Habka dhammeystiran ee loo wajahayo amniga oo maanta looga wada-hadlay Muqdisho

11 Nov 2017

Habka dhammeystiran ee loo wajahayo amniga oo maanta looga wada-hadlay Muqdisho

Muqdisho – Maanta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa waxaa ay yeesheen shir wadajir ah si looga wada-hadlo habka dhammeystiran ee loo wajahayo nabadgelyada dalka.

Kulanka ayaa waxa looga wada-hadlay arrimaha mudnaanta u ah Soomaaliya, guulaha laga gaaray Habka Dhammeystiran ee loo wajahayo Amniga iyo daloollada, waxaana goob-joog ka ahaa ka qayb-galayaal ka socday wasaaradaha muhiimka ah ee dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada, Qaramada Midoobay, AMISOM iyo bah-wadaagta caalamiga.

“Sugidda amniga kaliya ma ahan in weerar la qaado, waxaan mar waliba dareensannahay in aan u baahannahay hab dhammeystiran ee loo wajaho kaaso oo uu si wanaagsan u kala dhigdhigay madaxweynaheenna oo aad ugu dadaalayo in uu kala shaqeeya dadkeenna arrimaha dowladnimada wanaagsan, la dagaalanka musuq-maasuqa, dib u heshiisiinta iyo ka soo kabsashada dhaawacyadii na soo gaaray”, ayuu khudbaddiisa furitaanka ku yiri Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khaire.

Waxaa uu sidoo kale xusay in hab dhinac waliba leh ee wax looga qabto xaaladda amniga ee Soomaaliya uu aad muhiim u yahay, xilli ay dowladda isku diyaarineyso in ay si buuxda uga adkaato maleeshiyaadka Al-Shaabaab si dalka loogu soo celiyo nabad iyo kala dambeyn.

“Arrinta muhiimka ah ee na hor taallo waxaa ay tahay sida aan u sii wadi karno in aan xasilinno Soomaaliya aanna xajinno guulaha badan ee aan gaarnay”, ayuu yiri Michael Keating, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xog-Hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, asaga oo isla markana xusay in kooxda argagixisada ay weli khatar ku tahay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wakiilka Gaarka ayaa muujiyay baahida loo qabo in la “ilaaliyo booska siyaasadda si ay Soomaalidu u awoodaan in ay sii wataan shaqada culus ee dhismaha dalka, dhisidda nabadda iyo xallinta caqabado badan oo ay la kulmaan, haddi ay tahay dhinaca bulshada iyo dhaqaalaha, dhinaca siyaasadda, dib u eegista dastuurka iyo bixinta adeegyada”.

Keating ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo “in la dhiso istarateejiyad ay hormuud ka tahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo kaashaneyso Midowga Afrika; sugidda xarumaha dadka, waddooyinka muhiimka ah, howlgallada wadajirka ah iyo qorshe lagu xoojinayo awoodda ciidamada ammanka ee Soomaaliya; iyo in hubiyo in aan dhammaanteen aan daba taagannahay istarateejiyaddaasi guud”, ayuu ku daray.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa ku nuuxnuuxsaday dadaallada wadajirka ah ee wax looga qabanayo caqabadaha dhinaca ammaanka.

“Mar haddii aan garanno cadowga, mar haddii aan ogaanno awooddeenna, waxaan ognahay waxa loo baahan yahay in la sameeyo. Mar haddii aan garanno waxa loo baahan yahay in lagu tallaabsado, waxaa aan u baahannahay hantidii. Waxaan u baahannahay in aan wada fadhiisanno oo aan isla eegno sida aan isku keeni karno hantidan”, ayuu yiri Danjire Madeira.

Madeira ayaa sidoo kale ku baaqay in la horumariyo wadaagista macluumaadka iyo awoodaha sirdoonka ee ku aaddan argagixisada.