Xuska Munaasabadda Maalinta Caalamka ee la Dagaallanka Musuq-maasuqa, QM waxay ku baaqaysaa dadaal weyn lagu bixiyo la dagaallanka Musuq-maasuqa iyo in la kordhiyo ka qayb qaadashada haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed

9 Dec 2023

Xuska Munaasabadda Maalinta Caalamka ee la Dagaallanka Musuq-maasuqa, QM waxay ku baaqaysaa dadaal weyn lagu bixiyo la dagaallanka Musuq-maasuqa iyo in la kordhiyo ka qayb qaadashada haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed

Muqdisho – Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee la Dagaalanka Musuq-maasuqa, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya maanta ku baaqday in dadaal dheeri ah lagu bixiyo ka hortagga iyo la dagaallanka musuq maasuqa, waxaana ay muujisay doorka gaarka ah ee haweenka iyo dhalinyarada ay tahay inay ka qaataan.

“Musuqmaasuqu wuxuu saameeyaa nolol maalmeedka Soomaalida, waxaana muhiim ah in hadda diiradda la saaro in ballanqaadyada Soomaaliya ay sameysay loo tarjumo sharciyo si hufan oo waxtar leh loo fuliyo iyo in lala xisaabtamo kuwa jabiya, si loo muujiyo go’aannada looga hortagayo khatartan. Marka dhankan la eego, ka go’naanta dowladda ee la caddeeyay inay hagaajinayso dhaqamada hufnaanta waa tallaabo wanaagsan,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

“Iyadoo in ka badan kala bar dadka Soomaaliyeed ay ka kooban yihiin carruur da’yar iyo dhallinyaro, iyo iyadoo haweenka iyo gabdhaha ay si gaar ah u saameeyeen faquuqa iyo gacan-bidixaynta, waxaa lama huraan ah in la awoodssiiyo haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed si ay u noqdaan wakiillo isbedel doon ah si loogu dadaalo in laga baxo musuqmaasuqa soo noqnoqday,” ayaa raacisay Mw. Laing.

Sannadkii 2021, Soomaaliya waxay ansaxisay Axdiga Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah Musuqmaasuqa, oo ah heshiiska la dagaallanka musuqmaasuqa keliya ee caalamiga ah ee sharciga ah ee ka jira dunida, waxayna samaysay ballanqaadyo iyadoo ah Dowlad ka qaybqaadanaysa Hannaanka Dibueegista Hirgelinta Heshiiska. Ballanqaadyadan waxay hadda u baahan yihiin in loo tarjumo waxqabad la taaban karo si hanaanka sharci iyo hay'adaha Soomaaliya loo waafajiyo halbeegyada caalamiga ah ee uu Axdigu u dejiyay ka hortagga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa. 

Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya ku dhistay Guddi Hawleed La-dagaalanka Musuqmaasuqa si ay isugu dubbaridaan una kobciyaan dadaallada wadajirka ah, iyadoo diiradda la saarayo kor u qaadista awoodaha iyo ballan-qaadyada jira ee dhanka Soomaaliyeed. Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale horumarinaysa mashruuc ballaadhan oo sannado badan socon doona si ay taageero farsamo u siiso wasaaradaha kala duwan ee dowladda.

Golaha Loo Dhan Yahay ee Qaramada Midoobay ayaa 9-ka bisha Diseembar u asteeyay in ay noqoto Maalinta Caalamiga ah ee La Dagaalanka Musuqmaasuqa sanadkii 2003-dii si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan musuqmaasuqa iyo doorka Axdigu ku leeyahay in lala dagaallamo lagana hortago.