Gabagabada booqasho laba maalmood ah ayuu Madaxa QM dib ugu xaqiijiyay taageerada hay’adda caalamiga ah ee horumarka iyo horumarinta Soomaaliya

12 Apr 2023

Gabagabada booqasho laba maalmood ah ayuu Madaxa QM dib ugu xaqiijiyay taageerada hay’adda caalamiga ah ee horumarka iyo horumarinta Soomaaliya

Muqdisho – Gabagabada booqashadiisii garab-istaagga ee aan la sii shaacin ee uu ku yimid Soomaaliya, ayuu madaxa Qaramada Midoobay maanta dib ugu xaqiijiyay ka go’naanta hay’adda caalamiga ah ee in la taageero dalka ku yaalla Geeska Afrika oo haya tubtiisa nabadda iyo xasilloonida.

“Soomaaliya waxay wajaheysaa caqabado badan, laakiin fadliga Ramadaanka, waxaan sidoo kale sidaa dhambaal rajo iyo dib-u-cusboonaysiin ah - Qaramada Midoobay waxa ay midnimo la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed. Aan isu imaanno si aan u horumarinno nabadda iyo amniga, horumar waara iyo xuquuqul insaanka  – oo aan mustaqbal wanaagsan u dhisno dhammaan Soomaalida,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

Mas'uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ayaa ka hadlayay shir jaraa'id oo ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, maalintii labaad ahna maalintii ugu dambeysay booqashadiisa Soomaaliya. 

Talaadadii, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada iyo la taliyeyaasha, waxa uu booqday qoysaska gudaha ku barakacay ee ku sugan Koonfur Galbeed, safar uu ku tegay Baydhaba, waxa uuna si gaar gaar ah ula kulmay ururrada bulshada rayidka ah iyo madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay, sanduuqyada iyo barnaamijyada ka shaqeynaya taageerada Soomaaliya.

Horumar iyo taageero

Hadal-jeedintiisii shirka jaraa’id, ayuu madaxa Qaramada Midoobay ku xusay in inkastoo ay jiraan caqabado adag, haddana dadka Soomaaliyeed ay sii wadeen inay muujiyaan awood iyo adkeysi aad u ballaaran.

“Mudada lixda sano ah tan iyo booqashadeydii ugu dambeysay, waxaan soo aragnay horumar laga gaaray nabadda, amniga iyo horumarka waara. Wadahadalladii aan shalay la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha dowladda, waxaan kaga wada hadalnay sidii nidaamka Qaramada Midoobay uu u sii wadi karo in uu Soomaaliya ka taageero xoojinta horumarkan togan,” ayuu yiri Md. Guterres.

"Waxaan bogaadiyay dadaallada Madaxweynaha ee horumarinta nabadda iyo amniga, waxaana guudmaray muhiimadda ay leedahay wadashaqayn xooggan oo lala yeesho Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka si wax looga qabto khataraha ay soo rogayaan Al-Shabaab," ayuu Md. Guterres hadalkiisa ku daray. “Qaramada Midoobay waxaa ka go'an inay taageerto dadaallada heer qaran iyo heer gobol ee lagu ilaalinayo xuquuqda aadanaha, lagulana dagaallamayo argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha leh.”

Madaxa QM waxa uu xusay in taageeradaas ay ku jirto iyadoo la soo mariinayo howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), oo ah howlgal dhinacyo badan leh oo ay ku jiraan militariga, booliiska iyo qaybaha rayidka ah, isla markaana uu sharciyad siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si ay ciidamada ammaanka Soomaaliya uga caawiyaan dagaalka ay uga horjeedaan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Aragtida bulshada rayidka

Intii uu ku sugnaa Muqdisho, Xoghayaha Guud wuxuu sidoo kale la kulmay wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka Soomaaliya ee ka shaqeeya arrimaha haweenka iyo awoodsiinta, isbeddelka cimilada, dadka naafada ah, dhalinyarada iyo kooxaha la heybsooco.

Waxa uu warbaahinta u sheegay in ay "si qoto dheer u dhiirigalisay aragtidooda iyo tamartooda.”

“Masaaxo rayid, badbaado leh oo loo dhan yahay ayaa lagama maarmaan u ah maamul wanaaga waxayna gacan ka geysan kartaa ka hortagga iyo dhimista rabshadaha. Ka-qaybgalka buuxa ee haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee siyaasadda - oo ay ku jirto dib-u-eegista dastuurka - waa muhiim," ayuu yiri Md. Guterres. “"Waxaan soo dhaweynayaa ka go’naanta dowladda ee xuquuqda haweenka iyo matalaadda waxaana ku baaqayaa in si buuxda loo hirgeliyo loona qaabeeyo qoondada boqolkiiba 30 ee haweenka ee doorashooyinka."  

Hannaankii doorasho ee ugu dambeeyay ee Soomaaliya, ee soo gabagaboobay 2022, waxaa jiray hadaf ah in la gaaro ugu yaraan 30 boqolkiiba matalaadda haweenka ee baarlamaanka federaalka.

