Ganacsatada haweenka ah oo kobcinayo dhaqaalaha Soomaaliya

9 Nov 2017

Ganacsatada haweenka ah oo kobcinayo dhaqaalaha Soomaaliya

Luul Maxamed Cusmaan waxaa ay lahayd hudheel ka hor inta ay dagaallada sokeeye Soomaaliya ka qarxin, taasi oo ku qasbay in ay magangelyo ka doonato dalka Talyaaniga. Shan sano ka hor dalkeeda ayay dib ugu laabato si ay dib ganacsigeeda u bilowdo.

“Sanadka 2012-ka, waxaa aan u soo guuray Soomaaliya. Waxaan doonayay in aan isbeddel ku sameeyo nolosheyda oo aan nafteyda dalkeygan ku xasiliyo maadaama aan ka daalay in aan ku noolaado dibadda Soomaaliya,” ayay tiri Luul oo maqaaxi caan ah iyo hudheel ku lahayd goobta Zoobe ee magaalada Muqdisho. 14-kii bisha Oktoobar ee sanadkan, qarax aad u xooggan ayaa ka dhacay goobtaa kaasi oo burburiyay ganacsigeeda.

Luul waxaa ay ka mid tahay dumarka Soomaaliyeed ee dhibaatooyin iyo caqabado badan u soo dhabar adeegay si ay u biilaan qoysaskooda iyaga oo sameystay ganacsiyo kuwaas oo sidoo kale kumannaan Soomaali ah shaqaaleysiiya. 

Maqaayad-laha tan oo aan ka niyad jabin dhib u dhaca ku yimid, ayaa waxaa ay hadda ku mashquulsan tahay dhammeystirka hudheel iyo maqaaxi kale oo ay ku waddo in ay daah-furto goob caan ka ah Muqdisho.

“Hadda waa uu shaqeeya balse ma furno sababta oo ah waxaa aan ka cabsi qabaa in aan magac u bixiyo. In aan halkaan calaamadda ganacsiga saaro waxaa ay soo jiidaneysaa khatar. Aad ayay u adag tahay oo dhib badan tahay in xaaladaha noocanani lagu shaqeeyo,” ayay tir Luul.

Goobta waa goob aad u shidan, gaar ahaan xilliyada qadada iyo cashada, waayo waxaa ay diyaarisaa dhowr nooc oo cunnooyinka Talyaaniga ah.

“Waxaa jiraa cunno, waxaa jiraa cabitaanno, habeenka Khamiista ahna waxaa jiraa muusig. Waa in aan dadka ka farxinaa sababta oo ah dadka ku dhaqan halkan (Muqdisho) lacag ayay haystaan balse ma haystaan wax mashquuliyo. Ma haystaan meel ay aadaan,” ayay tiri Luul.

Luul waxaa ay muujineysaa rajo, in kasta oo nabadgelyo darrada ay dhib weyn iyo welwel ku hayso magaaladeeda.

“Waa in aan sii wadno, ma joojineyno. Wax waliba oo dhaca, maadaama aad nooshahay, maadaama aad xoog leedahay, waan shaqeyneynaa. Dhib malahan,” ayay intaa ku dartay, iyada oo ka waddo weerarrada ka dhacay Muqdisho ee qaraabo iyo saaxiibbo ay ku geeriyoodeen.

Dhinaca kale ee magaalada, haweeney kale ayaa waxaa ay jaceylka ay u qabto miraha iyo khudaar tayo leh u beddeshay ganacsi oo kobac weyn sameynaya.

Xirsiyo Siyaaad Saciid waxaa ay asaastay shirkad baakadeysa oona suuqyada magaalada Muqdisho geysa wax soo saar cusub. 2003-dii ayay ganacsigeeda ku bilowday lacag ay ka kaydisay shaqooyinkeedii hore.

“Waxaan ka ahayn ay igu darsadeed qaraabadayda iyo saaxibadayda, cid lacag i siisay ma jirin,” ayay tiri Xirsiyo. Shirkaddeeda waxaa ay hadda si gaar ah u iibisaa mooska bislaaday oo inta badan Soomaalida ay cunnooyinka ku darsadaan.

Inkastoo macaamiisheedi ugu horreeyay ay ahaayeen maqaayadaha Muqdisho, Xirsiyo ayaa hadda kobcisay ganacsigeeda iyadoo ku soo dartay haween waddooyinka mooska ku iibiya. Ganacsigeeda wuu kacay waxaa ayna hadda shaqaaleeysiisaa 20 qof oo joogta ah iyo 70-tan kale oo ay shaqaaleeysiiso xilliyada mooska la goosto ayada oo afar gaadhi u isticmaasha suuq-gaynta khudrad nadiif ah.

Qorshe weyn ayay Xirsiyo u haysaa shirkaddeeda

“Qorshahayga waa in aan beer aniga aan leeyahay u sameeyaa shirkaddayda. Waxaa aan tababar u fidin karaa shaqaalaheyga si aan u goosto wax soo saar nadiif ah. Waan soo saari karaa mooska jaalaha ah ee Soomaaliya caanka ka ah,” ayay intaasi raacisay haweeneydan ganacsatada ah ee dadaalka badan.

 UNSOM waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay in ay caawiso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si kor loogu qaado ajendooyin ay ka mid yihiin arrimaha jinsiyadda iyo haweenka, nabadda