Filim-Sameeye Reer Muqdisho Ah Oo Ku Guuleystey Tartankii Ugu Horreeyey Soomaaliya Ee Filimada Gaagaaban Oo Ku Saabsanaa Xuquuqaha Aadanaha

7 Dec 2023

Filim-Sameeye Reer Muqdisho Ah Oo Ku Guuleystey Tartankii Ugu Horreeyey Soomaaliya Ee Filimada Gaagaaban Oo Ku Saabsanaa Xuquuqaha Aadanaha

Muqdisho –  Awoodda ay filimadu u leeyihiin in ay sheegaan sheekooyinka la xiriira xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ayaa damaashaadkiisu gaarey figtii ugu sarreysey ka dib markii maanta la qabtey tartankii ugu horreeyey ee filimada ay xuddunta u ahayd xuquuqda aadanaha oo taageero ka heley Qaramada Midoobey.   

“Fanka maqal-muuqaalku waa hab awood leh oo xuquuqaha aadanaha looga dhigi karo kuwo la halmaala nolol-maalmeedka dhammaan Soomaalida. Fanka ayaa sidoo kale dardargelin kara wada-hadal, isaga oo xoojinaya in si gundheer loo fahmo loona adeegsado mabaa’diida ku qoran baaqa UDHR [Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqaha Aadanaha],” ayaa ay tiri Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

Sarkaalka sare ee QM oo ka hadleysey munaasabad lagu bixinayey abaalmarinta Tartanka Filimada Gaagaaban ee Xuquuqaha Aadanaha ee Soomaaliya, taas oo ay soo qabanqaabiyeen Tiyaatarka Qaranka ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, oo ay iskaashanayaan Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha iyo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, kaas oo loogu dabaal-degayey sanadguurada 75aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqaha Aadanaha / the Universal Declaration of Human Rights (UDHR).     

Dabaadegga ayaa ka dhacay dhismaha Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho, iyada oo filimada shan farshaxan oo ku takhasusey muuqaalka oo soo gaarey heerka kama-dambeysta ahaa ee tartanka ay ku daawadeen 50 qof, oo ka koobnaa saraakiil dowladeed, farshaxanno, suxufiyiin iyo dad filimada aad xiiseeya.    

“Dhacdadan looguma-dabaaldegayo keliya qiyamka aan wadaagno laakiin waxaa sidoo kale ay keeneysaa in aan si wadajir ah u sawirranno mustaqbal ay sharafta iyo caddaaladdu ay yihiin xuquuqo aan kala hari karin oo ay tahay in uu qof walba helo,” Wasiir-ku-xigeenka haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul-insaanka, Abdixakiim Jimcaale Aadan, ayaa sidaa yiri.    

Tartanka ayaa bixiyey madal ay filim-sameeeyaasha Soomaaliyeed ku soo bandhigaan mowhibadooda iyaga oo islamarkaana wax ka qabanaya arrimaha xuquuqaha aadanaha ee Soomaaliya iyaga oo adeegsanaya awoodda sheeko-sheegista iyo lana adeegsanayo filim.   

Filimka kaalinta koowaad ku guuleystey waxaa uu magaciisu ahaa ‘Kiin’ – oo ah magac loo bixiyo gabdhaha Soomaaliyeed – waxaana agaasimey filim-soo-saaraha la yiraahdo Axmed Aweys Xassan.   

“Waxaan doortey in aan soo saaro filimo taabanaha mowduuca xuquuqaha aadanaha, sababta oo ah waa sida keliya ee loogu hadli karo dadka aan naftooda u hadli karin – tan ayaa ah sida keliya ee ay ku heli karaan cid u hadasha,” ayaa uu yiri Mudane Axmed ka dib markii la guddoonsiiyey abaal-marintiisa.   

Filimkiisa gaaban waxaa qorey Ibtisaam Yaxye. Waxaa ay ka hadashey muhiimadda ay leedahay in la kiciyo dareenka daawadayaasha si looga dhigo kuwo doonaya in ay tallaabo qaadaan oo ay u istaagaan xuquuqaha aadanaha. 

“Waxaan aaminsanahay in filimkeenna uu dad badan dareenkooda kiciyey, tani ayaana ah sida ugu wanaagsan ee lagu dareensiin karo caddaalad-darrada ka dhacaysa dunida. Mar walba waxaa wanaagsan in la tuso oo ay arkaan halkii wax un afka looga sheegi lahaa, si ay u dareemaan oo ay markaa tallaabo u qaadi karaan,” ayaa ay tiri Ibtisaam.   

