Farriinta Xoghayaha Guud ee ku socota dhammaan shaqaala Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

18 Oct 2017

Farriinta Xoghayaha Guud ee ku socota dhammaan shaqaala Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

“Waxaan rabaa inaan idinla wadaago dareenkayga qotada dheer iyo inaan idin garab taaganahay idinka iyo qoysaskiina inagoo u baroordiiqayna geeridii naxdinta lahayd  ee uu sababy weerarradii Sabtidii ka dhacay magalaada Muqdishu. Waan qiyaasi karaa xanuunka iyo dhibka aad dareenteen. Waxaan jecelahay inaan dhammaantiina dib idiinku xaqiijiyo in aan muhiimadda ugu sarreysa siinayo badqabkiina, waxaana ka codsaday qaar ka mid ah saraakiishayda sarsare ee ku sugan Xarunta QM iyo xafiisyada kale in aanay waxba ula hadhin sidii ay taageero haboon u bixin lahaayeen marxaladan adag.

Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan murugada la wadaagno qoyska Marwo Faiza Maxamed Sheekh Maxamuud, oo ku geeriyootay weerarka, taasoo ah arrin naxdin leh. Lixdii sanno ee la soo dhaafay, Faiza waxay ahayd  tiir ka mid ah Xafiiska UNDP ee Soomaaliya. Xilalkii kala duwanaa ee ay soo qabatay, oo uu ka midyahay kii ugu dambeeyay oo ahaa Kaaliyaha Gaarka ah ee Agaasimaha Dalka ee UNDP Soomaaliya, Faiza waxay ugu soo adeegtay Qaramada Midoobay iyo dadka Soomaaliyeedba si xirfad-yaqaanimo ah iyo naxariis. Waxay ifka uga tagtay afar carruur ah.

Weerarradii Sabtida waxay ahaayeen kuwo aan baaxaddooda horey loo arag. Jawaabta aad ka bixiseen dembigan waxashnimada ah wuxuu ahaa mid aad dadka u dhaqaajiya. Waxaan dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ku ammaanayaa sida ay u caawiyeen gurmadka degdegga ah iyo kaalmada caafimaad ee Dowladda Federaalka, oo ay ku jirto dhiig bixinta ka socta xerada Qaramada Midoobay ee Muqdisho. Aniga waxaan ku qancay heerka abaabulka iyo garab istaagga ay muujiyeen dadka Muqdisho iyo beesha caalamka weerarradii ka dib. Idinkoo ka fog warbaahinta, inta badana ka fog dadka aad jeceshihiin, waxaad sii wadaan shaqadiina aydan ka daalin ee nabadda xitaa markaad wajahaysaan duruufaha ugu adag.

Salaan kal iyo lab ah iyo qaddarin shakhsi ah."

Antonio Guterres