waxay ay gaartey meel fog tan iyo markii la aasaasey. Akadeemiyada ayaa shaqadeeda ku bilowdey shan tababare oo mutadawaciin ah. Waqtigan, waxaa ay leedahay 20 shaqaale ah oo ka shaqeeya maamulkeeda ama waxbaridda, iyo arday ku dhow 3,000 – oo isugu jira kuwo hadda ku haminaya in ay noqdaan suxufiyiin iyo suxufiyiin gaamureyba – kuwaas oo ku kala duwan taariikh-nololeedka oo kana soo kala jeeda degaanno kala duwan oo ka kala tirsan guud ahaan Soomaaliya.

Si la mid ah taariikhda Mudane Cabdiraxmaan, koorsooyinka waxaa mar walba ka mid ah qayb caalami ah. Horey waxaa SODMA ay Mac-hadka Al-Jazeera Media Institute kula heshiisey in uu macallimiinteeda siiyo tababarro la xiriira graphic design iyo tifaftiridda fiidiyowyada (video editing), iyo sidoo kale in uu suxufiyiinta Soomaaliyeed ku tababaro tifaftiridda wararka, saxaafadda loo adeegsado qalabka la sii qaadan karo (mobile journalism), iyo sheekooyinka loogu talogaley saaxadaha digital­-ka ah.  

Mudane Cabdiraxmaan ayaa sheegey in yoolka akadeemiyaddu uu yahay in dhallinyarada Soomaaliyeed laga dhiso kartida ay ugu baahan yihiin in ay ku kobcaan caalamka digital-ka ah ee mar walba is-beddelaya.

“Dal ay qiyaastii 70 boqolkiiba dhallinyaradiisu ay haysato shaqo-la’aan, ayaa SODMA waxaa ay wax ka qabaneysaa farsamooyinka ka dhiman saxaafadda Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin dhinacyada filim-qaadista, anshaxa warbahaahinta, tifaftiridda, iyo nakh-shadeynta casriga ah (modern design),” ayuu hadalkiisa sii raaciyey, “Habkan ayaa ka shidaal-qaadanaya is-beddelka degdegga ah ee caalami ahaan ku dhacaya culuuntan.”

Ka-qaybgelinta haweenka

Habka SODMA ay wax u waddo waxaa udub-dhexaad u ah in haweenka ay si buuxda qayb uga ahaadaan, gaar ahaan maaddaama suxufiyiinta haweenka ah ay gacan ka geysan karaan far-ku-godidda fikirka khaldan ee la iska aaminsan yahay oo ayna fikirro cusub ku soo kordhin karaan waxyaabaha ay warbaahintu ka hadasho.

SODMA ayaa tababar aaney lacag ku qaadan u qabatey koox haween dhallinyaro ah oo abuurey sharikad soo saarta filimada, oo magaceedu yahay Bidhaan Production. Waxaa ay sharikaddaasi magac ku yeelatey waaxda ganacsiga iyada oo fiidiyowyo u sameysey aroosyada iyo xafladaha kale ee gaarka ah ee ka dhaca Muqdisho.

Khadro Axmed Biid ayaa tusaale u ah raadka wanaagsan ee uu reebey tababarka SODMA. Sanadkii 2018dii, ayaa waxaa ay dhammeysey koorso lix bilood ahayd oo ku saabsaneyd soo-saarista filimada iyo fiidiyowyada. Iyada oo wadata aqoontii ay ka baratey tababarka, ayaa waxaa ay shaqo ka heshey Warbaahinta Bile Media, oo ah hay’ad warbaahineed oo madax-bannaan oo Muqdisho ka jirta oo bixisa adeegyo TV digital ah. Markii hore waxaa lagu qaatey sawir/fidiyow-qaade iyo tifaftire, waxaa markaa ka dib loo dalacsiiyey agaasimaha  kanaalka carrruurta ee warbaahinta Bile Media.

“Si weyn ayaan uga mahadcelinayaa fursadda ay SODMA i siisey,” ayaa ay tiri Khadro. “Wax kharash ah iigama bixin koorsada, waxaana ay ii saamaxdey in aan shaqo wanaagsan kaga helo saxaafadda. Waxaan rajeynayaa in aan mustaqbalka dhow arki doono gabdho kale oo ku soo biirey shaqada noocan ah, taas oo caddeyn u noqota in shaqooyinka la xiriira kaamaradda aaney gaar u ahayn ragga oo keliya.”

“Si aad u weyn ayaad ugu farxaysaa marka aad aragto qof aad soo tababartey oo casharradii uu soo bartey adeegsanaya oo kuna faraxsan shaqadiisa,” ayaa uu Mudana Cabdiraxmaan ka yiri ardayda iyo tababartayaasha. “Farxad aad u weyn ayaan ka helaa markaan arko in camal-la’aantii haysey ay ka baxeen oo ay shaqo heleen. Shucuurtaada ayaa kor u kacaysa marka ay qaarkood kuu sheegaan in ay hadda kaalmeeyaan waalidiintooda oo waayeel ah ama agoon qaraabo la ah.”

QM iyo waxbarashada

Iyada oo warbaahinta wararka ay noqotey tan ilaalisa danaha dadweynaha iyo iyada oo ku dhowaad 60 boqolkiiba dadweynaha dunida ku nool ay isticmaalaan Internet-ka, ayaa Qaramada Midoobey – gaar ahaan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) waxaa ay u qareemeyneysaa in la kordhiyo tababarrada la xiriira warbaahinta iyo macluumaadka.

“Waa wax ku farxad gelinaya marka aad aragto in hay’adaha sida SODMA oo kale ah ay dhismayaan oo ayna qaadanayaan door firfircoon. Aqoonta warbaahinta iyo macluumaadka waxaa ay dadka awood u siisaa in ay si qoto-dheer uga fekeraan macluumaadka iyo adeegsiga agabyada digital-ka ah,” ayaa uu yiri Madaxa Miiska UNESCO ee Soomaaliya, Mark Wall.

“Waxaa ay tani dadka gacan ka siineysaa sidii ay si ogaal ku dhisan ugu kala dooran lahaayeen sida ay uga qaybqaadanayaan nabad-dhisidda, sinnaanta, iyo xoriyatul-qowlka, wada-hadalka, helidda macluumaadka, iyo horumarka waara,” ayaa uu intaa raaciyey. “Marka dhinacan laga eego, tababar dheeri ah oo suxufiyiinta soomaaliyeed la siiyo ayaa wax wanaagsan ku soo kordhin kara horumarka Soomaaliya. Hawsha Mudane Cabdiraxmaan waxaa ay tusaale u tahay in dadaal uu hal shakhsi bixiyo uu bulshada u keeni karo is-beddel wanaagsan oo joogto ah.”

UNESCO ayaa taageerta oo hormuud u ah dadaallada la xiriira aqoonta warbaahinta iyo macluumaadka ee guud ahaan dunida. Soomaaliya gudaheeda, hay’addan QM waxaa ay dowladda Soomaaliya ka taageertaa dejinta iyo hirgelinta siyaasad iyo istiraatiijiyado loogu talogaley waaxda waxbarashada.