Kaalinta labaad ee tartanka waxaa galey Cabdisamad Xassan Cumar, oo loo yaqaanno ‘Biriye,’ oo filimkiisa gaaban ee sawirrada dhaqdhaqaaqa ah oo uu magaciisu ahaa “Weli waxaan leeyahay rajo’.   

"Filimkeygu waxaa uu diiradda saarayaa hal dhinac oo ka mid ah caddaalad-darrada ka dhex jirta bulshada, kaas oo ah shaqaaleynta. Waxaan rabey in aan muujiyo in mararka qaar dadka loogu kala eexdo cidda ay ku xiran yihiin, taas oo ah mid aan sax ahayn. Waxaan rabey in aan soo bandhigo fikirka ah in loo baahan yahay in dadka oo dhan ay sinnaadaan,” ayaa uu yiri Mudane Cabsiamad, oo maalintiina ah xisaabiye, habeenkiinna ah filim-sameeye.    

"Aad bey u adag tahay in la arko xadgudubyada xuquuqaha aadanaha isla waqtiga ay dhacayaan. Caddaalad-darradan taariikh iyo xaalado badan ayaa ay leedahay, waxaana ay ila noqotey in filim uu yahay habka ugu wanaagsan ee lagu soo bandhigi karo xaaladda caddaalad-darradan kala duwan” ayaa uu yiri Mudane Shariif, oo galey kaalinta saddexaad, mar uu ka hadlayey filimkiisa. 

Labada filim-sameeye ee kale ee soo gaarey kaalinta kama-dambeynta ah waxaa ay kala ahaayeen Zahra Cabdi Xaaji Maxamed, agaasiamaha ‘Ka Tallaabidda Caqabadaha’, iyo Shaakir Maxamed Cabdullaahi oo kaga qaybgaley filimkiisa gaaban ee sawirrada dhaqdhaaqa ah oo uu magaciisu ahaa ‘Danyar’.    

“Filimada gaabgaaban ee soo bandhigaya dhaqanka Soomaaliya waxaa ay caddeyn u yihiin sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay horumariso ayna ilaaliso xuquuqaha muwaadiniinteedu ay u leeyihiin in ay ku madadaashaan dhaqankooda soo-jireenka ah ayna si xor ah u soo bandhigaan fikirkooda,” ayaa ay tiri Ms. Gbeho.  

Tartanka Filimada Gaagaaban ee Xuquuqaha Aadanaha oo mowduuca ay ka hadlayeen ahaa “Sharaf, Xoriyad iyo Caddaalada La Wada Helo,” ayaa qayb ka ahaa olole caalami ah oo lagu xusayey 75 sano-guurada baaqa UDHR waxaana kor loogu qaadayey wacyiga dadka ee xuquuqaha aadanaha.

Baaqa Caalamiga ah   

Baaqa UDHR waxaa uu Golaha Guud ee Qaramada Midoobey uu ansaxiyey 10kii Disembar 1948. Waxaa ay ahayd markii ugu horreysey ee ay dalalku si ballaaran ugu heshiiyaan xuquuqaha aadanaha ee aan cidna la duudsiin karin ee ay tahay in uu helo qof kasta oo aadane ah, iyada oo aan loo eegin sinji, midab, diin, jinsi, luuqad, fikir siyaasadeed ama fikir kale, asal ahaan dalka ama bulshada uu ka soo jeedo, hantida, dhalashada ama xaalad kale.  

Waxqabadyo kala duwan ayaa lagu qabtey guud ahaan dunida kuwaas oo lagu xusayey sanad-guurada 75aad ee baaqa UDHR. Soomaaliyana, marka laga soot ago tartanka filimada gaagaaban, wada-tashiyo iyo munaaqshooyin ku saabsan doorka xuquuqaha aadanaha ayaa lagu qabtey heer federaal iyo heer goboleed, waxaana tartan suugaaneed lagu qabtey Muqdisho.    

Dastuurka federaalka ee Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, oo la ansaxiyey 2012kii, ayaa dhiirrigelinaya xuquuqaha aadanaha oo aqoonsanayana in dhammaan muwaadiniintu ay leeyihiin xuquuqo isku mid ah. Intaa waxaa dheer, dastuurrada ay qaateen qaar ka mid ah Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah faderaalka ayaa waxaa ku jira cutubyo iyo qodobbo ilaalinaya xuquuqaha aadanaha.