Gabagabadii, haweenku waxay heleen 21 boqolkiiba oo keliya kuraasta baarlamaanka, taasoo hoos uga dhacday 24 boqolkiiba kuraasta baarlamaanka ee hannaanka doorashada 2016/17. Qaramada Midoobay waxa ay horay u sheegtay in xaqiijinta in la buuxiyo qoondada boqolkiiba 30-ka ah ay tahay tallaabo koowaad oo muhiim ah oo loo qaaday matalaad buuxda iyo bulsho isku duuban oo ay yeelato Soomaaliya. 

Humanitarian crisis

Booqashadii ugu dambeysay ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku yimaado Soomaaliya, sanadkii 2017-ka, waxa ay ahayd xilli uu socday howlgal beni’aadannimo oo ballaaran oo looga hortagayay macluul. Booqashadiisa sanadkan ayaa ku soo beegantay iyadoo Soomaaliya ay la halgamayso abaar musiibo ah oo horseedday dhimashada 43,000 oo qof sanadkii 2022 oo keliya.

Gargaar degdeg ah ayaa loogu baahan yahay ilaa 8.3 milyan oo Soomaali ah, sida uu sheegay xafiiska isku-duwidda arrimaha beni’aadannimo ee OCHA. Abaartu waxay horseedday barakaca 1.4 milyan oo Soomaali ah – iyadoo 80 boqolkiiba dadkaas ay yihiin haween iyo carruur. Sicirka cuntada ayaa kor u kacaya oo uga sii daraya gaajada iyo nafaqa-darrada, halka bulshada danyarta ah iyo kuwa nugul ay qarka u saaran yihiin macluul.

"Maanta, xaaladda waa mid argagax leh mar kale. Isbeddelka cimiladu waxa uu sababayaa qalalaase. Soomaaliya waxa ay soo martay shan xilli roobaad oo liita, oo xiriir ah - tan waa wax aan horay loo arag… bulshada danyarta ah iyo kuwa nugul waxa ay qarka u saaran yihiin macluul, xaaladduna way ka sii daraysaa,” ayuu yiri Md. Guterres.

Inta u dhaxaysa hadda iyo bisha Juun, sida uu sheegay xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Beni’aadannimo ee OCHA, 6.5 milyan oo Soomaali ah ayaa la filayaa inay soo wajahdo xaalad sugnaan la’aan cunti oo aad u daran, khatarta macluulna waa soo fool leedahay.

"Waa inaan hadda wax ka qabannaa si aan uga hortagno musiibo. Shalay waxaan booqday Baydhabo, waxaana la hadlay qoysas ku xoolo beelay abaaro iyo amni darro. Waxaa I qiiro geliay halgankood; Waxa kale oo aan aad ula dhacay adkaysigooda, geesinnimadooda iyo ka go’naantooda si ay dib ugu dhistaan noloshooda. Laakiin kaligood ma samayn karaan,” ayuu yiri Md. Guterres.

"Waxaan si adag uga codsanayaa deeq-bixiyayaasha inay garab istaagaan Soomaalida waqtiga ay u baahan yihiin," wuxuu sii raaciyay. "Beesha caalamka waxay mas'uuliyad ka saaran tahay oo ay tahay in ay danayso inay Soomaaliya ku taageerto tas-hiilaadka loo baahan yahay si looga adkaado Al-shabaab, si loo dhiso adkeysi, loona [xasiliyo] goobaha laga xoreeyay iyo in la bixiyo gargaar beni’aadannimo oo aad loogu baahan yahay." 

Gurmadka dhaqaale-yarida haysato

Qorshaha Gurmadka Beni’aadannimo ee Soomaaliya ee 2023, oo ay si wadajir ah uga wadashaqeeyeen OCHA iyo bahwadaagteeda beni’aadannimo, waxa uu bar-tilmaamayaa baahiyaha beni’aadannimo ee ugu daran ee dalka ka jira, qorsheyayaa gurmad iyo go'aaminta miisaaniyadda loo baahan yahay si wax looga qabto.

Qorshaha sanadkan wuxuu daydayaa $2.6 bilyan. Ilaa hadda heerarkiisa maalgelineed waxay taagan yihiin ku dhawaad 15 boqolkiiba la maalgeliyey, ama $347 milyan oo doolar oo la bixiyey.

"Marka ay macluul soo fool leedahay, tani gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin. Beesha Caalamku waa in ay sare u qaaddo oo ay si weyn u kordhisaa cadadka maalgelinta lagu taageerayo Soomaaliya xilligan adag,” ayuu yiri Md. Gutterres. “Waa wax aan la qaadan karin in Soomaalida, oo aan waxba ka gaysan in ay abuuraan dhibaatooyinka cimilada, ay la dhibtoonayaan saameynteeda xun – iyaga oo uun hadda bilaabaya in ay ka soo baxaan sannado badan oo colaado iyo amni darro ah,"

Booqashada labada maalmood ah ee madaxa Qaramada Midoobay ku yimid Soomaaliya waxa ay qayb ka ahayd dhaqankiisa sanadlaha ah ee booqashooyinka garab-istaagga ah ee uu ku tago dalalka Muslimiinta inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan, isagoo mudadaas uu kala qayb qaato maamuusidda arrimaha la xiriira soonka iyo la qaybsiga cuntada afurka.